Super coppad'Italia : Ac Milan oo 1 Jar 2 ugu Jawaabtay Wesley Sneijder iyo kooxdiisa Inter Milan,* Fc Chelsea oo Drogbihii cusbaa Romelu Lukaku la soo wareegtay Xiddig kalena iska dirtay,* & Warar kale oo World Sport News ah (Halkaan ka Daawo)
Kooxda kubada Cagta ee Ac Milan oo heeysta Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga ayaa wexeey Super Coppaha dalka Talyaaniga kala wareegtay kooxda eey ifka iskugu neceb yihiin waa Inter Milan. Ciyaartaan oo ka dhacday ama la isku balansaday Magaalada Peking ee dalka Chiinaha waxaa ciyaarta qeeybteedii hore gool ku hormartay kooxda Inter oo Xiddigeeda u ciyaara Qaranka Holland Wesley Sneijder Daqiiqadii 22-aa (Free Kick,Laad xor ah)
Ciyaarta markii qeeybteedii 2-aad la iskugu soo labtay waxaa Garoonka Dardar la soo gashay kooxda Ac Milan oo ugu dambeeyntii 9-daqiiqo gudahood 2 Gool ku dhalisay. Ac Milan waxaa goolka Bareejada ah u saxiixay Laacibka Qaranka Sweden Zlatan Ibrahimovic daqiiqadii 60-aad .waxaa goolka guusha sii raacsaday Daqiiqadii 69-aad Xiddiga qaranka Ghana Kevin-Prince Boateng .
Sidoo kale Guuldaraan kooxda Inter Milan dhabarka loo saaray ayaa wexeey noqoneeysaa tii ugu horeeysay oo lagu iftaxo Macalinka Cusub ee kooxda Inter Milan Gian Piero Gasperini. Taariikh ahaan labadaan kooxeed ayaa waxaa waligeed adkaan jirtay kooxda Ac Milan marka laga reebo Xiligii uu Inter u yimid Tababare Jose Morinho oo kooxda Ac Milan Laf dhuun gashay ku moqday. Halkaan ka Daawo Kulankii Ac Milan Vs Inter Milan : http://www.youtube.com/watch?v=hhnCKTUJXdI&feature=player_embedded
*** Xiddiga Qaranka Beljemka iyo kooxda Anderlecht ee isla Horyaalka dalkaas Romelu Lukaku ayaa waxa uu si toos ah ugu biiray Naadiga Fc Chelsea oo mudooyinkaan dambe ka aamusneed Maslaxa & Kawaanka Ciyaartooyda.
Romelu Lukaku oo dhanka Weerarka mudooyinkaan dambe cel celis noqday waa 18 jir qaab ahaan si aad ah uga weeyn da´diisa waxaana isku heeystay kooxo aad u fara badan sida Real Madrid & Fc Arsenal. Kooxda Kubada cagta ee Fc Chelsea markii eey Xiddigaan soo xera galisay wexeey iska fasaxday Laacibka Qaranka Russia Juri Schirkow oo u weecday dhanka horyaalka Russia gaar ahaan Naadiga Anschi Machatschkala. Halkaan ka Daawo Goolasha Romelu Lukaku oo Saxaafada Caalamku eey ku naaneeysto Drogbaha cusub A New Drogba : http://www.youtube.com/watch?v=ph6Ty0fMUow .
Juri Schirkow waa 27 jir ka ciyaara dhanka Difaaca bidix wuxuuna sanadkii 2009-kii ka yimid kooxda ZSKA Moscow oo ka dhisan horyaalka Russia iyada oo xiligaas ku soo iibsatay 15-Milyan oo Euro. Laacibkaan ayaa lagu wadaa inuu kooxda Anschi Machatschkala oo hada Horyaalka Russia uga jirta kaalinta 5-aad ugu tago Xiddigii hore ee Qaranka Brazil iyo kooxaha Inter Milan, Real Madrid iyo Fenerbahce Istanbul waa Roberto Carlos.
*** Kulamo saaxiitinimo oo is diyaaris ah ayaa wexeey dhex mareen Kooxaha ugu Caansan Caalamka: Fc Barcelona wexeey 2-0 ku garaacday kooxda CF America. Benfica wexeey Isbaaro Saaxiitinimo u dhigatay oo 2-1 uga badisay kooxda Fc Arsenal London oo goolka ku hortay balse gadaal ka jiifatay. Real Madrid wexeey 0-6 u soo dhiibtay kooxda Tianjin Teda.
Fc Liverpool wexeey 2-0 ku dubatay Valencia . Tottenham wexeey 2-1 ku suul daartay Athletic Bilbao . Newcastle Vs Fiorentina 0-0 ayeey ku kala bexeen.