Kooxda Cagliari Calcio oo la ganaaxay 25.000 Euro ka dib markii eey ciyaaryahan Samuel Eto'o Cunsuriyeeyen & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News.
Xiriirka kubada cagta ee dalka Talyaaniga oo marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan (FIGC) ayaa caawa waxa uu ganaax dul dhigay Naadiga & Taageerayaasha kooxda kubada cagta Cagliari Calcio ee horyaalka Talyaaniga .
Madaxa ugu sareeyo FIGC ninka xiriirka Talyaaniga ka ah General-direktor Antonello Valentini ayaa warkaan si Live ah uga siidaayey Tv-yada Sportiga ee caalamka sida Rai One, Sky-sport, iyo Dzf.
Kooxda Cagliari Calcio oo la ganaaxay 25.000 Euro ayaa waxaa lagu eedeeyey in eey hadalo caay iyo Cunsurinimo is wata ah u geesteen xiddiga dhanka weerarka uga ciyaara kooxda Inter laacib Samuel Eto'o oo ciyaartii maalintii Axada eheed ee dhex martay kooxaha Cagliari Vs Inter gool aad u qurux badan ka dhaliyey (0-1)
Ciyaartaan oo xiliigii eey socotay uu Alabiitarihii Garsooraha ka ahaa uu qadar daqiiqado ah joojiyey ayaa waxa taas eey cadeen u sii noqotay in Xiriirka kubada cagta ee Talyaaniga la sugin Kooxda Cagliari Calcio ganaax maalmo qaato balse deg deg ku laqsiiyey 25.000 Euro.
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN SIDA TAN:
** Qilaafkii mudada dheer la qarinaayey ee u dhaxeeyey Wayne Rooney iyo Tababarihiisa Alex Ferguson oo banaanka ku soo dhacay. Waxaa inta badan laga daboolay saxaafada caalamka ineeysan wax ka ogaan Qilaaf aad u weeyn oo soo kala dhex galay Macalinka kooxda Man Utd Alex Ferguson iyo Weeraryahanka qaranka Ingiriska iyo kooxda Man Utd Wayne Rooney. Si kastoo qilaafkaan loo qariyo hadana waxaa jiray qaar badan oo ka tirsan Saxaafada Sportiga ee dalka Ingiriiska sida (TheSun) oo marar badan daabacay in uusan wanaagsaneyn xiriirka Rooney iyo macalin Sir Alex Ferguson oo uu ku sheegay in kulamada horyaalka Ingiriiska ka hor xiliga kooxda tababarka leedahay in eeysan isla hadlin amaba isa salaamin sidii horay looga bartay. Warkaan News-ka ah ayaa waxa uu farxad geliyey oo si deg deg ah suuqa ku soo galay Kooxda Manchester City oo lacagta meel eey geeso la´iyo Macalinka kooxda fc Chelsea Carlos Ancelotti oo sheegay wax yar ka hor isaga oo u waramayey Sky-sport in eey aad u doonayaan Wayne Rooney.
Saxaafada Sportiga kuwooda ugu afka dheer sida Bild-Sport ayaa qoray sababta in Wayne Rooney uu kooxdiisii uu jeclaa ka cararo uu masuul ka yahay Jose Morinho oo ku taqsuusay sida ciyaartooyda maskaxda looga galo ka dibna loogu diro Macalimiintooda si uu halkaas qilaaf uga biloowdo ka dibna kooxda iska iibiso maadaama eey u arkaan inuu yahay ciyaaryahan aan rabin in kooxdiisa guul gaarto oo weliba qatar ku ah ciyaartooyda kale si uusan cudur kaan diidmada ah u qaadsiin. Waxaa kaloo iyana meesha ka maqneeyn gacan haadis aan caadi aheeyn oo uu ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ka helay maadaama la sheegay in eey maalin walba Telfoon ku wada hadlaan. Ugu dambeentii waxa eey u kala dhamaatay oo Safaaradaha kala qaatay Ciyaaryahan Wayne Rooney iyo Macalinkii sida weeyn u soo caan bixiyey ee weliba ka soo iibsaday kooxda Everton Sir Alex Ferguson .
** Laacibkii hore ee kooxda Arsenal Eduardo Da Silva oo hogaaminaayo kulanka Arsenal Vs Shakhtar Donetsk kooxdiisa cusub ee Donetsk oo ka dhisan horyaalka Ukrain ayaa waxa uu sheegay in hadii uu gool ka dhaliyo kooxda Arsenal uu marnaba dabaal degi doonin. Eduardo oo asalkiisa u dhashay dalka Brazil ayaa waxa uu hada u ciyaaraa oo dhalasho uu ka helay qaranka Croatia. Laacib Eduardo Da Silva ayaa sheegay in uusan hilmaami doonin dhaawicii eey laftiisa banaanka timid iyo sida naadiga Arsenal eey xiligaas ugu hagar baxeen wuxuuna intaas sii raaciyey in uu ilaa iyo hada Arsenal ku leeyahay saaxiibo lama ilooban ah.
** Kooxda Milan ayaa waxaa dhaawac dhanka tababarka ah uu ka soo gaaray Goolhayahooda Christian Abbiati iyo Thiago Silva oo ciyaartii Chievo dhaawacmay. Warkaan oo uu qoray Gazzetta dello Sport ayaa waxaa lagu sheegay in kalunka Real Madrid vs Milan ee Dunida ugu magac dartay El Clasico uu goosha Milan u qaban doono ciyaaryahan Marco Amelia oo shaki weeyn laga muujiyey qaabka uu u abaari doono Darbooyinka Cristiano Ronaldo, Mesut Özil, iyo Gonzalo Higuain.
Filo goor dhaw Barnaamishka La Yaab oo xiligaan eey Tarjumis ku socoto