Fc Chelsea oo u Kulul Daniel Alves * Bayern Munchen oo soo wadata Ashley Young , *Liverpool oo ka hari la Mario Gomez* iyo Warar kii ugu dambeeyey ee Europa League-Ex Jabhadii hore ee Uefa Cup-ka oo kooxo waa weeyn Dhulka la la galay.* Rigooradii Fc Liverşool laga dhigay oo noqotay mid eey Dhamaan Saxaafada Sportiga ee Caalamka isku Qilaafeen iyo Bahda Xiriiriye.com oo isku raacday ineey Sax eheed markii eey 20-Jeer Daawadeen ( Halkaan ka Daawo Ciyaaro kulul oo dhacay !)
*** Kooxaha ugu tunka weeyn Maslaxa ciyaaraha Kubada Cagta ayaa inta badan wexeey xirtaan Beeca Ciyaartooyda eey u arkaan inuu laf dhabar u noqon doono ama looga hor mari doono. Hadaba waxaa jiro kooxo waa weeyn oo durbadiiba sii xirtay beeca Ciyaartooy caan ah oo xili ciyaareedka soo socda ka bar bar ciyaari doona kooxda soo iibsaday?
Yaa ka mid ah Laacibiinta eey koox kaste u kulushahay iyada oo xili Ciyaaredkaan weli uusan dhamaan??.
Waxaa caado noqotay kooxdii Lacag heeysato ineeysan maraba waayi doonin Xiddigii eey shiishka saarto sida kooxda weeyn ee Fc Chelsea ayaa wexeey Suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda la dhex wareegeeysaa Dambiil Lacag ah wexeey hada uga dhegan tahay sidii eey kula soo wareegi lahaayeen Xiddiga Dheereeya ee kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka Barazil waa Daniel Alves. Fc Chelsea oo Nasashadii xili qaboobahaan lagu jiro la soo wareegtay weeraryahanka Qaranka Spain & Ex-Liverpool Fernaando Torres ayaa waxaa iska cad ineey inta badan hesho xiddigii eey ku dhegto maadaama kooxaha kale eey iskaga Fujiso Lacag aad u tiro badan oo qaarkood eey ku raadsadaan ciyaartooy kale oo raqiis ah.
Fc Chelsea ayaa hada wexeey beeca Daniel Alves ku xiratay Lacag aad u tiro badan iyo Ciyaaryahan eey sheegtay in Suubis looga dhigi doono Fc Barcelona balse waxaan fududeen in Chelsea eey isku qalado kooxihii eey ciyaartooyda kala soo wareegi jirtay oo u baahnaa Lacag oo kaliyah halka Fc Barcelona eeysan lacag darteed ciyaartooyda iskaga dirin oo inta badan eey Ciyaaryahanada caanka ah iskaga fasaxdo marka uu Buuq bilaabo ama tababarka kooxdiisa ka Cuslaado sida Laacibiintii horay loo kala diray oo eey ka mid ahaayeen Anderson Luis de Souza Deco, Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho, Luis Filipe Madeira Caeiro Figo, Vitor Borba Ferreira Rivaldo , dhamaan Laacibiintaan caanka ahaa ayaa waxaa loo kala diray Buuq iyo Qilaafaad hoose oo salka ku hayey kooxo kale oo soo dir diray si eey kooxdooda u qasaan ka dibna la iskaga fasaxo halka qaar ka mid ah loo fasaxay Culeeys.
Ugu dambeentii kooxda Fc Chelsea ayaa Laacib Dani Alves wexeey ku xiratay 25-Milyan oo Euro iyo Ciyaaryahan aan weli magaciisa la shaacin.
*** Hadal heeynta ugu badan dhanka Horyaalada England & Germany ayaa noqotay warkii uu shaaciyey Jaraaidka Daily Mirror oo ka soo baxa dalka Ingiriiska kaas oo ahaa sidatan : Kooxda Fc Bayern Munchen oo halkii eey ka Jilicsaneed Ciyaaryahankii ka Daaweeyn lahaa si toos ah u heshay. Waa kuma Ciyaaryahankaas? Laacibkaas waa Ashley Young oo 25 jir ah una ciyaara Qaranka England iyo kooxda Aston Villa ee horyaalka Ingiriiska. Fc Bayern Munchen wexeey Laacib Ashley Young ku xiratay Adduun dhan 14 Milyan oo Euro.
Boss-ka ugu sareeya Naadiga Fc Bayern München Karl-Heinz Rummenigge oo horay u ahaan jiray Laacib weeyn oo ka tirsanaa Qaranka Germany & Kooxda Bayer ayaa waxa uu SAT 1 u sheegay in Fasaxii Qaboobaha uu kula taliyey Macalin Luis Van Gaal inuu si deg deg ah ula soo wareego Laacib Ashley Young inta uusan kooxda dhaafin Xiddigaas.
*** Kooxda Fc Liverpool ee Horyaalka Ingiriiska ayaa wali wexeey ka hari la dahay Weeraryahanka qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Mario Gomez.
Fc Liverpool oo heeysata Weeraryahano ku filan dhan walba ayaa waxaa la la yaaban yahay waxa soo cusbooneeysiiyey doonisteeda ku aadan Mario Gomez.
Isbuucaan aan ku jirno ayeey eheed markii kooxda Fc Chalsea Beeca Mario Gomez weey diisay kooxda Bayern Munchen wexeeyna Bayern ugu jawaabtay Chelsea 42-Milyan oo Euro waxaana laga yaabaa in Fc Liverpool shaki ka muujisay beec is weeydaarsiga dhex maray Bayern & Chelsea taas ayaana u sabab ah in Liverpool eey mar 3-aad soo cusbooneeysiiso doonista Mario Gomez si uusan u dhaafin xili ciyaareedka soo socda oo eey si weeyn isku qalabeeysay.
*** Koobka Europa League-Ex Jabhadii hore ee Uefa Cup ayaa waxaa la ciyaaray kulamo aad u adag.
Dinamo Kiev wexeey 2-0 isaga reebtay Dheg dhega kooxda Lacagta badan isku aragtay waa Man City, goolasha Dinamo Kiev waxa u kala saxiixay Weeraryahankii hore ee kooxaha Ac Milan & Fc Chelsea Alexander Andreas Schevtschenko daqiiqadii 25-aad waxaana Man City u labeeyey Gusev daqiiqadii 77-aad ee dhamaadkii ciyaarta Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=eSfLvAVXENY .
Bayer Liverkusen waxaa gurigeeda 2-3 ku dubatay kooxda Villarreal waxaana labada kooxood goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Kadlec (3.), Castro (72.) oo Liverkusen ka wada tirsan iyo Rossi (42.), Nilmar (70./90.) oo Villarreal ah . Halkaan ka Daawo Ciyaarta oo eheed mid kulul maadaama labada kooxood loo saadaaliyey koobkaan. >>>
http://www.youtube.com/watch?v=28z-F99Yc2M&feature=related .
Fc Liverpool oo u Safartay dalka Portugal ayaa waxaa 1-0 oo Rigoore ah ku soo dubatay kooxda Sporting Braga oo ka dhisay horyaalka Portuqiiska . Kooxda Liverpool wexeey Rajo weeyn ka leedahay sanadkaan qaadista Koobka Europa League Ex Jabhadii hore ee Uefa Cup-ka. Saxaafada Sportiga ee Caalamka wexeey isku qilaafsan yihiin Rigoorada laga dhigay kooxda Liverpool balse bahda Xiriiriye.com oo 20-jeer ku ceshatay Rigooradaas ayaa wexeey isku raaceen in eey Sax ama Run tahay Qalistaas in Liverpool laga dhigo Rigooro.
Saxaafada Sportiga ee Dunida ayaa qaar ku doodaya in Xiddiga Sporting Braga uu banaanka ka taagnaa xerada ganaaxa xiligii la Qalaayey wexeeyna leeyihiin ugu yaraan ganaxaas waxa uu ahaa Bilision oo kaliyah in Fc Liverpool laga dhigo.
halkaan ka Daawo Rigoorada dhalisay buuqa faraha badan iyo sida loogu wareeray >>> http://www.youtube.com/watch?v=3bcnYVW0g_k&feature=related.
Kooxaha kale ee ciyaaray Koobka Europa League-Ex Jabhadii hore ee Uefa Cup-ka ayaa wexeey ku kala bexeen qaabkaan :
| ZSKA Moskau |
FC Porto |
|
0:1 |
| PSV Eindhoven |
Glasgow Rangers |
|
0:0 |
| Bayer Leverkusen |
Villarreal |
|
2:3 |
| Sporting Braga |
Liverpool |
|
1:0 |
| Benfica Lissabon |
Paris St. Germain |
|
2:1 |
| Dynamo Kiew |
Manchester City |
|
2:0 |
| Twente Enschede |
Zenit St. Petersburg |
|
3:0 |
| Ajax Amsterdam |
Spartak Moskau |
|
0:1 |
Wajiga iyo is araga 2-aad waxaa la ciyaari doonaa 17-ka Maarso 2011 .
Filo goor dhaw Warar Top Sport News ah iyo Barnaamishka ku biiri Aqoontaada Sport oo hawada ku soo jira !
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com