WORLD SPORT NEWS >> Barcelona oo Real Madrid ka inkaarsatay,*Inter Milan oo Dharka laga dhigay,* Senegal oo Seedaha la jaray lagana reebay Koobka Qaarada Africa iyo Equatorial Guinea oo si La Yaab ah ku soo baxday,*Fc Liverpool oo Fiinaalaha England League isa soo taagtay ka dib markii ay Daaqada ka saartay Manchester City & WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPPORT NEWS (Halkaan ka Daawo Kulamo Xul ah)
*** Koobka Qaramada Africa ee Africa Cup of Nations ayaa waxa uu yeeashay xiiso cusub ka dib markii Koobka si toos ah looga reebay Qaranka Senegal oo ku jiray dalalkii loo saadaaliyey ineey ku guuleeysan doonaan xili ciyaareedkaan 2012. Senegal waxaa 1-2 ku tuntay Xulka Martida loo yahay ee ka yaabsaday dalalka waa weeyn waa Equatorial Guinea .
Ciyaartooyda Qaranka Senegal ayaa waxa ay ku mar marsiyoodeen Garoonkii lagu ciyaarayey oo uu Roob qariyey kana dhigay gudaha Garoonka meel wada dhiiqo ah oo u sahlay Xiddigaha Equatorial Guinea ineey u soo gudbaan Wareega 2-aad ee tartanka Africa Cup of Nations 2012.
Goolasha ay ku badisay Equatorial Guinea oo dal aad u yar ah waxaa u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Iban Randy Daqiiqadii 62-aad iyo David Alvarez oo dhaliyey Daqiiqadii 93-aad Kubad Ul ah oo aad u kululeed. Goolka Senegal oo 2 jeer laga badiyey waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Moussa Sow Daqiiqadii 89-aad. Halkaan ka Daawo Senegal Vs Equatorial Guinea oo Kubadii uu Roob ka dhigay mid aan la xukumi karin >>> http://www.youtube.com/watch?v=wl91yVVPGd0 .
Isla Guruubkaan A waxaa dhankooda wada ciyaaray Xulalka Liibiya Vs Sambia kuwaas oo isla dhaafi waayey 2-2. Ciyaartii dhex martay labadaan dal waqtigii loogu tala galay lama bilaabin maxaa yeelay Garoonkii lagu Ciyaari lahaa waxaa mudo 75 Daqiiqo ah banaday Roob xoogan oo goobtaas ka da´ayey.
Goolasha Xulka Liibiya waxaa labadaba u wada dhaliyey Ciyaaryahan Ahmed Saad Daqiiqadii 5-aad iyo Daqiiqadii 47-aad. Dhanka Goolasha Qaranka Sambia waxaa iyagana u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Emmanuel Mayuka Daqiiqadii 29-aad iyo Chris Katongo Daqiiqadii 54-aad. Halkaan ka Daawo ciyaartii Liibiya Vs Sambia http://www.youtube.com/watch?v=oFDdsoLd2ME .
GURUUB (A) XULALKA WAXEEY U KALA HOREEYAAN QAABKAAN :
1.
Equatorial Guinea*
2
2
0
0
3:1
6
2.
Sambia
2
1
1
0
4:3
4
3.
Liibiya
2
0
1
1
2:3
1
4.
Senegal
2
0
0
2
2:4
0
Kulamada Galabta iyo Caawa ayaa lagu wadaa Xulalka ku jira Guruub (B) ineey isku arkaan qaabkaan : Sudan Vs Angola waxeey wada Ciyaari doonaan saacadu markeey tahay 17-Galabninmo. Caawa waxaa iyagana dhankooda fooda is dari doona Qaramada Ivory Coast Vs Burkino Faso Saacadu markeey tahay 20-Fiidnimo.
*** (El Clasico) Kooxda Kubada cagta ee Fc Barcelona ayaa waxa ay ka inkaarsatay kooxda Real Madrid oo qaatu billahi ka taagan Fc Barcelona oo dooneeysa ineey Koob walba si fudud uga reebto.Fc Barcelona Sanadihii ugu dambeeyey inta badan koobabkii ama kulamadii muhiimka ah ayeey ka reebtay kooxda Real Madrid marka laga reebo Koobka hada Real Madrid la reebay oo Sanadkii la soo dhaafay Ciyaartii Fiinaalihiisa 1-0 looga badiyey kooxda Fc Barcelona waxaana hada la reebay Real Madrid oo laga doonayey ineey difaacato (Copa del Rey).
Is aragii hore ee Copa del Rey oo Isbuucii la soo dhaafay ka dhacay Garoonka kooxda Real Madrid waxaa xiligaas 1-2 ku soo badisay kooxda Fc Barcelona iminkana Copa del Rey Lugtiisii 2-aad kulan adag oo dhex maray Kooxaha Fc Barcelona Vs Real Madrid 2-2 ayeey isla dhaafi waayeen waxaana sidaas ku hartay Los Blancos Galackticos Real Madrid.
Fc Barcelona oo Ciyaarta qeeybteedii hore labada Gool ku hor martay waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Pedro Daqiiqadii 43-aad iyo Dani Alves daqiiqadii 45-aad. Goolasha deg dega ah markii ay Xiddigahaas kala dhaliyeen waxaa Garoonka Barcelona oo ay soo xaadireen Taageerayaal kor u dhaafay 100.000 mar qura is qabsaday Farxad iyo Damaashaad taas oo kuu cadeeneeyso naceeybka ay isku qabaan labadaan kooxood ee is diidan.
Ciyaarta qeeybteedii labaad kooxda Real Madrid oo boorka iska jaftay waxaa labada Gool ee Bareejada u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo Daqiiqadii 68-aad iyo Weeraryahan Karim Benzema Daqiiqadii 72-aad . Dhamaadkii ciyaarta waxaa Rooso la siiyey Difaaca Real Madrid Sergio Ramos Daqiiqadii 88-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Barca Vs Real http://www.youtube.com/watch?v=bZvjlJYF-0s .
FIIRO GAAR AH : Kooxda Real Madrid waxaa Fursado qaali ah ka cunay Weeraryahanka Reer Argentina Gonzalo Higuain Daqiiqadihii 1-aad, 3-aad & 26-aad waxaana sidoo kale Daqiiqadii 28-aad Fursad Qaali ah oo dhanka Birta ah ka qasaariyey Laacib Mesut Mustafa Özil.
*** Koobka dalka Talyaaniga ee Coppa Italy waxaa laga reebay oo 2-0 dharka looga soo dhigay kooxda Inter Milan oo ay soo xasuuqday Napoli. Goolasha Napoli ku badisay waxaa u wada dhaliyey Weeraryahanka Qaranka Uruguay Edinson Cavani Daqiiqadihii 51-aad iyo 93-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=QaFyrdoREF8.
Koobka dalka Talyaaniga ilaa hada waxaa soo baxay oo afarta ugu dambeeysa isa soo taagay kooxaha Juventus, Siena iyo Napoli waxaana caawa la sugayaa midkood ineey soo baxdo SS Lazio Vs Ac Milan oo isku dhaarsan.
*** Kooxda Kubada cagta ee The Reds Fc Liverpool wexeey Koobka England League Cup ka reebtay Kooxda Manchester City oo ay wada galeen bareejo 2-2 ah balse kulankii kan ka horeeyey Fc Liverpool ayaa 0-1 uga soo badisay kooxda Man City oo ku ciyaareeysay Garoonkeeda.
Labada Gool FC Liverpool waxaa u kala saxiixay Kaptan Steven Gerrard oo Daqiiqadii 41-aad Rigoore dhaliyey iyo Ciyaaryahan Craig Bellamy oo kooxdiisii hore Man City Daqiiqadii 74 Gool ka xareeyey. Goolasha kooxda Manchester City waxaa u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Xiddiga Holland Nigel de Jong Daqiiqadii 31 -aad iyo Weeraryahanka reer Bosnia Edin Dzeko Daqiiqadii 67-aad.
Ciyaarta Fiinaalka ah ee koobkaan England League Cup waxaa lagu wadaa 26-ka Bisha Febraayo ee sanadkaan ineey Garoonka Wembley-Stadium ku dhex marto kooxaha Cardiff City Vs Fc Liverpool.
*** Weerayahanka halista ah ee Qaranka Reer Brazil iyo kooxda ZSKA Moscow Vagner Love waxaa 10 Milyan oo Euro ku iibsatay kooxda Flamengo Rio de Janeiro oo ka Ciyaarta Horyaalka dalka Brazil. Vagner Love wuxuu u yimid kooxda ZSKA Moscow sanadkii 2004 waxaana laga soo baxshay 8 Milyan oo Euro isaga oo xiligaas ka yimid naadiga Palmeiras Sao Paulo oo ka dhisan dalka Brazil.
Vagner Love waa 27 jir wuxuuna kooxdiisa ZSKA Moscow intii uu la joogay u dhaliyey 117 Gool isaga oo u saftay 244-kulan.
***Kooxda kubada cagta ee Stuttgart oo ka dhisan horyaalka Bundesligaha Germany waxeey 10 Milyan oo Euro ku soo iibsatay Weeraryahanka dhuumashada badan ee Qaranka Bosnia iyo kooxda Hoffenheim waa Ciyaaryahan Vedad Ibisevic.