Daladaan waxaa bilaabay 7 urur oo ka jira wadanka Norway. Magacyada todobadaas urur iyo madaxdoodaba axaad ka heli kartaa websaydka cusub ee Dalada SomFurum leedahay - http://www.somforum.org/ . Websaydka oo hada shaqo ka socoto ayaa waxaa iska leh ururada oomaaliyeed ee ka jira qurbaha kuwaas oo doonaya inay iska kaashadaan sidii Soomaaliya nabad u heli lahayd iyo sidii ururadu u xalin lahaayeen dhibaatooyinka soomalida ku haysta qurbaha.
Hadaba hadaad madax ka tahay urur ka jira qurbaha waxaan kaa codsanaynaa inaad nagulamidowdo dalada SomForum hadii aad doonaysid inaan iska kaashano labada ulajeedo ee daladu leedahay (Xal u helida nabada Somaliya iyo dhibaatada soomalida ku haysata qurbaha)
Sidaan samee hadaad doonaysid inaad xubin ka noqotid dalada:
- Noo soo dir magacaaga oo sadexan iyo waxa aad ka tahay ururka
- Urarka magaciisa
- Ururka nambarkiisa
- Wadanka uu ka jiro ururka.
- Websaydka ururka(waa hadii uu leeyahay)
Noogu soo dir warbixintaas emailkaan: xassancali@gmail.com
Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan! waxaan aaminsannahay in iskaashigeenu wax wayn qaban karo.
Mahadsanid,
Hassan Ali Omar
Hogaamiyaha ururka, InterSom - International Somali Organization
InterSom waxay xubin ka tahay dalada SomForum
Tel: 0047 944 22 150