Kulan aad u adag oo loogu magac daray (Battle of England) ayaa waxa uu dhex marax kooxaha Manchester United Vs Fc Chelsea oo ka wada tirsan Horyaalka Ingiriiska balse Nasiibka koobka Champions League uu Sanadkaan isku soo aadiyey.
Ciyaartaan oo loogu soo baxaayey Semifiinalka Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa wexeey ka dhacday Garoonka weeyn ee Old Trafford oo eey soo buux dhaafiyeen Taageerayaal tiradooda lagu sheegay 75.000 oo Qof.
Kulankaan ayaa waxaa 2-1 ku badisay kooxda Shayaadiinta cas cas ee Man Utd oo Xiddigaha Fc Chelsea kulankii kan ka horeeyey ee ka dhacay Magaalada London 0-1 uga soo badiyey taas oo ka dhigeeysa goolasha Man Utd marka la isku daro 3-1 .
Goolka oo eey ku hortmartay kooxda Manchester United ayaa waxaa daqiiqadii 43-aad u saxiixay xiddiga Qaranka Mexico Ciyaaryahan Javier Hernandez oo lagu naaneeyso ama inta badan dhabarka dambe ee Funaanadiisa uu ku qorto (Chicharito).
Qeeybtii 2-aad ee Ciyaarta ayaa waxaa goolka Bareejada kooxda Fc Chelsea u saxiixay daqiiqadii 77-aad Xiddiga Qaranka Ivory Coast Didier Drogba oo ayaamahaan eey soo food saartay Abaar Goolal la´aan ah ebid midii ugu darneed waxaana goolkiisa Bareejada uu noqday mid 50 (Sekund9 ilbiriqsi uu si deg deg ah uga soo aaro Xiddiga Qaranka South Korea Park Ji Sung oo dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey ee xili ciyaareedkaan (The Uefa Champions League 2010/2011).
Daqiiqadii 70-aad ee dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa Rooso lagu sagootiyey xiddiga kooxda Fc Chelsea Ciyaaryahan Ramires.
Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee (The Red Devils) Man Utd ayaa wexeey ku jirtaa riyo la mid ah midii sanadkii 1999-kii oo eey isku darsatay koobabkii ugu muhiimsanaa ee looga bahnaa ineey koox soo xareeyso kuwaas oo kala ah Horyaalka England, FA-Cup iyo Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League oo eey xiligaas daqiiqado yar gudahood kaga Bililiqeysteen B.Munchen .
Is araga 4-ta ugu dambeeysa ee Koobka Champions League wexeey Man Utd sugeeysaa Kulanka caawa cidii soo baxdaa kooxaha Fc Schalke Vs Inter ooisku arki doona garoonka weeyn ee kooxda Fc Schalke oo lagu magacaabo Veltins-Arena .
Schalke oo guriga Inter Milan darsin goolal ah(2-5) kaga soo badisay kooxda Inter ayaa lagu wadaa labadooda kii soo baxaa inuu Man Utd la ciyaaro Taariikhdu markeey tahay 26-ka Apriil iyo 4-ta Bisha Meey.
Ciyaartooyda kooxaha Manchester United Vs Fc Chelsea ayaa wexeey isku qaabileen sidan :
Halkaan ka Daawo ManU Vs Fc Chelsea >>> http://www.youtube.com/watch?v=-1rBIvBBsDU
Manchester United: Van der Sar - O'Shea, Ferdinand, Vidic, Evra - Park, Carrick, Nani (75./Valencia), Giggs - Hernandez, Rooney.
FC Chelsea: Cech - Ivanovic, Alex (82./Ferreira), Terry, Cole - Ramires, Essien, Lampard - Anelka (61./Kalou), Torres (46./Drogba), Malouda.
Waxaa labada kooxood Jaalle-yaal laga laqsiiiyey ama lagu aamusiyey markii uu buuqooda batay Ciyaartooyda kala ah ManU > Evra & O'Shea, Fc Chelsea > Malouda & Terry.
Dhanka kulankii kale ee dhexmaray kooxda Schachtjor Donezk oo heeysata Horyaalka dalka Ukraine Vs Fc Barcelona oo iyana heeysta horyaalka La Liga ee dalka Spain ayaa waxa uu ku soo gaba gaboobay 0-1.
Fc Barcelona oo gurigeeda Isbuucii la soo dhaafay kooxda Schachtjor Donezk 5-1 u soo dhiibtay ayaa marka la isku daro goolasha eey ku reebtay kooxda Schachtjor Donezk wexeey noqanayaan 6-1. Kooxda Fc Barcelona wexeey sugeeysaa kooxaha Real Madrid Vs Tottenham tii soo baxdo. Goolka Fc Barcelona waxaa daqiiqadii 43-aad u saxiixay oo Difaaca Schachtjor Donezk eey celin waayeen Ciyaaryahan Leo Messi. Saxaafada Caalamka ayaa ku magacaawday kulanka eey isku aadi doonaan Barca Vs Real (Clasico of Champions League) .
Halkaan ka Daawo Donezk Vs Fc Barcelona >>> http://www.youtube.com/watch?v=RF6oN-n_Dss
Taageerayaasha Fc Chalsea durbadiiba wexeey Magaalada London oo Finalka lagu qaban doono si weeyn uga soo hor jeesan doonaana Man Utd halka Taageerayaasha Fc Arsenal dhamaan eey wada taageeri doonaan koox alle kooxdiisa Fc Barcelona ka hor timaado maadaama Barcelona Arsenal horay uga soo reebtay Champion-ka waxaana Taageerayaasha Arsenal la maqashiin karin Magaca Messi & Fc Barca oo eey sheegeen ineey ka jecel yihiin ineey Daanyeer taageeraan intii eey Messi & Barcelona Taageri lahaayeen.
*** WARAR KII UGU WAA WEEYNAA EE WORLD SPORT NEWS AYAA WAXAA KA MID AH SIDAN :
*** Kaptanka Kooxda As Roma ee Horyaalka Dalka Talyaaniga Francesco Totti oo caawa u waramayey Skysport ayaa waxa uu ka yaabsaday Bahda Sportiga gaar ahaan intii daawanayeeysay Wareeysigiisa. Totti ayaa waxa uu yiri sidan :" Ciyaartooyda wexeey ciyaaraha uga fadhiistaan marka eey gaaraan Da´da 33-jir ilaa iyo 38-jir laakiin aniga hada waxaan dareemayaa sidii inaan ahay 20-jir waxaana Ciyaaraha Caalamiga ah ka fadhiisan doonaa marka aan gaaro 45-sano ayuu yiri Ciyaaryahan Francesco Totti.
Totti da´diisa hada waa 34-jir lamana garan karo sida eey ugu suurtoobi doonto inuu sii ciyaaro ilaa uu 45-jir ka gaaro.
*** Dhanka kale Taageeraha weeyn ee kooxda Ac Milan ahna Raisul wasaaraha dalka Talyaaniga Mr Silvio Berlusconi ayaa si weeyn uga farxiyey dhamaan Taageerayaasha kooxda Ac Milan . Silvio Berlusconi oo la hadlaayey Telefishinada ugu magaca dheer dalka Talyaaniga gaar ahaan Rai Uno, Rai Due & Rai Sport 1 ayaa waxa uu yiri sidan : " Hadii eey kooxda AC Milan qaado (Scudetto) waxaan soo xera gelin doonaa Ciyaaryahan Leonel Messi Qiimo kasta oo uu noqdaba.)
Silvio Berlusconi ayaa inta badan balan qaadyadii kuwaan la midka ahaa ee uu horay ugu balan qaaday Taageerayaasha kooxda Ac Milan iyo Maamulka Naadigaas wexeey noqdeen kuwo uu ka dhabeeyey balse waxaan la ogeeyn Fc Barcelona oo aan Lacag badan baahi u qabin sideey ku fasixi doonto Xamaaligeeda isku xira Afka hore ilaa qadka dhex ee kooxda Fc Barcelona .
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com