Xiddigaha Fc Barcelona oo ku dhaartay inuusan gacantooda dhaafi doonin Koobka Qaaliga ah ee Club World Cup oo si xiiso leh uga socda dalka Japan (Qaar ka mid ah Laacibiinta Barca oo soo hadal qaaday kulankii El Clasico)
Magaalada Yokohama ee dalka Japan waxaa si xiiso leh uga socda koobka Club World Cup oo aalaaba loo dhigo kooxaha soo qaada Koobabka Qaaradahooda.
Fc Barcelona maalinta beri ah wexeey kulan adag kala hor tagi doontaa kooxda Al-Sadd SC oo ka socota dalka Qadar horayna u soo tuntay Esperance oo ka socotay dalka Tunisia (2-1).
Kashiwa Reysol oo ka socota dalka Japan waxaa maanta 1-3 ku garaacday Fc Santos oo mataleeysa Laatiin America kana socota dalka Brazil. Goolasha Fc Santos waxaa u kala saxiixay Neymar oo Isbuucii la soo dhaafay loo caleemo saaray Laacibka sanadka ee dalka Brazil iyo xiddigaha kala ah Borgas &D.Silva.
Koobkaan oo aad u qiimo badan kooxda Fc Barcelona mar ay qaado waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2009-ka xiligaas oo Ciyaar lagu daray waqti dheeri ah ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Estudiantes de La Plata oo ka socotay dalka Argentina.
Club World Cup waxaa heeysata oo markii ugu dambeeysay qaaday kooxda Inter Milan oo 3-0 ku tuntay naadiga Mazembe Lubumbashi oo matalayey xiligaas Qaarada Africa kana socday dalka Kongo.
" U maleeyn maayo ineey jirto cid na celin karto maadaama aan isbuucaan soo garaacnay Real Madrid oo aad u adag ayuu yiri Kaptanka kooxda Fc Barcelona Carles Puyol. Qarshada Qadka dhexe Xavi Hernandez waxa uu qirtay in koobka Club World Cup ay soo xaadiraan kooxo isku kooleeya naadiyada waa weeyn loona baahan yahay in loo Ciyaaro si ka sii adag kulankii Real Madrid maadaama dalka Japan ay u yimaadeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen koobka Club World Cup 2011.
Naadiga kaliyah ee iska dhicin kara Bahaladaan isku baheeystay Kubada cagta (Fc Barcelona) waa kooxda Fc Santos iyo laacibkooda Da´da yar ee Neymar.
Sidoo kale isla koobkaan kulan maanta dhex maray kooxaha kala ah Monterrey iyo Esperance waxaa 2-3 ku badisay Monterrey.
Ciyaarta Fiinaalka ah ee koobkaan ayaa lagu wadaa ineey maalinta Axada ah ka dhacdo magaalada Yokohama ee Cariga Japan.
*** Kooxda kubada Cagta Schanghai Shenhua oo ka dhisan dalka Shiinaha (China) ayaa lagu wadaa inuu maalinta Jimcaha ah Tababare cusub u noqdo Qabiirkii hore ee kubada cagta Mr.Jean Tigana. Kooxdaan ayaa Isbuucaan la soo wareegtay Ciyaaryahan Nicolas Anelka oo ay ka soo iibsadeen naadiga Fc Chelsea.
Jean Tigana wuxuu saxiixi doonaa Heshiis ku kacaayo mudo 3 sano ah waxaana ugu dambeeysay koox uu macalin u noqdo naadiga Girondins Bordeaux oo ka dhisan horyaalka dalka Faransiiska. kooxda Schanghai Shenhua ayaa sidoo kale wexeey aad u doonayaan ineey la soo wareegaan Weeraryahan Didier Drogba.