Xiriiriye.com oo Shaaciyey 4-koox oo iskugu soo hari doonto Chaampion-ka,*Fernando Torres oo soo kacsaday iyo kooxaha Fc Barcelona, Ac Milan ,Fc Chelsea ,Bayer Leverkusen iyo The Gunners Fc Arsenal oo Guulo muhim ah gaaray (Faaqidaada kulankii 3-aad ee koobka Horyaalada Yurub, Uefa Champions League).
Xiriiriye.com wuxuu Sadaashii ugu dambeeysay ee koobka Champions League 2010/2011 isha ka tuuray kuna guuleeystay kooxdii xiligaas qaaday oo eheed Fc Barcelona. Inta badan Akhristayaasha ku xiraan bogaan weey la socdaan sida Nasiibka ah ee aanu u saadaalinay Koobkii Horyaalada Yurub kiisii ugu dambeeyey kooxdii qaaday .
Hadaba markaan aragnay Qaab Ciyaareedka kooxaha is daba yaacaayo Xili Ciyaareedkaan waxaanu ishaarnay ineey noqon doonaan afarta ugu dambeeysa ee iskugu soo harta Uefa Champions League 2011/2012 kooxaha kala ah Real Madrid,Bayern Munchen,Fc Chelsea iyo Fc Barcelona. Run ahaantii markaan meel kaste ka fiirinay afartaan kooxood wexeey u muuqdaan kuwo wata saan saatii lagu qaadi lahaa xili Ciyaareedkaan koobka horyaalada Yurub ee (Uefa Champions League)
Afarta kale ee aanu is leenahay lama dhaleeysan karo oo ilaa Sideeda ugu dambeeyso weey soo gaari doonaan waa kooxaha kala ah Man Utd,Ac Milan,Fc Arsenal iyo Man City (Nasiib Wanaagsan By : Xiriiriye.com War jiraaba Goroomaduu imaan oo waa la is maqli doonaa halka eey Sheekadu ku dhamaato).
***FAAQIDAADA KULAMADII 3-AAD EE CHAMPION-KA OO LA CIYAARAY : Kooxda kubada cagta ee Fc Chelsea wexeey dharka uga dhigtay Xarunta eey ka taliso ee (Stamford Bridge) kooxda heeysata horyaalka dalka Beljamka waa Genk (5-0). Haraadigii tagay soo rogaal celi, wax la caayo oo Boolo lagu tilmaamo waxaa markaan wacdaro cusub la soo baxay Weeraryahanka Qaranka Spain iyo kooxda Fc Chelsea Fernando Torres oo noqday halyeeygii Ciyaarta.
Bilihii ugu dambeeyey Korantada ayaa ka dansaneed Fernando Torres balse hada waxaad moodaa in Batariga loo soo kaarikeeyey. Goolasha Fc Chelsea ku badisay waxaa u kala saxiixay Xiddiga reer Portugal Raul Meireles (Daqiiqadii 8-aad), Fernando Torres oo garoonka meel kaste ka taagnaa Timo Rasto ahna la soo baxay waxa uu 2-Gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 11-aad iyo 27-aad.
Goolka 4-aad waxaa raacsaday Difaaca reer Serbia Branislav Ivanovic daqiiqadii 42-aad halka goolka 5-aad uu shabaqa ku hubsaday Xiddiga Ivory Coast Salomon Kalou oo ciyaarta badal ku soo galay (Gool Daqiiqadii 72-aad). Fiiro Gaar ah Xiddigaha Fc Chelsea ciyaartaan ka dib wexeey la dabaal degeen macalinkooda Andre Villas-Boas oo Dhalashadiisii 34-u dabaal degay.
Isla guruubkaan (E) Kooxda Bayer Leverkusen ayaa ku ciil baxday Fc Valenicia oo isku kuustay ciyaarta qeeybteedii hore. Valencia oo ciyaarta Qeeybteedii hore gool ku hormartay waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Jonas daqiiqadii 24-aad. Leverkusen iyo Kaptankooda Michael Ballack oo hurada ka kacay qeeybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa wexeey 2-gool oo deg deg ah qabadsiiyeen Fc Valencia oo markeedii seexatay. Goolasha Bayer Leverkusen waxaa u kala saxiixay Weeraryahanka Qaranka Germany Andre Schürrle Daqiiqadii 52-aad iyo Sidney Sam Daqiiqadii 56-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=CD_H0EjWI0c .
Guruubkaan (E) kooxaha wexeey u kala horeeyaan sidan :
| 1. |
FC Chelsea |
3 |
2 |
1 |
0 |
8:1 |
7 |
| 2. |
Bayer Leverkusen |
3 |
2 |
0 |
1 |
4:3 |
6 |
| 3. |
Valencia |
3 |
0 |
2 |
1 |
2:3 |
2 |
| 4. |
KRC Genk |
3 |
0 |
1 |
2 |
0:7 |
1 |
*** Guruubka (F) waxaa kooxda Olympique Marseille oo mudo dheer aan Gurigeeda looga badin dhibcihii ka Bililiqeeysatay kooxda The Gunners Fc Arsenal oo aad moodid ineey soo kacsatay.
Fc Arsenal oo Olympique Marseille 0-1 ku soo garaacday waxaa goolka u saxiixay xiligii kala Guurka ciyaarta Daqiiqadii 92-aad Aaron Ramsey.
Isla Guruubkaan (F) kooxda Olympiakos wexeey 3-1 ku suul daartay kooxda Brussia Dortmund oo heeysata Horyaalka Germany. Kooxaha Guruubkaan ayaa u kala horeeya sidan :
| 1. |
FC Arsenal |
3 |
2 |
1 |
0 |
4:2 |
7 |
| 2. |
Olympique Marseille |
3 |
2 |
0 |
1 |
4:1 |
6 |
| 3. |
Olympiakos |
3 |
1 |
0 |
2 |
4:4 |
3 |
| 4. |
Borussia Dortmund |
3 |
0 |
1 |
2 |
2:7 |
1 |
Guruubka (G) kooxaha ku jira bareejo ayeey ku wada balameen mana jirin koox Sadexda Dhibcood xayuubsatay ama laga xayuubsaday wexeeyna kooxahaan isku macsalaameeyeen Qaabkaan:
Fc Porto Vs APOEL Nikosia 1-1 iyo Shachtjor Donezk Vs Zenit St. Petersburg 2-2.
Guruub (G) waxaa loo kala horeeyaa sidan :
| 1. |
APOEL Nikosia |
3 |
1 |
2 |
0 |
4:3 |
5 |
| 2. |
Zenit St. Petersburg |
3 |
1 |
1 |
1 |
6:5 |
4 |
| 3. |
FC Porto |
3 |
1 |
1 |
1 |
4:5 |
4 |
| 4. |
Shachtjor Donezk |
3 |
0 |
2 |
1 |
4:5 |
2 |
Gurub (H) Kooxda difaacaneeysa koobka The Uefa Champions League ee Fc Barcelona wexeey 2-0 iskaga reebtay kooxda heeysata Horyaalka Czeck.Rep. ee Viktoria Pilsen.
Goolasha Fc Barcelona waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Andres Iniesta Daqiiqadii 10-aad iyo David Villa Daqiiqadii 82-aad .Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=G3bb_rIkHwc .
Isla Guruubkaan kooxda Ac Milan wexeey 2-0 ku saqiir suujisay kooxda heeysata horyaalka dalka Belarusia waa BATE Borissow . Goolasha Ac Milan waxaa u kala saxiixay Zlatan Ibrahimovic Daqiiqadii 33-aad iyo Xiddiga reer Ghana ee diiday inuu qaato dhalashada jarmalka ama u Ciyaarro Qaranka Germany waa Kevin-Prince Boateng Daqiiqadii 70-aad. Guruubkaan H waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan hoose :
| 1. |
FC Barcelona |
3 |
2 |
1 |
0 |
9:2 |
7 |
| 2. |
AC Milan |
3 |
2 |
1 |
0 |
6:2 |
7 |
| 3. |
Viktoria Pilsen |
3 |
0 |
1 |
2 |
1:5 |
1 |
| 4. |
BATE Borisow |
3 |
0 |
1 |
2 |
1:8 |
1 |
Filo Goor dhaw World Sport News iyo Barnaamishka La Yaab Sport.
Fiiro Gaar ah : Qaar ka tirsan Saxaafada dalka Talyaaniga wexeey maalmihii ugu dambeeyey ku kacsanaayeen Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic iyaga oo ku tilmaamay inuu cuslaaday