Maxaad ka taqaan Farsamo uu Cristiano Ronaldo dheer yahay Laacibiinta kale??
Ciyaartooyda kubada cagta kuwooda ugu Laacibsan ayaa aalaaba iskugu faano Farsamooyin Cusub oo eey ku soo kala jiitaan indhaha ama Taageerayaasha Kubada cagta ee Dunida daafaheeda ku kala nool.
Hadaba Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo u safta Qaranka Portugal iyo Kooxda Real Madrid ayaa waxa uu soo bandhigay Farsamo Cusub oo ku adag ineey sameeyaan Ciyaartooyda kale.
Ronaldo ayaa Kubada ku mooleeysan karo qeeybta danbe ee sinaha (dabada) waxaana sidaan camal sameen jiray Ciyaaryahan Ronaldinho oo laakiin aanan sida Ronalado mudo dheer sii wadi karin in gadaal Kubada lagu mooleeysto.
Ronaldo oo hada heeysto Tababare Cusub oo eey isku Dal & isku Luuqad yihiin (Morinho) ayaa looga fadhiyaa sanad-kaan inuu Kooxda Real madrid wacdaro dhigo soona xareeyo Koobab badan.
Ronaldo oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay Goolal badan u dhaliyey Kooxda Real ayaa balan qaaday inuu xiligaas cusbaa oo kubada Spain si fiican ula qabsan balse Horyaal-kaan cusub uu bahda Kubada cagta wax tusi doono.