 |
|
 |
Cr100Gool |
 |

Cristiano Ronaldo oo dhaliyey Goolkiisii 100-aad & 101-aad intii uu sitay Maaliyada Los Blancos Real Madrid (The Whites),* Bishii Oktoobar Sanadkii 2010 ka dib kooxda Lyon oo laga jabiyey iskoorkii eey ku faani jirtay,* Fc Bayern Munchen Vs Napoli oo isku ruux baxay-Mario Gomes oo Napoli dhulka la simay,*Yaya Toure & Mario Balotelli oo Villarreal ku Baashaalay & Man Utd oo Nafta ku soo laabatay !! (Faaqidaada Champions League Qeeybtii 2-aad) Xiddiga Qaranka Portugal & kooxda Galactikos Los Blancos Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa waxa uu u dhaliyey Goolashiisii 100-aad & 101-aad waa intii uu sitay Maaliyada kooxda Real Madrid.. Laacib Cristiano Ronaldo ayaa goolashaan daqiiqadihii 25-aad Bilisiyoon & 69-aad Rigoore ka xareeyey kooxda Olympique Lyon oo eey ku wada jiraan Guruub D. Real Madrid oo Guruubkaan ka soo baxday 10-Gool ayeey dhaliyeen 4-kulan oo eey safteen waxaana La yaab noqotay weli lagama dhalin Difaaca Los Blancos wax Gool ah dhamaan kulamadii eey wada ciyaareena weey wada badiyeen. Kooxda Olympique Lyon Guuldaro gurigeeda ah waxaa ugu dambeeysay Bishii Okoobar sanadkii 2010-ka. Ciyaartaan oo eheed mid kulul markii eey dhamaatay Laacib Cristiano Ronaldo oo la hadlayey Skysport waxa uu yiri sidan "Waan ku faraxsanahay Goolasha aan Real Madrid u dhaliyey waxaana Dareemaya Jawi aad u wanaagsan iyo Farxad,, Isla Guruubkaan D waxaa fooda is daray oo 4-0 lagu saqiir suujiyey kooxda Dinamo Zagreb oo marti u eheed Ajax Amsterdam. Goolasha Ajax waxaa kala dhaliyey Xiddigaha kala ah Gregory van der Wiel (20.), Miralem Sulejmani (25.), Siem de Jong (65.) iyo Nicolas Lodeiro (90). Fiiro Gaar ah : Kooxda Dinamo Zagreb ee heeysata horyaalka dalka Croatia weli wax gool ah ma dhalin waxaana Shabaqeeda lagu hubsaday 9-Gool halka eey Dhibic la´aan la ciir ciireeyso . Guruub D kooxaha wexeey u kala horeeyaan sidan :
| 1. |
Real Madrid* |
4 |
4 |
0 |
0 |
10:0 |
12 |
| 2. |
Ajax Amsterdam |
4 |
2 |
1 |
1 |
6:3 |
7 |
| 3. |
Olympique Lyon |
4 |
1 |
1 |
2 |
2:6 |
4 |
| 4. |
Dinamo Zagreb |
4 |
0 |
0 |
4 |
| *** Garoonka Allianz Arena oo eey soo buux dhaafiyeen Taageerayaal kor u dhaafay 66.000 oo Qof wuxuu Weeraryahanka Qaranka Germany & kooxda Fc Bayern Munich Mario Gomez ku bar bartay kooxda Napoli oo ka socotay Horyaalka Talyaaniga. Mario Gomez oo Paasas Qurxoon ka helayey Laacibiinta kala ah Frank Bilal Ribery iyo Bastian Schewinsteiger wuxuu 3-gool oo deg deg ah ka xareeyey kooxda Napoli Daqiiqadihii 17-aad, 23-aad iyo 42-aad . Waa kulankii 9-aad oo eey Gurigeeda ku badiso kooxda Fc Bayern Munchen xili ciyaareedkaan wexeeyna sidoo kale xaqiijisay guushii 200-aad inta Taariikhda la ogyahay oo eey gaaraan Koobka The Uefa Champions League iyo isku dar Koobka Europa League oo horay loogu yeeri jiray Uefa Cup. SSC Napoli ayaa qeeybtii 2-aad ee ciyaarta soo kacsatay ka dib markii dhaawac ahaan garoonka looga saaray Laacib Bastian Schweinsteiger waxaana la keenay oo booskiisa ka soo bixi waayey xiddiga Qaranka Ukraine Anatoliy Tymoshchuk. Arinta ugu yaabka badan wexeey eheed Napoli waxaa dhawac uga maqnaa Polo Canavaaro waxaana booskiisa lagu buuxiyey Xiddig reer Argentina ah oo Binji lagu heeyn jiray kaas oo lagu magacaabo Federico Fernandez . Maskiinkaan Binjiga lagu heeyn jiray weligiis indho ma saarin mana safan wax Chaampions League la yiraahdo wuxuuna Federico Fernandez ka faaideeystay Jaaniskaan ka dib markii uu kooxda Fc Bayern Munchen labo Gool oo Teesto ah ka xareeyey Daqiiqadihii 45-aad iyo 79-aad. Napoli waxaa Rooso laga siiyey Ciyaaryahan Camilo Zuniga oo 2-jeer dhulka la simay Frank Ribery (Qalay) Daqiiqadii 70-aad ka dibna waxaa dhanka Fc Bayern Munchen laga saaray sidoo kale Xiddiga Qaranka Germany Holger Badstuber Daqiiqadii 77-aad. Ciyaartaan waxaa 3-2 looga badiyey kooxda Napoli oo eey u ciyaarayeen Weeraryahanada ugu caansan horyaalka Talyaaniga ee Serie A waa Goran Pandev, Marek Hamsik iyo Edinson Cavani. Guuldarada dhabarka loo saaray kooxda Napoli waxaa si weeyn uga faaideeysatay kooxda Manchester City oo 0-3 ku soo dar dartay kooxda sii Tacbaaneeyso ee Laacibiinteedii ka wada dhaawacmeen waa Fc Villarreal. Goolasha kooxda Man City waxaa 2 ka mid ah ku Baashaalay Laacibka reer Ivory Coast Yaya Toure waxaana goolka kale raacsaday Xiddiga Qaranka Talyaaniga Mario Balotelli. Guruubkaan A waxaa ka soo baxday kooxda Fc Bayern Munchen balse waxaa weli isku dhegan oo aan la ogeeyn kooxda kaalinta 2-aad ku soo bixi doonto maadaama eey mar kale isku harsan yihiin kooxaha Napoli Vs Man City . Guruub A waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan :
| 1. |
Bayern München |
4 |
3 |
1 |
0 |
8:3 |
10 |
| 2. |
Manchester City |
4 |
2 |
1 |
1 |
6:4 |
7 |
| 3. |
SSC Napoli |
4 |
1 |
2 |
1 |
6:5 |
5 |
| 4. |
Villarreal |
4 |
0 |
0 |
4 |
1:9 |
0 | *** Guruub B waxaa 9-Dhibcood ku hogaamineeyso kooxda Inter Milan oo 2-1 ku jilaaftay kooxda OSC Lille waxaana Inter goolasha u kala saxiixay Laacibiinta Qaranka Argentina ee kala ah Walter Samuel Daqiiqadii 18-aad iyo Diego Milito Daqiiqadii 65-aad. Guruubkaan B waxaa 0-0 isku macsalaameeyey kooxaha Trapzonsport iyo ZSKA Moscow. Guruub B waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan :
| 1. |
Inter Milan |
4 |
3 |
0 |
1 |
6:4 |
9 |
| 2. |
ZSKA Moscow |
4 |
1 |
2 |
1 |
7:5 |
5 |
| 3. |
Trabzonspor |
4 |
1 |
2 |
1 |
2:4 |
5 |
| 4. |
OSC Lille |
4 |
0 |
2 |
2 |
4:6 |
2 | *** Guruub C waxaa Nafta ku soo laabatay kooxda Manchester United oo kooxo badan eey ka daba yaacayeen amaba ka horeeyeen dhanka Dhibcaha. Shayaadiinta cas cas oo ku ciyaarayey Garoonkooda Old Trafford wexeey 2-0 silic iyo saxariir ah uga badiyeen kooxda heeysata Horyaalka dalka Romania waa Otelul Galati. Goolasha United waxaa u kala saxiixay xiddiga Qaranka Ecuador Antonio Valencia Daqiiqadii 8-aad iyo Weeraryahan Wayne Rooney oo Darbo kulul ku salaxay Difaaca Romania Daqiiqadii 87-aad. Isla Guruubkaan C waxaa Bareejo 1-1 ah isku macsalaameeyey kooxda Benfica iyo Naadiga Fc Basel oo heeysta Horyaalka dalka Swetzerland . Guruub C waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan hoose :
| 1. |
Manchester United |
4 |
2 |
2 |
0 |
8:4 |
8 |
| 2. |
Benfica Lispon |
4 |
2 |
2 |
0 |
5:2 |
8 |
| 3. |
FC Basel |
4 |
1 |
2 |
1 |
6:7 |
5 |
| 4. |
Otelul Galati |
4 |
0 |
0 |
4 |
1:7 |
0 | By.Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) www.Xiriiriye.com, Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka . omarinnho@hotmail.com .
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|