News: Tageerayaasha Cristiano Ronaldo oo Taageerayaasha Arjen Robben Daaqada ka tuuray, Ronaldo oo Cod bixintii Xiriiriye Rekord Jabshay (Akhri War bixinta & sida eey Codeenta u dhacday)
C I I D W A N A A G S A N D H A M A A N T I I N B A H D A K U X I R A N WWW.XIRIIRIYE.COM
Yaaaaab: Xiddiga Kubada cagta ee Kooxda Real Madrid & Qaranka Portugal Cristiano Ronaldo oo hada ku maqan dhaawc yar oo ka soo gaaray kulankii Mallorca & Real Madrid ayaa waxa uu si lama filaan ah Cod buuxa ugu Guuleeystay Tartankii uu la galay Arjen Robben.
Doorashada cida Laacibsan Cristiano Ronaldo Vs Arjen Robben ayaa waxa eey bilaabatay 3.9.2010 wexeeyna balantu eheed in shalay la soo bandhigo cida guuleeysatay balse waxaan Akhristayaasha Xiriiriye ka raali galineynaa Cod bixinta oo aan shalay soo bixin maxaa yeelay waxaan ku mashquulsaneyn Ciida & Jiirooniyaal kale oo Ciyaaraha kubada cagta ah.
Cod bixinta waxaa Rekord jabiyey Cristiano Ronaldo, waxaana weli horay loo arag Xiddig cod sidaan u badan ku guuleeysto inta uu taariikhda www.xiriiriye.com 2-sano soo bandhigaayey Tartamada ciyaartooyda & Taageeraayaasha. Dhanka kale inta aanu u gud bin Tirada Codadka eey kala heleen Laacibiintaan waxaan ku war gelineynaa Akhristayaasha xiriiriye.com in Barnaamishka Cod bixinta soo socda ee bilaaban doono uu yahay tartan u dhaxeeya Laacibiinta Soomaaliyeed ee kala ah Ayuub Daud Vs C/salaan Cadaay oo u kala ciyaara Kooxaha Caalamiga ah ee Juventus & Manchester City>> Yaad u maleeyneysaa in uu heer mustaqbal ka gaari doono Ciyaaraha uuna Magac weeyn u soo jiidi doono dhamaan Umada Soomaaliyeed?? Filo Goor dhaw siina Aalamiitee si aad cod kaaga u dhiibato,
waxaan hada ku jirnaa Shaqo weeyn oo ku saabsan xog uruurinta Labadaan Laacib ee Soomaaliyeed !
CODADKA AYEY SIDAN U KALA HELEEN LAACIBIINTA:
1-Cristiano Ronaldo waxa uu si nadiif ah ku helay :1421-Cod
2-Arjen Robben waxa uu si wanaagsan laakiin looga guuleeystay Taageerayaashiisa Cod ku helay 428.
Isku dar waxaa halaabay 42 Cod.
Waxaa kaloo Jira Taageerayaal kale oo fara badan kuwaas oo noo soo qoray Laacibiinta kala ah, Fernando Torres, Weyne Rooney, Lionel Messi, Andres Pirlo, Frank Lampard, Didier Drogba, Alessandro Del Piero, Thiery Henry, Cesc Fabrigas, Ricardo Kaka ,Karim Benzama iyo Robinho. Waxaana Laacibiitaan ku darnay Liiska Codadkii halaabay maxaa yeelay kuma jiraan Tar tanka balse weey dhiman yihiin oo ha sugtaan Taageerayasha waqtigooda.
Fiiro gaar ah & Wargelin : Cod bixinta wadamadii ugu badnaa ee Soomaalida eey ka soo codeeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa, Holland, Sweden, Denemark, Sucuudiga, Germany, Kenya, USA, Canada, England, Norway,Swizerland, Findland, Jabuuti, Syuria, Masar,iyo Isku taga Imaaradka Carabta UAE.
Halkaan hoose ka Daawo Muuqaalka Tartanka Cristiano Ronaldo Vs Arjen Robben.
http://www.youtube.com/watch?v=nWT9PF4QyM8
Hoos ka Aqriso sida eey u dhacday Doorashada oo guul ku soo gaba gabooday,cidii eey dhaaftayna ha ka bogato:
Yaa Laacibsan Cristiano Ronaldo iyo Arjen Robben?? Dhiibo Codkaaga adoo Daacad ah. Aqri sababta labadooda Codka loogu qaadaayo (Halkaan ka Daawo Farsamada Labadaaan Ciyaaryahan & Sida eey wax u Ciqaabayaan) !
Intii la socotay Barnaamishka Dhiibo Codkaaga waxaanu maanta idiin heeynaa Codsiyo fara badan ka dib in la kala saaro Labadaan Ciyaaryahan ee Arjen Robben & Cristiano Ronaldo oo labaduba wax weyn ku soo kordhiyeen Kooxihii eey ku soo biireen dhawaantan ee Horyaalkii tagay.
Arjen Robben waxa uu kooxda Bayer München keenay ilaa Fiinaalaha The Uefa Champions League, wuxuu kaloo la qaaday oo wacdaro ka muujiyey Horyaalka jarmalka & Koobka Germany inkastoo hada uu dhaawacan yahay.
Cristiano Ronaldo Real Madrid & Horyaalka Spain asaga oo cusub ayuu hadane wacdaro ka dhigay oo mar kasta gool u dhalin jiray inkastoo horyaalka eey kooxda Barcelona dirqi uga qaaday kooxdiisa Real Madrid.
Waxaa xusid mudan Ciyaaryahanadii kale ee isku waqti la soo gaday iyaga iyo Cristiano Ronaldo lama eeynan qabsan horyaalka Spain waxaana Ciyaartooydaas ka xusi karnaa Ricardo Kaka iyo karim Benzema halka C.Ronaldo uu ciyaar kasta cel celis ahaa.
Bahda Jecel ama la socotay (Barnaamishka dhiibo codkaaga adoo daacad ah ) ayaa waxaan ka cod saneynaa ineey si xaq iyo geesinimo ah u dhiibtaan codkooda adinka oo si wanaagsan u daawan doona Xirfadaha eey is dheer yihiin labadaan Laacib ee C.Ronaldo & Arjen Robben oo aan idiin diyaarinay.
Taageerayaal aad uga dambeeya Cristiano Ronaldo ayaa waxa eey na soo gaarsiiyeen E-mailo eey uga cabanayaan in Cod bixinta eeysan si daacad ah u dhici doonin oo sida eey qabaan sheegay in Taageerasha Lionel Messi iyo kuwa Franky Ribery eey Robben codka ugu shubi doonaan, wexeeyna taas kala jeedeen in Ribbery iyo Robben saaxiibo yihiin weliba isku koox ah halka Taageerayasha Leo Messi eey aad isku neceb yihiin kuwa Cristiano Ronaldo cabsan.
Cod bixinta & Doorashada oo aan horay u sii shaacinay ineey dhawaan dhici doonto ayaa Arinkaan eey dhibaatada ka sheegteen Taageerayasha C.Ronaldo waxaan rajeeneynaa inuusan dhicin haduu alle idmo bahda www.xiriiriye.com waxa eey mar labaad ka cod sanayaan Aqiyaarta ku xiran Barnaamish-kaan dhiibo codkaaga ineeysan wax Musuqmaasuq ah sameeyn oo Daacad ka ahaadaan ninka farsamo badan labadaan Laaciib ee Taageerada weeyn ku leh Maslaxa kubada cagta ee caalamka.
Doorashada waxa eey bilaabatay Jimce 3.9.2010, wexeeyna socon doontaa ilaa Jimcaha dambe 10.9.2010 haduu alle raali ka noqdo markaas ayaanu tirineynaa labada laacib sida eey codka u kala heleen ama u kala guuleeysteen.
OGEEYSIIS-Dhiibo codkaaga ayaa Ciyaartooyda kale ee dhiman sidan isku arki doonaan , Didier Drogba Vs Weyne Rooney, Luis Nani Vs Fernando Torres, Samuel Eto´o Vs David Villa, Lionel Meesi Vs Wesley Sneijder, Frank Ribery Vs Ricardo Kaka, Zlatan Ibrahimovic vs Diego Forlan, Frank Lampard vs Bastian Schweinsteger, iyo ugu dambeentii Robinho vs Sergio Aguero !! .
Bal Akhristoow waxaad Cod kaaga noogu soo dirtaa halkaan hoose adoo Daacadnimo iyo Geesinimo Sport xambaarsan
xiriiriyesports@hotmail.com
Halkaan ka Daawo qaabka aad mar walba u daawan doontiin kala baxa Laacibiinta la rabo in si xaq ah lagu kala saaro :
http://www.youtube.com/watch?v=nWT9PF4QyM8
By Kaafi Yare
xiriiriyesports@hotmail.com