Xoolo dhaqatada dalalka India iyo Bangaladesh oo lagu eedeeyey ineey Caruurta ku ciyaarsiyaan Maska halista ah ee Kobraha loo yaqaan (Daawo Naxdintaan).
Dadka Xoolo dhaqatada ah ee degan Gobolada fog fog ee dalalka India iyo Bangaladesh ayaa waxaa lagu eedeeyey ineey ku kacaan Falal xun xun oo Fircooni ah. Dadkaan reer Guuraaga ah ayaa wexeey Caruurtooda mararka qaar ku ciyaarsiiyaan Maska qatarta ah ee Caalamka looga yaqaano Cobra/Kobra.
Maska Kobraha loo yaqaan oo Deegaanadaas ku badan waxaa la sheegay Qoysaska reer guuraaga ah ineey ka bixiyaan Miciyaha uu wax ku Qaniini lahaa gaar ahaan Sunta ka dibna wexeey ku dheelsiiyaan Masaska Caruurta yar yar oo ay Dhaqan ahaan aaminsan yihiin qooysaskaas inuu Cunuga noqon doono marka uu weeynaado Geesi sooma jeesta ah .
Dhibka ugu weeyn iyo masiibada wexeey ka taagan tahay Caruurta yar yar oo baratay Mas Miciyihii laga siibay in lagu ciyaarsiiyo balse Mas aan Miciyihii iyo Suntii laga saarin ayaa Deegaanadaas aad ugu badan waxaana sanad gasta u dhimata Qaniinyada Masaskaas halista ah dad aad u fara badan.