Saxaafada Caalamka " Somalia Dal Dadkiisu jiifaan Amnigii iyo kala dambeeyntiisii Qar dheer ka dhacday,, (Dunida oo ku mashquulsan Arimaha Somalia).
(War Tarjuman) " Somalia waa Dal dhinac kasta ka bur buray oo waxaa Dhulka yaal ilihiisii Dhaqaalaha, Xarumihii Dawlada hoose iyo inta badan Wasaaradihii uu dalkaas ku haawl gali jiray.
Shacabka ku nool dalka Somalia wexeey u badan yihiin Dad wada Hubeeysan oo Guryaha ku heeysta Qoryaha qatarta ah ama Hubka halista ah, marar badan waxaa dhacday ineey Dadyoowga Soomalida ah isku laayaan waxyaabo sahal ah taas oo keenta Dhimashada Shacab fara badan oo ka fogaa halkii la isku fara saaray.
Soomaalidii aqoonyahanada eheed dalkaas goor hore ayeey iskaga soo baxeen waxaana inta badan Hoowlihii Siyaasada hor boodo dad aan aqoon guud u laheeyn dhanka Xukumada iyo Sharciyada Dawladeed.
Waxaa jira Caruur badan oo loo istimaaay Dagaalada sokeeye kuwaas oo hada ku qaan gaaray qaadashada Qoriga AK47 oo ay ka jecel yihiin wax kaste oo wanaag ah maadaama Nolashooda inta badan ay ku soo dhameeysteen Dagaalo ahli ah iyo duulaaano lagu qasbay ineey ka qeeyb qaataan.
Sanad kaste waxaa sii badanaya Qaxootiga Soomaaliyeed oo soo gaaray dalal badan oo Caalamka ka tirsan kuwaas oo ka raja dhigay Xaalada sii xumaaneeysa ee ka taagan dalka Somalia.
Marar badan oo la isku dayey in Xal loo helo xaalada dalka Somalia taasi ma dhicin maxaa yeelay Kooxaha isku haya xaalada dalka Soomalia ayaa wexeey yihiin kuwo aad u kala Fikrad duwaan oo hadane kala wata Qandaraasyo ay dabada ka soo riixayaan Shaqsiyaadka kala taageera dhinacyada halkaas isku haya.
Somalia ma ahan dal Sharci looga dhaqmo waxaana dhacda in qofkii wax dila uu goobtaas iskaga dhaqaaqi karo isaga oo aan wax dambi ah loo raacan,,