WORLD NEWS : Alloow kala Celi: Dawlada Syria & Shacabka dalkaas oo isku daalay ayaa markii ugu horeeysay Taariikhda dalkaas waxaa Cajal soo diray Maleeshiyaad Dagaal Ahli ah ku baaqay (Halkaan ka Daawo Yaabkaan)
Dalka Syria waxaa ku nool Soomaali aad u fara badan oo qaar eey horay halkaas u degnaayeen halka qaar kale eey Caruurtooda kala soo guureen dalalka Yurub si eey halkaas ugu bartaan Tarbiyada wanaagsan.
Syria ma ahan sida dalalka Liibiya iyo Yeman oo kale balse Madaxweeynaha dalkaas Mr.Bashar Al Assad waxa uu horumar wanaagsan gaarsiiyey Shacabka dalkaas sida dhanka Dhaqaalaha, Amniga iyo Waxbarashada.
Madaxweeynaha dalkaas oo Xukunka ku fadhiistay markii uu geeriyooday Aabihiis Hafiz al-Assad ayaa hada waxaa ku kacsan Shacab doonaya in dalka Syria mar kaste doorasho uu soo galo balse aan loo baahneeyn in Xukunka dalkaas eey cid qaas ah isku koobto ama Saldano soo jireen ah la iskaga taagnaado.
Shacabka Syria tan iyo markii eey bilaabeen Banaanbaxyada waxaa dalkaas ka taagnaa Car iyo Wir maadaama Shacabka eey ahaayeen kuwo Dhagaxaan tuurayey oo Taayaro gubayey halka Ciidamada Amniga eey Taangiyo ku soo qab qabanayeen Banaanbaxayaasha.
Ciidamada Amniga iyo Shacabka dalkaas markii eey isku daaleen ayaa hada waxaa soo baxay Guruub hubeeysan oo markii ugu horeeysay magacooda la maqlay inta Taariikhda la ogyahay. Syria oo dhanka Nabada aad ugu wanaagsan wexeey faraha la gali doontaan Baa´ba iyo Dagaalo ahli hadii uu Alle kala dhicin (Alloow kala Celi)