MUCJISOOYINKA CAALAMKA : Halkaan ka Daawo mid ka mid ah Dhalinyarada Taageerta C.Ronaldo & Real Madrid oo ka qeeyb qaatay dagaalada Liibiya,* Xoogaga Qadaafi oo ineey si Nabad ah isku dhiibaan ka doortay in Dhiigooda la daadsho & Cadeenta Mucaaradka oo dhex taagan Bartamaha Bani Walid oo lagu baa´bay (Halkaan ka Daawo Dagaalka oo kala bax ah) ,* &Ururka Daalibaan oo Qaatu billahi laga taagan yahay ka dib markii eey bilaabeen ineey iska soo dhigaan Hay´adaha Caalamiga ah (Halkaan ka Daawo Xabada & Yaabka taagan).
*** Aqoonyahano & Mashaaiq ka socotay dalalka Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa isku dayey ineey bad baadiyaan inta ka hartay Xoogaga ciidamdii uu Qaddafi ka cararay oo weli ka dagaalamaya Magaalooyinka Bani Walid , Sabha iyo Sirte oo ah halkii uu ku dhashay Mucamar Al-Qadaafi.
Ciidamadaan ku soo aruuray labadaas magaalo oo Nolashooda la damaanad qaaday weey diideen ineey is dhiibaan maxaa yeelay nin u hadlay oo ka hadlayey Al Jazeera waxa uu sheegay ineey ku balameen guul ama guuldaro midkood mana dhici doonto ayuu yiri inaan isku dhiibno Wuxuushta canaasiirta ah oo uu kala jeeday Maleeshiyaadka Mucaaradka.
Maalmihii ugu dambeeyey labada dhinac wexeey wada sheegan jireen in Magaalada Istiraajiga ah ee Bani Waalid eey gacantooda ku jirto balse waxaa hada cadaatay in inta badan Magaalada Bani Walid u gacan gashay xoogaga Mucaaradka oo Tikniko la dhex yaacayey Bartamaha Magaalada ama Faras magaalaha Bani Walid.
Halkaan ka Daawo Wiil Taageerayaasha Cristiano Ronaldo & Real Madrid ah oo laga qeeyb galiyey dagaalada Liibiya :
http://www.youtube.com/watch?v=0OwYaU5BBgk .
***Ururka Daalibaan oo Qaatu billahi laga taagan yahay ka dib markii eey bilaabeen ineey iska soo dhigaan Hay´adaha Caalamiga ah (Halkaan ka Daawo Xabada & Yaabka taagan).
Dalka Afghanistaan waxaa bil kasta waji cusub la soo baxaayo ururka xag jirka ah ee Daalibaanka oo quus laga taaganyahay sidii loola dagaalami lahaa maadaama wajiyo cusub oo dhoor nuuc ah eey la soo bexeen.
Daalibaanku sanad ka hor wexeey soo gashan jireen dharka Ciidamada Booliiska dalka Afghanistaan ka dibna wexeey ku weerari jireen Ciidamada Shisheeye ee dalkaas ka hoowl gala. Intaas ka dib mudo hada laga joogo 5 bilood ka hor wexeey iska soo dhigi jireen rag Xoolaha u Qala Hoteelada waa weeyn ka dibna Xoolihii eey soo bireeyeen ayeey Hub iyo walxaha qarxa ku soo dhex qarsan jireen ilaa eey ka soo gaaraan meesha eey weerarka la rabaan ama shiishkoodu uu saaran yahay.
Dhamaan Kaartooyinkaas waa lagu fahmay Maleeshiyaadka Daalibaanka balse hada wexeey bilaabeen oo eey Dunida kaga yaabsadeen markii eey iska soo dhigeen Rag u shaqeeya Hay´adaha Caalamiga ah ka dibna Gudaha u soo galeen Xarumo badan oo muhiim ah ilaa laga maqlo Xabada oo ka dhex bilaabatay Safaaradihii iyo goobihii muhiimka ahaa ee sida weeyn loo waar diyeen jiray.
Halkaan ka Daawo kala cararka & Xabada oo si Live ah u socota http://www.youtube.com/watch?v=E365EgnZ-aQ