Kooxda Manchester United oo Fc Schalke Sharafta kaga soo qaaday Gurigeeda Gelsenkirchen, *Macalinka kooxda Red Devils ManU Sir Alex Ferguson Yuu Jeclaan lahaa ineey ku soo aado Fiinaalaha Fc Barcelona mise Real Madrid? Maxaa kala heeysta Maanta kooxaha Dunida isku Cariiriyey & El Clasico No 3 (Halkaan ka Daawo Schalke Vs ManU)
Kooxda Kubada Cagta ee Manchester United ayaa kulankii Uefa Champions League wexeey Sharafta ka soo qaaday oo Gurigeeda Gelsenkirchen Dharka kaga soo dhigtay kooxda Fc Schalke oo ka dhisan dalka Jarmalka. Man Utd oo Fc Schalke 0-2 Hawada kaga qarisay ayaa waxaa Goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Ryan Giggs Daqiiqadii 67-aad & Wayne Rooney Daqiiqadii 69-aad .
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd waxaa Fursado muhiim ah oo aad loo la yaabay ka qasaariyey Xiddiga Qaranka Mexico Javier Hernandez Daqiiqadihii 6-aad, 14-aad, 21-aad 23-aad iyo 26-aad waxaana kooxda Fc Schalke ka bad baadiyey in Gurigooda Darsin Goolal ah loogu dhiibo Boortaha Qaranka Germany & Fc Schalke Manuel Neuer oo dheelay waxa loo yaqaan ?One-Man-Show" .
Ciyaaryahan Ryan Giggs oo 37-Jir ah ayaa waxa uu dhaliyey Goolkiisii 26-aad ee koobka Champions League intuu uu ka tirsanaa kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd wuxuuna si weeyn ugu Rajo weeyn yahay inuu sanadkaan koobka Horyaalada Yurub ee Champions League iyo Horyaalka Ingriiska kooxdiisa la qaado ka dibna Ciyaaraha gabi ahaanba iskaga fadhiisto.
Fursada eey heeysato kooxda Manchester United Sanadkaan ma heeystaan kooxaha kale ee iskugu soo haray Koobka Champions League maxaa yeelay Fiinaalihiisa waxaa lagu qaban doonaa 28-ka Bisha Meey ee fooda inagu soo heeysa garoonka Wimbely Stadium oo ku yaal Magaalada London ee Caasimada dalka Ingiriiska. Manchester United Koobkaan wexeey heeystaan 3-jeer oo kala ah Sanadihii 1968, 1999, iyo 2008 wexeeyna hada heeystaan Fursadaas aanu soo sheegnay.
Macalinka kooxda Red Devils ManU Sir Alex Ferguson oo Ciyaarta markii eey dhamaatay ka dib Skysport uu weey diiyey cida ama kooxda uu jeclaan lahaa ineey ku soo aado Ciyaarta Finaalaha Fc Barcelona ama Real Madrid ayaa waxa uu yiri sidan : " kooxdii aan Calaf isku leenahay ayaan isku soo aadi doonaa laakiin aan soo baxno oo soo dhaafno Fc Schalke hadaanu taas ku dadaalno waxaanu is arki doonaa Real Madrid Fiinaalaha. Hadalka macalin Sir Alex Ferguson ayaa waxa u taabtay in kooxda Man Utd eeysan jecleeyn ineey isku soo aadaan Fc Barcelona Maadaama dheg dhegeeda uu badan yahay balse ManU wexeey iloowday Macalinka hada wata kooxda Real Madrid Jose Morinho oo Caalamka looga yaqaan Champions League Quute !! (Abaha Bitiga/Nasiibka Jaambiyoonka).
Dhanka kooxda Fc Schalke oo isku dhax yaac balaaran iyo kala daadsanaan Difaaceeda ah laga dareemaayey ayaa waxaa wareeysi uu dhiibay Rugcadaagii hore ee Qaranka Germany iyo Kubada Caalamka Franz Anton Beckenbauer oo la hadlaayey SAT1 waxa uu yiri sidan : " Fc Schalke Ciyaarta eey caawa soo bandhigtay Hurdo ayaa igu qabatay meeshana waxba kuma heeyn oo uma eeysan Ciyaarin sidii eey kooxda Inter iskaga dhiciyeen camal waxaana u sheegayaa ineeysan sidii caawa oo kale u ciyaarin marka eey tagaan 4-ta Bisha Meey Garoonka Old Trafford hadii kale Ceeb weeyn ayaa dhici doonto !! "
Garoonka Ciyaarta ka dhacday ee Gelsenkirchen waxaa soo xaadirtay 54.100 kun oo Taageere waxaana Ciyaarta Alabiitare ama Garsoore ka ahaa Velasco Carballo oo u dhashay Dalka Spain. Kooxaha Fc Schalke Vs Man Utd wexeey isku qaabileen sidan :
Schalke: Neuer - Uchida, Matip, Metzelder, Sarpei (72./Escudero) - Farfan, Papadopoulos, Jurado (83./Draxler), Baumjohann (53./Kluge) - Raul, Edu
Manchester: Van der Sar - Fabio, Ferdinand, Vidic, Evra - Valencia, Carrick, Giggs, Park (73./Scholes) - Rooney (83./Nani), Hernandez (73./Anderson)
Waxaa Jaale lagu Asqeeyey Ciyaartooyda kala ah: Metzelder ,Sarpei iyo Fabio. Is araga dambe ama wajiga 2-aad waxa uu ka dhici doonaa 4-ta Bisha Meey Garoonka Old Trafford oo eey si weeyn u maamusho kooxda Manchester Utd. Halkaan ka Daawo Ciyaartii Fc Schalke Vs Man Utd >>> http://www.youtube.com/watch?v=7VQnPobx_Ig
Dhanka Kale Kulanka Maanta oo Arbaca ah dhex mari doona kooxaha Ifka iskugu neceb dhanka Ciyaaraha caalamiga ah waa Real Madrid Vs Fc Barcelona ayaa Saxaafada Sportiga ee Dunida ugu magaca dheer wexeey kulankooda ciwaan uga dhigeen sidan : " El Clasico La Liga waa lagu kala baxay oo Fc Barcelona ayaa la hoyatay, El Clasico Koobkii Spain isna waa lagu kala baxay oo Real Madrid ayaa Xalaaleeysatay balase yaa u hari doono Reerka El Clasico kii ugu wanaagsan oo caawa dhici doono. Saxaafada wexeey kala jeedeen in El Clasico kan Champions League uu yahay kan ka wanaagsan Koobka dalka Spain iyo Horyaalka Spain labada dhinac gacanta u kala galay !! .
Filo Barnaamishka La Yaab oo Maanta ku saabsan Ciyaaryahan caan ah oo inta uu tagay Horyaal dhib & Qarbudaad badan meel uu galo la. Xili uu rabay Xiddigaan inuu dhalasho dhigto Xafladii dhalashadiisa wuu ka Cararay markii uu Naftiisa u yaabay wuxuuna Qaatu Billahi iyo Quus ka taagan yahay Horyaalka uu hada ka ciyaaro oo uu dhawaan u wareegay. !! Filo War kaan oo Tarjumis ku socoto >> Xiriiriye.com waa kii soo helaa wax yaalihii ugu hadal heeynta badnaa & La Yaab Sport+World Sport News !!
|
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com | | | | |