Maxaad kala socotaa Murtida wanaagsan ee loo tiriyo Dumarka Ragooda u roon ee aan dhibin xiliyada eey daalan yihiin ama Mashquulka yihiin. (Halkaan ka Daawo mid ka mid ah Heesaha Albumka cusub ee Dalsan & Daruuraha) !!
Album cusub oo Isbuucaan gudihiisa soo baxay ayaa durbo waxaa lagu dhex arkay Heeso Murtidooda eey meelo fog fog taabanayaan. Albumkaan cusub oo la magac baxay Dalsan & Daruuraha waxa uu ka kooban yahay 16-Heesood oo u badan dhanka Jaceylka & Wadaniyada.
Almubkaan ama Cajalkaan cusub ayaa sidoo kale waxaa lagu dhex arkay Heeso Nabi amaan ah oo lagu soo dhaweeyey Bisha barakeeysan ee Ramadaanka iyo Heeso kale oo ku socda Maalinta Ciida.
Mid ka mid ah Heesaha Albumka Dalsan iyo Daruuraha oo aanu soo qaadanay waxaad moodaa Murtida saaran ineey ku socoto Dumarka inta badan Ragooda ka keensada ee aan dhibin xiliyada eey daalan yihiin ama Mashquulka yihiin.
Miraha yaabka leh ee Albumkaan cusub uu xambaarsan yahay ayaa waxaanu ka xusi karnaa sida :Waan daloo taag dareeyey, daacad waan kuu noqday, Jaceyl kaama diidine Dalsaneey i daryeel. Duruufaa i heeysa, Dabeyl ayaa i qaaday ,Daawadeeyda waa adiga. Diinta aan qabsano Dooqeyga ayaa tahay Dambi kuuma quuro ee Dayaxa i soo marsii.