|
Kooxda Inter Milan ayaa Ceeb Taariikhi ah ka bad baadisay dalka Talyaaniga iyo Farxadii Bayern Munchen oo Murugo isku badashay * Manchester United oo Qaadista 3-Koob isku diyaarisay*Riyadaas oo aan sahlaneyn & Luis Antonio Valencia Mosquera oo u soo kacay . (Halkaan ka Daawo Kulamadii Champions League) |
Kooxda Inter Milan oo ah Naadiga difaacanaya koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa wexeey dhulka la dhacday kooxda Fc Bayern Munchen oo Farxad iyo reeyn reeyn ku jiiftay ka dib markii eey kulankii is aragii hore oo ka dhacay dalka Talyaaniga 0-1 ku soo garaacday Inter.
Kulankaan oo aad u xiiso badnaa ayaa waxaa 2-3 ku badisay kooxda Inter oo ciyaarta qeeybteedii 2-aad la soo baxday dardar aan mudooyinkaan dambe lagu arag.
Ciyaarta qeeybteedi hore waxaa lagu kala nastay 2-1 oo eey kooxda Bayern Munchen Baska Champions League Darawal kaga eheed waxaana goolasha u kala saxiixay Laacibiinta Qaranka Germany ee kala ah Mario Gomez daqiiqadii 21-aad iyo Thomas Müller daqiiqadii 31-aad, Inter oo ciyaarta goolka hormartay ayaa waxaa u saxiixay Samuel Eto'o.
Qeeybtii 2-aad markii la isku soo laabtay ayaa kooxda Inter wexeey garoonka la soo galeen Taaktiko cusub oo sababtay ineey kooxda Bayern Munchen isku dhex yaacdo.
Bayer ayaa dhankeeda waxaa fursado qaali ah ka qasaariyey laacibiinteeda kala ah Arjen Robben , Frank Ribery , Mario Gomez iyo Bastian Schweinsteiger.
Waxaa Daqiiqadii 63-aad goolka bareejada oo aad u qurux badnaa u saxiixay kooxda Inter xiddiga Qaranka Holland Wesley Sneijder oo ka dhabeeyey war bixintii wareeysigii aanu ka qornay isaga oo horay u sheegay ineey u harsantahay 90 daqiiqo oo uga qiimo badan 200 oo daqiiqadood.
Daqiiqadii 88-aad ayaa kooxda Fc Bayern Munchen waxaa Tariinka Champions League kaga tuuray gool uu si weeyn uga soo shaqeeyey Laacib Samuel Eto'o ciyaaryahan Goran Pandev. Wixii intaas ka dambeeyey ayaa waxaa dhacday Garoonka weeyn ee Allianz Arena oo eey maamusho kooxda Fc Bayern Munchen in Taageerayaashii ka soo qeeyb galay daawashada ciyaarta oo kor u dhaafayey 66.000 oo Qof si deg deg ah ku kala dhuuntaan maadaama Garoonkii eey ku faani jireen lagu cirib tiray .
Kooxda Inter ayaa ceeb iyo fadeexo ku soo fool leheed sumcada Dalka Talyaaniga ka bad baadisay ka dib kooxihii kale oo laga wada reebay koobkaan Qiimaha badan sida Ac Milan iyo As Roma wexeeyna noqon leheed hadii kooxda Inter oo loo saadaaliyey in iyadana eey Bayer reebi doonto ceeb iyo Taariikh madoow oo u soo hoyatay Bahda kubada cagta ee Talyaaniga oo aan Champions League laga weeyn mar kasta kooxaha ugu dambeeye.
Ciyaartooyda kooxaha Fc Bayern Munchen Vs Inter Milan ayaa sidaan isku qaabilay iskuna badalay :
Bayern: Kraft - Lahm, van Buyten (70./Badstuber), Breno (90./Kroos), Pranjic - Luiz Gustavo, Schweinsteiger - Robben (68./Altintop), Müller, Ribery - Gomez.
Inter: Julio Cesar - Maicon, Lucio, Ranocchia, Chivu (87./Nagatomo) - Cambiasso, Thiago Motta - Stankovic (51./Coutinho), Sneijder - Pandev (90./Kharja), Eto'o.
Waxaa Jaale loo taagay Laacibiinta kala ah Breno, Luiz Gustavo , Kharja, Lucio, Pandev, Thiago Motta. Halkaan ka Daawo Ciyaartii Bayern Vs Inter >>> http://www.youtube.com/watch?v=3TyKeQ-WtNU .
*** Dhanka kale kulankii dhex maray kooxaha Manchester United Vs Olympique Marseille ayaa waxaa 2-1 ku badisay kooxda Man Untd.
Labada gool ee Man Utd ayaa waxaa daqiiqadihii 5-aad iyo 75-aad u wada saxiixay xiddiga qaranka Mexico Javier Hernandez (Chicharito).
Goolka kooxda Olympique Marseille keensatay ayaa waxa uu ahaa mid uu kooxdiisa ka xareeyey xiddiga Man utd Brown daqiiqadii 82-aad.
Kooxda Man Utd wexeey celin waayeen xiddigeedii hore Gabriel Heinze oo Olympique Marseille difaaca uga ciyaara una dhashay dalka Argentina. Waxaa sidoo kale kooxda Man Utd Dhaawicii naxdinta ahaa ee ciyaartii Rangers dib garoomada ugu soo laabtay Ciyaar qeeybiyaha weeyn ee Qaranka Ecuador iyo Manu Antonio Valencia.
Kooxda Man Utd ayaa sanadkaan wexeey ku riyooneeysaa ineey isku darsato 3-koob oo kala ah Uefa Champions League, FA-Cup iyo Premier League .
Daawashada Ciyaarta waxaa garoonka Old Trafford iska soo xaadirisay 74.000 oo Taageere iyo Macalinka Qaranka England Fabio Capello.
Kooxaha Manchester United Vs Olympique Marseille ayaa wexeey isku qaabileen ama ciyaartooyda isku badaleen qaabkaan :
Manchester: Van der Sar - Smalling, O'Shea (37./Rafael - 70./Fabio), Brown, Evra - Nani (62./Valencia), Carrick, Scholes, Giggs - Hernandez, Rooney Olympique.
Marseille: Mandanda - Fanni, Heinze, Diawara, Taiwo - Mbia (80./Jordan Ayew), Cheyrou - Remy, Lucho Gonzalez, Andre Ayew - Gignac (69./Valbuena).
Waxaa Jaale lagu Aqseeyey ciyaartooyda kala ah sidan : Hernandez , Remy iyo Valbuena.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com