Maxaad kala socotaa Fadeexadii Kululeed ee dhex martay Laacib Cristiano Ronaldo iyo Jaraaidka ugu Cimriga dheer dalka Spain ee lagu magacaabo El Mundo Deportivo ? Yaa saxsan,Yaase Qaldan Cristiano Ronaldo Vs El Mundo Deportivo ? (Akhri Kiiskaan oo lagu wareeray cida labadooda Saxsan & Qisadaan oo noqotay mida ugu hadal heeynta badneed dalka Spain) !!!
Keeydka war Qabadka www.xiriiriye.com waxaa ku jira Warar fara badan oo Tarjumis eey ku socoto waana Warar Sport oo Mucjiso Xambaarsan.
Ma ahan wax ku cusub maslaxa Ciyaaraha kubada cagta ineey dharka iska dhigaan Laacibiin caan ah iyo jaraaidyo fac weeyn balse kiiskaan waxa uu noqday mid lagu wareeray.
Hadaba waa kuma El Mundo Deportivo? El Mundo Deportivo waa Jaraaidka ugu faca weeyn Qaarada Yurub gaar ahaan dalka Spain. El Mundo Deportivo waxaa la aasaasay ama uu soo baxay cadadkiisii ugu horeeyey 1.bishii Febraayo Sanadkii 1906-kii .Jaraaidkaan waxaa Aqrisato maalin kaste dad lagu sheegay Malaayiin qof oo u dhashay dalka Spain.
El Mundo Deportivo wuxuu ka soo baxaa magaalada Barcelona balse waxaa loo qaadaa guud ahaan dalka Spain oo eey Baranji ku leeyihiin. Marka laga hadlaayo Qaarada Yurub oo dhan waxaa El Mundo Deportivo ka fac weeyn oo kaliyah Jaraaidka Talyaaniga ee La Gazzetta Dello Sport >>> (El Mundo Deportivo spanische Sportzeitung. Die Zeitung erschien erstmals 1906 und ist nach der italienischen La Gazzetta dello Sport die zweitälteste Europas)<<<
Jaraaidkaan sidaas u magaca dheer waxa uu soo bandhigay Cadeeymo muujunaya Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo inuu yahay Xiddig Kobirloow ah oo Islaweeynida ku jirta eey inta badan ka qarsoontahay Bahda Ciyaaraha kubada cagta ee Caalamka. (Waa yaabee waa maxay cadeenta uu hayo El Mundo Deportivo?) !!
El Mundo Deportivo wuxuu Isbuucaan soo bandhigay Sawiro badan oo eey ka soo qaadeen Laacib Cristiano Ronaldo oo raaxo iyo Telfoon ku hadlis ku jiray xili Ciyaartooyda kale ee kooxdiisa eey ku jireen Aalamiito iyo Orad fara badan wuxuuna maqaalkaas ciwaan uga dhigay War bixin u ekeed mid isku dir ah oo eey qoorta iskugu gelinayaan Laaciibka Man Utd & Qaranka Portugal waa Luis Carlos Almeida da Cunha Nani Vs Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro .
Jaraaidka El Mundo Deportivo wuxuu Ciwaan ahaan soo sawiray Luis Nani oo ku leh Cristiano Ronaldo sidan : " Kaalay nala Aalamiitee, waa maxay maanta oo dhan Telfoon ku hadlis ayaa ku jirtaa iyo raaxo kale,, Cristiano Ronaldo wuxuu Luis Nani ugu jawaabay ayeey leeyihiin sidan .
Cristiano Ronaldo " Korkeeyga ka tag aniga Laacib weeyn ayaan ahay oo weliba heeysta Lacag ku filan,,
Sheekadaan oo noqtay midii ugu aqriska badneed Dalalka Spain iyo Portugal Jaraaidka El Mundo Deportivo wexeey Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ku heeystaan inuusan inta badan la Aalamiiteeyn Ciyaartooyda kooxda Real Madrid iyo Qaranka Portugal wexeeyna soo bandhigeen C.Ronaldo oo Baashaal kale ku jira xili eey Ciyaartooyda Real Madrid iyo kuwa Qaranka Spain orad iyo Aalamiito ku jireen . Jaraaidka waxa uu leeyahay C.Ronaldo waxa uu ku raaxeeystaa Cagaf cagafta Garoonka looga jaro Caawska xiliga eey Xiddigaha kale aalamiiteenayaan waana Xiddig isla weeyn (Sawirka kore ee boogaan fiiri).
Arinta ugu yaabka badan ee uu jaraaidka leeyahay kana yaabsatay Bahda Xiriiriye.com wexeey tahay Xiliyada uu Cristiano Ronaldo Qaladaadkaas sameenaayo waxa uu leeyahay Jaraaidka waxaa raali uga ah oo la og Macalinka Real Madrid Mr.Jose Morinho iyo Macalinka Qaranka Portugal Mr.Paulo Bento.
HADABA MAXAAD KALA SOCOTAA HADALADII UGU KULULAA EE DHEX MARAY LAACIB C:RONALDO OO IS DIFAACAAYO IYO EL MUNDO DEPORTIVO OO FADEEXADIISA SOO BANDHIGAY ???
CRISTIANO RONALDO: " War kaas ima maro jaraaidkaas waa Barca weeyna i gaadeen, xiligii eey Sawiradaas iga qaadeen Nasiino ayaan ku jiray...Wexeey doonayaan ineey qoorta ii galiyaan Ciyaartooyda kale ee aan Saaxiibaha nahay...Waararka nuucaas ah Waqti kuma dhumiyo..Ineey igu soo caan baxaan oo la sheeg sheego ayeey rabaan... maalintii eey war bixintaas iga qoreen jaraaidka wuu u gadmay oo si wanaagsan ayaa looga dhameeystay. Magaalada Barcelona waa laga waayey hal cadad oo ka mid ah Jaraaidkaan markii eey Beentaas iga qoreen...Heeydeey run sheegayaan oo eey meesha wax kuhayaan mexeey u wareeysan waayeen hal Xiddig oo Real Madrid ah ama ka tirsan Qaranka Portugal oo kiiskaan iyaga ku raaco. Wakhti uu Jaraaid aan la aqoon Lacag igu helo mahayo,, (Cristinao Ronaldo By Spain ETB Tv) !!
EL MUNDO DEPORTIVO : " Waa ceeb waxa uu Xiddigaas dhaqanka mooday....Xiddigaha kale ee Qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid Nafta ayaa ka dhacday sidii eey u aalamiiteenayeen....Saacad kaste Telfoon ku hadlis kama baxo xiliga Tababarka....Tababarayaasha kala ah Jose Morinho iyo kan Qaranka Portugal Paulo Bento Saaxiib ayeey yihiin C.Ronaldo...ciyaartooyda qaar ayuu ugu sheekeeyey Laacib ayaan ahay, Lacag igu filana waan heeystaa....Mararka qaar Aalamiitada laguma arko Liibaax ayuu is mooday, Leo Messi markaan booqanay oo Sawiro ka soo qaadnay kooxdiisa si caadi ah ayuu ula Aalamiiteeyaa mana aanan ku soo arag haba yaraatee wax yar oo isla weeyni ah...Taas ayaa nagu qasabtay inaan kiiskaan Maslaxaha Ciyaaraha kubada cagta ku soo bandhigno.
..Cadeenta aan heeyno wuxuu yiri C.Ronaldo wexeey eheed xili aan fasax ku jiray..Hadii hadalkaas uu run yahay maxaan Ciyaartooyda kale u sawiran weeynay markii eey raaxada ama fasaxa ku jireen ?,,
(Yaab) Kiiskaan waxaa ku wareeay Qabiirada Sportiga, Cristiano Ronaldo oo is difaacaayo iyo Jaraaidka El Mundo Deportivo oo Cadeen buuxdo soo bandhigay. Ugu dambeeyntii Akhristoow hadaad labada dhinac u gar qaadit una fiirsatit kiiskooda ma is tiri waxaa Qaldan EL MUNDO DEPORTIVO Maxaa yeelay Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo hadii uu Aalamiitada si wanaagsan u gudan ama uu yahay xiddig xiligii uu Aalamiiteeyn lahaa Telfon ku hadlis iyo Isla weeyni kale gala soo cadeenta ma ahan in maanta Kooxda Real Madrid iyo Qaranka Portugal eey ku taagan yihiin ama C.Ronaldo la aantiis eeysan meel wanaagsan soo gaari laheen?
Filo qeeybta 2-aad halka eey ku dhamaato is Jiid Jiidka Laacib CRISTIANO RONALDO VS EL MUNDO DEPORTIVO (+Sawiro)