Taageerayaasha Lionel Messi oo ku eedeeyey Cristiano Ronaldo inuu Biyo Cabsiiyo Eeyaha iyo Jaaifada & Caayda labada Taageere isku hayaan oo sii xoogeeysatay (Halkaan ka Daawo Cristiano Ronaldo oo Xayawaan lagu tilmaamay). Waxaa sii xoogeeysatay Caayda ama Dacaayada ay isku hayaan Taageerayaasha Xiddigaha ugu Laacibsan Dunida ee kala ah Cristiano Ronaldo Vs Lionel Messi oo u kala safta kooxaha Real Madrid iyo Fc Barcelona.
Laacibiintaan Home-peej-kooda Qeeybta Taageerayaasha waxaa maalin kasta isku caaya oo weliba Dharka iskaga dhiga Dadka iyaga kala Taageera gaar ahaan Taageerayaasha loo yaqaan kuwa Mayalka adag ee aan gartu galin.
Goobaha kale ee labada dhinac ay isku Jaaifeeyaan waxaa ka mid ah ama ugu daran Facebooka iyo Youtubaha. Taageerayaasha labada dhinac wexeey si weeyn uga faaideeystaan marka uu qalad yar galo mid ka mid ah Laacibiintaan wexeeyna ka sameeyaan Qisooyin lidi ku ah Xiddigii Qalad gala ama Kibir bilaaba.
Hadaanu ku hor marno Jaaifooyinkii ama Caaydii ugu dambeeysay ee loo la bartay Laacib Leo Messi waa (Handicap) wexeeyna Eraygaas kala jeedaan Taageerayaasha Cristiano Ronaldo inuu Leo Messi yahay Qof aan caadi u dhameeytirneen oo marka uu hadlayo Carabkiisa ama gaja gajadiisa cid fahmi karta aysan jirin marka laga reebo Dadka Soomalidu u taqaan (Dhimanka) Yaab.
Taageerayaasha Leo Messi wexeey soo bandhigeen Muuqaal ay ku sheegaan Cristiano Ronaldo inuu yahay Xiddig Kibir badan oo la Caqli ah EEYAHA wexeeyna taas sabab uga dhigeen Muuqaal uu Cristiano Ronaldo ku Biyo cabsiiyey EEY. Halkaan ka Daawo Yaabkaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=K4ykGuUP20E&feature=related.