Laacibiinta kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Kevin Prince Boateng oo noqday Xiddigihii ugu horeeyey ee Faan bilaaba ka dib markii ay isku Dheceen kooxaha Ac Milan Vs Fc Arsenal : " Arsenal waan reebeenaa hana iska iloobaan Taariikh hore,, Laacibiintaan ma oga ineey kooxda Arsenal ku kacsato marka ay maqasho magaca Ac Milan (Falanqeeyn The Uefa Champions League !! Waa Sidee Xaaladu? Yaa Wadnaha farta ku haya?)
Ciyaarta Kubada cagta waa Cad & Madoow mana jecla cida faanta ka hor inta aysan Ciyaarta dhicin ama fooda la is darin. Macalin Jose Morinho ayaa ugu dambeeyey Qof faana wuxuuna Xiddigaha Fc Barcelona kulankii El Clasico hawada u mariyey intii uusan dhicin kulankaas ka hor ineey Dhibcaha iska sii diyaariyaan laakiin taas badalkeeda waxaa dhacday in Macalin Morinho isagii lagu Xasuuqo Garoonka Santiago Barenbau
Tan iyo markii Isku aadkaan cusub ee koobka The Uefa Champions League la suubiyey Kooxaha iyo Tababarayaasha wexeey Wareeysiyo ku dhiibayeen hadalo degan iyo Hanjabaad la´aan.
Xiddigihii ugu horeeyey ee faanay wexeey noqdeen Laacibiinta kooxda Ac Milan ee kala ah Zlatan Ibrahimovic iyo Kevin Prince Boateng . Ibrahimovic wuxuu taagan yahay si Fc Arsenal gool looga dhaliyo kulul iguma heeyso oo dhib badan uma mari dooni, wuxuu soo qaatay xiligii uu Fc Barcelona ka tirsanaa inuu Arsenal dhoor gool ka xareeyey.
Xiddiga reer Ghana Kevin Prince Boateng wuxuu leeyahay Fc Arsenal sidii hore uma awood badana oo Ac Milan ayaa dhan kasta kaga wanaagsan wexeey Arsenal ku soo dhaafi doonaan si sahlan waa sida uu qabo Boateng oo aan Taariikhda labada kooxood la socon.
Fc Arsenal kooxaha ay ku kacsato inta badana iskuna kuusto waxaa ka mid ah naadiga Ac Milan. Bal halkaan ka Daawo kulankii Champions League ee ugu dambeeyey oo dhex mara Labadaan kooxood waxaa Gurigeeda cagaha looga soo tumay Ac Milan oo xiligaas ku mar marsiiyootay ineey Laacibiinteeda Weekiyo ahaayeen halka Arsenal Dhalinyaro la timid Sansiro Daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=K3OA10w-wGk.
Dhanka kooxaha Reer Spain ma jirto wax Isbaaro sidaas u weeyn oo loo dhigtay maxaa yeelay Bayer Leverkusen iskama dhicin karto Fc Barcelona oo heeysata Koobkaan hada loo tartamaayo weliba dhinac kasta ka dhisan halka Real Madrid ay isku dhaceen kooxda Cska Moscow oo la ogaa sida ay ku soo baxday (Tacbaan).
Fc Chelsea Napoli weey uga aari doontaa Isbaaradii ay u dhigatay Manchester City waxaana moodaa awood ahaan Napoli ineeysan iska dhicin karin Fc Chelsea. Dhanka Fc Bayern Munchen weey soo dar dari doontaa Fc Basel oo ay Taariikh ahaan ka adag tahay weliba ka reebtay koobab fara badan.
Kulanka Marseille waxaa laga yaabaa ineey ku mintidaan Inter oo bilahaan dambe Duco u baahan ka dib markii laga waayey Maslaxa kooxaha caanka ah ay isku legdaan weliba gashay Jiif dheer oo ka soo noqosho laheeyn (Tartankii Horyaalka Serie A weey ka hartay Inter wexeeyna ku jirtaa Halganka sidii ay uga baxsan leheed Serie B-da)
Lyon ayaa lagu wadaa ineey soo dar darto kooxda Reer Qubrus ee Nikalosia. Benfica Vs St.Petersburg xaalkoodu waa Jabhadeeys mana jirto cid si toos ah loogu saadaalin karo.
Kooxaha ayaa sidaan iskugu dhacay:
Fc Arsenal Vs Ac Milan-
Bayer Leverkusen Vs Fc Barcelona.
Fc Chelsea Vs Napoli.
Real Madrid Vs Cska Moscow.
Fc Bayern Munich Vs Fc Basel.
Lyon Vs Aopel Nikolosia.
St.Petrsbrug Vs Benfica.
Marseille Vs Inter Milan
FIIRO GAAR AH : Kulamada ugu horeeya ee Koobka The Uefa Champions League ayaa la kala Ciyaari doonaa : Talaado 14.2.2012 iyo Arbaco 15.2.2012.