Taageerayaasha Kubada cagta ee Caalamka ayaa waxaa Jooga ka riday oo Dhagaha ka qabsatay Hees Cusub oo Xiddig Mareeykan ah uu qaado, heestaan ayaa waxaa Karoomada Caalamiga ah laga shidaa inta badan marka ciyaaraha Gaambiyada la´aado, sida Ciyaartii Man Utd Vs Arsenal, Tottenham vs Chelsea, Juventus Vs Lazio, Barca Vs Real Sociedad, Bayern Vs St. Pauli Iyo kuwa kale oo aad u fara badan (Halkaan ka Daawo Heesta+Warar kale oo News ah)
Sida inta badan caadada ah waxaa Maamulada Garooomada caalamiga ah ee ciyaaraaha adag eey ka socdaan si weeyn u Mashquuliyaan Taageerayaasha baaxada weeyn ee u soo daawasho tago Kulamada adag weliba xiliga eey Ciyaartooyda Kaambiyada Nasiinada iyo wada tashiga u aadaan.
Xiliyada Kambiyad ayaa waxaa Garoomada Caalamiga ah laga shidaa ama lagu mashquuliyaa Taageerayaasha Jalbeeysan hadba Heesta cusub ee xiligaas lagu kacysan yahay ama ugu wanaagsanba dunida.. Hadaba 3-dii Isbuuc ee ug dambeeysay waxa eey Taageerayaasha kubada cagta ee caalaamka meeshii eey doonaan ha joogeenee Dhagahooda Qiiq looga keenay Heesta uu qaado Xiddiga da´da yar ee Mareeykanka ah laguna magacaabo Taio Cruz.
Taio Cruz waa xiddig Madawga dadka Mareykanka ah wuxuuna qaaday dhoor hees oo dhamaantood Dadka ciyaaraha Jecel iyo ciyaartooyda eey si weeyn ula dhaceen maadaama Heesihiisa eey ku wanaagsan yihiin Xiliyada Taageerayaasha eey buux dhaafiyaan Garoomda in loo shido >> Halkaan ka Daawo Heestiisa:
http://www.youtube.com/watch?v=VUjdiDeJ0xg&feature=player_embedded#! .
Halkaan ka Daawo Hees kale oo macaan uuna qaaday xiddigaan waxaana lagu codeeyey 10-kii gool ee ugu wanaagsanaa Champions League ugu dambeey >> http://www.youtube.com/watch?v=KW0jWNssW8M.
Dhanka kale waxaa iyana in la xuso mudan Heestii qaaska eheeyd ee loo sameeyey www.xiriiriye.com oo booqashadeeda cirka isku shareertay ayaa Bulsho weeyntii Soomaaliyeed ee Daawatay ama dhageeystay waxaa ka mid noqday dad aan Ciyaaraha wax Shuqul ah ku laheeyn maadaama Heesta Xiriiriye loo sameeyey Only Bahda Xiriiriye.com ku xiran.
Halkaan ka Daawo Heesta Xiriiriye sida Booqashada eey saaid ugu socoto: >>> http://www.youtube.com/watch?v=BYIFqU_8TWc.
Kulamo ka tirsan koobka Europa League oo Soomaalida inta badan eey u yaqaanaan Ex-Jabhadii Uefa-Cup-ka ayaa la ciyaaray.
Kooxaha dheelay iyo natiijadii eey ku kala baxeen halkaan hoose kala soco, haduu alle idmo goor dhaw ayaa faalo dheer ka qori doonaa maxaa yeelay Maanta oo Jimcaha ayaa isku aadkiisa la sameenayaa waxaana isla koobkaan ku soo biiri doono ilaa 8-kooxood oo ka soo hartay The Uefa Chamions League.
| Juventus - Man City |
1:1 |
| Salzburg - Poznan |
0:1 |
| Leverkusen - Atl.Madrid |
1:1 |
| Saloniki - Rosenborg |
2:0 |
| Levski - Sporting |
1:0 |
| OSC Lille - KAA Gent |
3:0 |
| Debrecen - Sampdoria |
2:0 |
| Getafe - YB Bern |
1:0 |
| Stuttgart - Odense BK |
5:1 |
| Anderlecht - Haj. Split |
2:0 |
| AEK Athen - Zenit |
0:3 |
| Eindhoven - Kharkiv |
0:0 |
Wararka kale ee Cusub (Sport News-ka) waxaa ka mid ah dalka Qatar oo sidii eey u maqleenba World Cup ayaad marti galineeysaan bilaabay ineey Ciyaatooy badan oo Jinsiyo kala duwan leh Sharciyada siiyaan si eey mustaqbalka ugu dheelaan ayaa waxa eey dhagaha ka tumeen Xulka Qaranka Masar oo ah Qaranka heeysta Koobka Qaarada Afrika.
Qatar ayaa Masar uga badisay 2-1 ciyaar lagu sheegay mid saaxiibtinimo (Internationals - Friendly)
Wararka Jaraaidyada Sportiga ee ugu caansan Caalamka kala soco Saacad walba Xiriiriye Breaking Sport News and the latest Sports Headlines.
FILO GOOR DHAW: Barnaamishka
La Yaab oo Maanta ku saabsan Dhibaato dhanka Iloowshaha ah oo heeysta ciyaaryahan caan ah una ciyaaro koox sidoo kale si weeyn dunida caan uga ah. Xiddigaan ayaa Kooxdiisa ka wada yaabsaday ka dib markii uu Jabiyey Iskoorka Hilmaamida ama Iloowshaha loo yaqaan waxaana Maalin kasta laga daba qaadaa Telfoonadiisa gacanta & Qalab kale oo uu ku hilmaamo Meesha eey Ciyaartooyda kooxdiisa ku tababarato wuxuuna Laacibkaan Qirtay inuu ilaa Yaraantiisii qabay Xis-Iloobidaan uu Alaabaha badan uga tagay meelaha uu ku caweeyo ama fadhiisto qaasatan sida Diyaaradaha iyo Tareemada dhexdooda.
Filo goor dhaw war Bixintaan oo Sawiro wadato ! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!Waxaa Diyaariyey oo Tarjumay: Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com