Uefa Champons League, * Badiskii Man Utd 9-sano ka dib Garoonka Stamford Bridge war baahinta Caalaamka mexeey ka yiraahdeen? *Xiriiriye.com oo 2-kooxood u saadaaliyey ineey Finaalka Champion-ka iskugu soo hari doonaan * Andres Iniesta oo Baby u dhashay guul ku soo dhaweeyey & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !! (Halkaan ka Daawo)
***(Faalo Warar kii ugu dambeeyey ee koobka Champions League) Kulankii kooxda Man Utd kaga badisay Fc Chelsea Gurigeeda Stamford Bridge mudo 9-Sano ah ka dib ayaa waxa uu noqday midka ugu hadal heeynta badan dhanka Saxaafada Sportiga ee Caalamka.
Kooxda ManU ayaa mudo aad u fog u aragtay Garoonka Stamford Bridge ee Fc Chelsea meel bahlo galeen ah oo inta badan looga tirsan jiray Dhibcaha. Goolka uu Wayne Rooney ka dhaliyey Fc Chelsea daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore ayaa waxa uu wadno qabad ku noqday Laaciibiinta Fc Chelsea kuwii Garoonka ku jiray oo Shaashada Skysport lagu soo bandhigay ineey ku fadhiyeen Qiimo dhan 284 Milyan oo Euro.
Kooxda Fc Chelsea ayaa daqiiqadii ugu dambeeysay ee 92-aad waxaa laga diiday Rigoore caadi ah oo uu Evra ku galay Ramires.
Fc Chelsea oo Horyaalka England Rajo aan sidaas u badnaan ka leh ayaa wexeey ka soo wada hartay dhamaan koobabkii Caalamiga ahaa : Halkaan ka Daawo Ciyaartii Fc Chelsea Vs Man Utd 0-1 >>> http://www.youtube.com/watch?v=ik3wND-fC_k . Kooxda Fc Chelsea waxaa fursado qaali ah ka qasaariyey Laacibiinteeda kala Didier Drogba, Fernando Torres iyo Frank Lampard.
Dhanka kale kulankii dhexmaray kooxda Fc Barcelona oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda weeyn ee Camp Nou iyo kooxda Shakhtar Donetsky ayaa ku soo dhamaaday 5-1 oo guusha eey ku raacday kooxda Catalonia Fc Barcelona.
Ciyaartooyda Fc Barcelona ayaa Farxad iyo waxa loo yaqaan Suul-Nuug la qeeybsaday xiddigooda Qadka dhexe Ciyaaryahan Andraes Iniesta oo 3-dii bishaan April xaaskiisa Anna Ortiz u dhashay Gabar loogu waq lalay Valeria wuxuuna Iniesta ciyaartaan dhaliyey gool halka uu mid kalena ka paasay. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Barca Vs Shakhtar Donetsky 5-1 >>> http://www.youtube.com/watch?v=-JB2wbYksug&feature=related.
*** Saadaasha dhanka koobka Champions League Bahda www.xiriiriye wexeey isku raaceen sidan in kastoo kubadi nasiib & Lucky tahay >>> Kooxaha Real Madrid, Fc Schalke, Fc Barcelona, iyo Man Utd wexeey u soo gudbi doonaan 4-ta ugu dambeeysa ee koobka Champions League. Kadib Barcelona Vs Real Madrid oo isku aadan waxaa Fiinalka u soo bixi doonto sida saadaasha Xiriiriye tahay Fc Barcelona, dhanka Man Utd Vs Schalke waxaa dhankaas ka soo bixi doonta kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd.
Fiinaalka Champions League oo 28.5.2011 lagu qaban doono garoonka weeyn ee Wimbley Stadium oo ku yaal magaalad Londan ee Caasimada England ayaa waxaa fooda is dari doona kooxaha Manchester United Vs Fc Barcelona waxaanka Koobka la garguuran doonto sanadkaan kooxda Fc Barcelona oo run ahaantii dhinac kaste ka dhisan xili ciyaareedkaan.
*** Wararkii ugu dambeeyey ee Koobka Europa League oo eey iskugu soo hareen 8-kooxood ayaa waxaa loogu kala baxay sidan.
| FC Porto - Spartak |
5:1 |
| Benfica - Eindhoven |
4:1 |
| Villarreal - FC Twente |
5:1 |
| D.Kiev - SC Braga |
1:1 |
*** Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News waxaa ka mid ah Warar kaan hoos ku qoran :
*** Xiriirka kubada cagta ee dalka Ingiriiska ayaa wexeey Ganaax adag dul dhigeen Weeraryahanka Qaranka England & Kooxda Manchester Utd Wayne Mark Rooney oo Isbuucii la soo dhaafay kulankii kooxaha West Ham Vs Man Utd 2-jeer oo isku xigta caayey Cameramann-Tv Live ah u waramayey. Xiriirka FA-ga ee dalka Ingiriiska ayaa Wayne Rooney ka mamnuucay inuu ciyaaro kulanka Premier-League ee beri oo Sabti ah dhex mari doona kooxaha Man Utd Vs Fulham iyo Ciyaarta adag ee 16-ka Apriil kooxaha Man city Vs Man Utd ku dhex mari doona Garoonka Wembley-Stadium kulankaan oo ka tirsan FA-Cup-ka.
*** Xiddiga Qaranka Portugal iyo kooxda Benfica ee horyaalka Portugal Fabio Coentrao ayaa si toos u diiday inuu u wareego kooxda Bayern Munchen ee Horyaalka Germany. Bayer oo Xiddigaan aad u dooneeysay ayaa waxa uu ugu jawaabay sidan : " Aniga Benfica meel aan uga socdo ma lahan waxaana doonayaa Mustaqbalka dhaw inaan Guulo muhiim ah la qeeybsado mana aqaan sabab aan Benfica uga tago ayuu yiri Fabio Coentrao !!
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Chelsea ayaa wexeey 35-Milyan oo Euro ku soo wadataa xiddiga da´da yar ee Qaranka Brazil iyo Kooxda Fc Santos ee horyaalka dalkaas Neymar. laacibkaan ayaa waxaa isku heeystay kooxo badan oo eey ka mid yihiin Fc Barcelona ,Real Madrid, Inter Milan iyo Valencia waxaana lagu wadaa inuu saacada soo socda soo shaac baxo Heshiiska Ciyaaryahan Neymar iyo Naadiga Chelsea.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |