Emirates Cup : Arsenal vs Milan oo is mari waayey, Man Utd oo la garaacay, Bayer München & Fc Schalke oo Final isla taagan .
Kooxaha Arsenal London iyo Ac Milan ayaa waxa eey Emirates Cup isla dhaafi waayen 1-1. Kooxda Arsenal oo Goolka ku hormartay ayaa waxaa daqiiqadii 36-aad u saxiixay Xidiga cusub ee Qaranka Marooko dhawaana laga soo iibiyey Kooxda Bordeaux ee Horyaalka France Marwan Chamakh.
Kooxda Arsenal oo weerar badneeyd ayaa Difaacan weeysay halkaas Gool waxaana Daqiiqadii 77-aad ee dhamaadkii ciyaarta Milan u saxiixay Goolka Bareejada Alexsander Pato.
Kooxda Manchester Utd ayaa waxaa 3-2 uga badisay Kooxdii eey ka soo gateen Laacib Hernandes waa (Guadalajara Chivas) oo ka dhisan Horyaalka Mexico.
Goolasha Man Utd waxaa u kala saxiixay Nani & Smalling, 3-da Gool ee Chivas waxaa kala dhaliyey Hernandez, Bautista iyo Lopez .
Dhanka kale waxaa Liga-Cup Final isla taagan Kooxaha Bayer München Vs Schalke.
Waxaa aalaaba loo dhigaa liga Cup, Kooxda heeysata Horyaalka, Kooxda qaada Koobka dalka iyo Kooxaha Horyaalka Bundesligaha 3-aad & 4-aad ka soo gala.
Kooxda Schalke ayaa waxa eey soo reebtay oo 2-1 uga soo badisay Kooxda Hambrug. Goolasha Schalke waxaa u kala dhaliyey Edu iyo Jones, halka Goolka uu Schalke kaga naxsaday Ciyaar yahan Ruud Vaan Nistelrooy qeeybtii hore ee ciyaarta.
Kooxda Schalke oo horay ka soo saftay Laacibkii eey dhawaan kala soo wareegeen Real Madrid Raul Gonzalez ayaa goolasha Schalke mid ka mid ah baasay wuxuuna sidoo kale uu ka qasaariyey 3-fursadood oo goolal lagu dhalin karay.
Bayer München ayaa iyada waxa eey Rigoorayaal 3-1 ah ku soo reebtay Kooxda uu wato Laacib Lukas Podolski waa Fc Köln.