Qaar ka mid ah Akhristayaasha Sport ee sida weeyn ugu xiran Xiriiriye.com iyo Tifaatiraha Xiriiriye oo Qiso La Yaab badan dhex martay & Arinkaas oo Hees cusub oo aad u Kulul laga sameeyey ( Akhri Qisada Halkaana ka Daawo Heesta Cusub)
Tan iyo markii uu biloowday Hal Xiraalaha Sports-ka ah ee aad sida weeyn kala socon jirteen www.xiriiriye.com ayaa waxaa jiray Akhristayaal fara badan oo Shabakada Sportiga ee Xiriiriye.com uu u baxashay (Maharayaal) kuwaas oo loola jeeday iyaga oo si deg deg ah mar kasta uga soo jawaabi jiray Halxiraalayaasha ka soo baxa Xiriiriye-Sports weliba ku noqday Laf Dhuun gashay.
Intaas ka dib Tifaatiraha Xiriiriye.com ayaa u balan qaaday Akhristayaashaas in shaqsigii saxa ugu yaraan 5-Jawaab oo ka mid ah Hal xiraalayaashii ugu adkaa uu muteeysan doono in looga faalooda Kooxda ama Ciyaaryahanka uu markaas jecel yahay ama Taageeraha u yahay.
Akhristayaashii guuleeystay oo aad moodid ineey Tifaatiraha Xiriiriye u soo tashteen weliba iyaga oo maalin kasta kala xiriiri jiray Qadka Msn-ka ee lagu wada sheekeeysto ayaa waxa eey soo jeediyeen in Shurudooda eey ku doonayaan Barnaamishyo kale oo Xiriiriye ka baxo sidii loo kordhin lahaa oo meesha uu Maalintii hal jeer ka soo bixi jiray 2-jeer looga dhigi lahaa.
Khabiiradaan Sport ee dhanka Ciyaaraha ku hormaray ayaa waxa eey www.xiriiriye.com iyo Tifaatiraha u soo jeediyeen in Barnaamishka (La Yaab) looga dhigo Maalintii 2-jeer taas oo uu Tifaatiraha Gaashaanka u daruuray kuna sheegay in (La Yaab) uu markasta u baahan yahay Cadeemo Sawiro ah iyo Video muuqaal ah uuna ku adkaan doono Xiriiriye in uu maalin kasta soo saaro 2-Jeer Barnaamishka (La Yaab).
Hadaba Akhristayaashaan oo fursad u arkay dhanka Fanka lana socday in Tifaatiraha uu Qalab casri ah oo dhanka Muusiga iyo Talaba uu ka helay Fanaanka weeyn ee Soomaaliyeed Mr.Knaan Cabdi Warsame weliba aan dhoor jeer horay ugu soo bandhignay bartaan www.xiriiriye.com ayaa weexey Tifaatiraha mar labaad Shuruud uga dhigeen isaga iyo Kooxda uu hogaamiyo ee dhanka Heesaha lana magac baxday (Sii Sii Somband) ineey soo saaraan 2-Hees oo cusub oo midna eey Daadis tahay Midna Jaceyl tahay.
Akhristoow waxaa Mucjiso noqotay in Tifaatiraha Xiriiriye.com eey Heesaha kala fududaadeen in uu maalin kasta Barnaamishka La Yaab 2-Jeer ka dhigo halka sida aad horay ula socoteen Heesihiisa uu ku Luuqeeyo 3-Cod ama iska dhigo 3-cod isaga oo weliba sameeysta dhamaan Miraha, Laxamka iyo Qaabka uu Muusiga cusub heesaha cusub ula qabsado.
www.xiriiriye.com waxa uu mar kasta idiin hayaa wax alle iyo wixii cadeen nuucii ugu dambeeysay ah taas oo aan ula jeedno Heesta cusub ee uu suubiyey Tifaatiraha ayaa waxaad kaga bogan doontaan ama ku dhex arki doontaan Garoon halka Rigoorada laga gamo ah oo Wadne laga sameeyey weliba Kubad sidoo kale Qalbi laga sameeyey taas oo kuu cadeeneeyso hadii eey xitaa Bahda Xiriiriye dhanka Fanka u weecdaan eey mar kasta ka go´antahay ineeysan iloobin ciyaaraha oo eey meel kasta oo munaasab ah ku xusaan Sportiga maadaama uu agteena Qiimo weeyn ku leeyahay.
Ugu dambeentii waxaanu halkaan ugu soo bandhigeeynaa Akhiyaartii iyo Khabiiradii Sporti ee Tifaatiraha Xiriiriye.com Xujeeyey ineey ku Raaxeeystaan Balan qaadkii Heestaan cusub ee la magac baxday Damac Dhaanto waxaana dib uga bogan doontaan Shuruuda kale ee aad Xiriiriye ku xirteen oo ah Hees Daadis ah: Halkaan ka Daawo heesta Cusub >> http://www.youtube.com/watch?v=APHiOLL-M34 <<
Waxaan kaloo aanu u soo bandhigeeynaa Bahda Sportiga ee ku xiran www.xiriiriye.com heesaha kale ee Qiimeeyntooda uu Youtubaha soo bandhigay qaabka eey soomaalida u jecel yihiin meel kastoo eey joogaan waxaana arki doontaan heesaha Tifaatiraha oo Bulshada Soomaaliyeed Mopilada ku duubteen maadaama eey Heeso Wadani ah u badan yihiin.