Euro 2012 Play-off : Isku aadkii Sideeda kooxood ee koobka Qaramada Yurub oo la sameeyey iyo Macalimiin durbadiiba isku dhaartay,* Maxaad kala socota goorta la sameeyn doono isku aadka weeyn ee Guruubyada Qaramada soo baxay (WORLD SPORT NEWS)
Waxaa qoorta la isku galiyey Sideedii Dal ee Isreebreebkii Guruubyada koobka Qaramada Yurub kaalinta 2-aad ka soo gashay. Dalal isku dhaarsan ayaa mar kale isku dhacay halka qaar Xaaladu ku xuntahay maadaama qoorta loo galiyey Wadamo ka awood badan.
Wadamada ayaa sidaan iskugu dhacay :
Portugal Vs Bosnia.
Turkey Vs Croatia.
Czech Republic vs Montnegro.
Estonia Vs Irland.
Macalinka Qaranka Portugal Mr. Paulo Bento wuxuu war baahinta horteeda ka sheegay ineey markii 2-aad Qararamsan doonaan Qaranka Bosnia. Weeraryahanka Qaranka Bosnia iyo kooxda Manchester City oo u waramayey Skysport xiligii la sameenayey Qori tuurka waxa uu Wacad ku maray ineey iska dhicin doonaan Qaranka Portugal oo 2 sano ka hor reebay Bosnia xili eey u soo bixi lahaayeen World Cup 2010-ka (South Africa).
Tababaraha Qaranka Croatia Mr.Slaven Bilic oo u waramayey ZDf-ka waxa uu yiri sidan " Turkiga Taariikh ahaan weey naga adag yihiin laakiin waxaa la gaaray xiligii aan reebi laheeyn,,
Ciyaartii ugu dambeeysay ee dhex marta Qaramada Turkiga Vs Croatia oo ka dhacday Magaalada Vienna ee dalka Austria (Euro 2008) waxeey Dalalkaan isla dhaafi waayeen xiligii waqti dheeriga 1-1 waxaana ugu dambeeyntii 3-1 Rigooreyaal lagu suul daaray Croatia. Turkiga oo Sanadkaas kacsanaa iyaga oo Finalka la imaan rabay Spain oo koobka qaaday waxaa Turkiga Dirqi ku reebay xiligaas Jarmalka oo ugu dambeentii Finaalkii Euro 2008 1-0 Spain kaga qaaday.
Tababare Giovanni Trapattoni oo wata Qaranka Irland wuxuu sheegay ineeysaba liiska ugu jirin dalka Estonia oo ku soo aaday Irland.Giovanni Trapattoni oo 72 jir ah wuxuu dhashay dalka Talyaaniga wuxuuna yasay Dalka Estonia oo xili ciyaareedkaan Guruubkii Talyaaniga wacdaro ka soo dhigtay ka dib markii eey booska kaalinta 2-aad ka soo ciriirsadeen Serbia iyo Slovenia.
Sidoo kale Qaranka Czech Republic wexeey yaseen xulka Montnegro oo ku soo aaday, Czech Republic ma oga in Xulka Montnegro ineey guruubkooda wacdaro ka soo dhigeen ka dib markii eey laf dhuun gashay ku noqdeen dalalka England, Bulgaria, Weles iyo Swetzerland.
Macalinka Qaranka Czech Republic Mr. Michal Bilek wuxuu yiri sidan ,, Xulka Montnegro lama dhaleeysan karo laakiin waxaanu xooga saari doonaa inaan Korantada ka damino halka Weeraryahan ee wata,,
Macalinka Qaranka Czech Republic Mr. Michal Bilek wuxuu hadalkaas kala jeeday ama ka waday Weeraryahanka wata qaranka Montnegro Xiddiga u ciyaara kooxda Juventus waa Mirko Vucinic.
Wadamadaan ayaa lagu wadaa ineey ciyaaraan : Wajiga hore 11./12. Bisha Novembear & Wajiga 2-aad 15-ka Bishaan Novembar 2011.
Isku aadka weeyn ee Guruubyada waxaa lagu sameeyn doonaa 2.12.2011 Magaalada kiev ee caasimada dalka Ukraine. Koobka Qaramada Yurub wuxuu si toos ah uga furmi doonaa dalalka Poland iyo Ukraine (8. bisha Juun ilaa 1. bisha Juulay sanadka 2012) .
FILO GOOR DHAW WARAR TOP NEWS AH SIDA XIDDIG KA TIRSAN KOOXDA REAL MADRID KUWA UGU CAANSAN OO MAALIN KASTE LOO OGOLAADAY INUU 3-SAACADOOD U TAGI KARO HOOYADIIS OO JIRAN WELIBA AH DADKA DHAGAHA LA !!