 |
ClAnfac |
 |

UEFA CHAMPIONS LEAGUE : Kooxaha Man Utd iyo Man City oo soo bixi taankooda Cabsi la galiyey,* Ribery oo Fc Bayern Munchen u Raaxeeyey,* Karim Benzema oo Goolal dhex Dabaalanaya,*Inter Milan oo soo baxday iyo Real Madrid oo 20-Daqiiqo gudahood 4 Gool ku dhalisay (Halkaan ka Daawo Faaqidaada The Uefa Champions League & Qaabka loo kala horeeyo) Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League ayaa waxaa la ciyaaray Kulankiisii 5-aad waxaana durbadiiba soo baxay kooxo cusub halka qaar kale rajadii ay lahaayeen ciriiri la galiyey. Hadaanu ku hormarno Guruubka (A) oo eey ku wada jiraan Kooxaha Fc Bayern Munchen , Napoli , Man City iyo Villarreal ayaa waxaa Rajadeeda Mugdi la galiyey kooxda Hogaanka u heeyso Horyaalka Ingiriiska ee Manchestern City. Man City oo aaday Guriga Napoli waxaa looga soo badiyey 2-1 wxaana labada Gool u wada saxiixay kooxda Napoli Daqiiqadihii 17-aad iyo 49-aad Weeraryahanka Qaranka Reer Uruguay Edinson Cavani. Garoonka kooxda Napoli ee Sao Poulo waxaa soo xaadirtay 60.000 oo Taageerayaal ah. Man City goolka waxaa Daqiiqadii 33-aad u dhaliyey Ciyaaryahan Mario Balotelli Halkaan ka Daawo Ciyaarta Napoli Vs Man City >>> http://www.youtube.com/watch?v=Ws4TI8BPGLE . *** Kooxda Fc Bayern Munchen oo Guruubkaan (A) si toos ah uga soo baxday wexeey 3-1 ku suul daartay kooxda Villarreal oo ka socotay Horyaalka La Liga. Goolasha 2 ka mid ah waxaa Fc Bayern Munchen u saxiixay Laacib Frank Bilal Ribery Daqiiqadihii 3-aad iyo 69-aad Goolka kale waxaa raacsaday Mario Gomez Daqiiqadii 23-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=MHIqEqM--8c . Guruubka (A) waxaa loo kala horeeyaa qaabkaan :
| 1. |
Bayern München* |
5 |
4 |
1 |
0 |
11:4 |
13 |
| 2. |
SSC Napoli |
5 |
2 |
2 |
1 |
8:6 |
8 |
| 3. |
Manchester City |
5 |
2 |
1 |
2 |
7:6 |
7 |
| 4. |
Villarreal |
5 |
0 |
0 |
5 |
2:12 |
0 | *** Guruub (B) Kooxda Inter Milan wexeey gudaha dalka Turkiga Bareejo 1-1 ah ku soo kala bexeen kooxda Trapzonsport halka Lille oo u safartay magaalada Moscow ee caasimada dalka Russia eey 0-2 ku soo qaarajisay kooxda ZSKA Moskau. Guruub (B) ilaa hada Inter Milan ayaa soo bixitaankeeda xaqiijisay wexeeyna kooxaha u kala horeeyaan qaabkaan hoose :
| 1. |
Inter Milan* |
5 |
3 |
1 |
1 |
7:5 |
10 |
| 2. |
Trabzonspor |
5 |
1 |
3 |
1 |
3:5 |
6 |
| 3. |
OSC Lille |
5 |
1 |
2 |
2 |
6:6 |
5 |
| 4. |
ZSKA Moscow |
5 |
1 |
2 |
2 |
7:7 |
5 | *** Kooxda Manchester Utd oo lagu waday ineey Guruub (C) kaalinta 1-aad uga soo baxdo ayaa hada Filimkaas waxa uu noqday mid Riyo ah. Man Utd oo gurigeeda ku ciyaareeysay wexeey 2-2 la dhaafi weeysay kooxda Benfica oo ka socotay Horyaalka dalka Portugal. Man Utd waxaa Gool ka dhaliyey Difaaceeda Phil Jones Daqiiqadii 3-aad balse waxaa kooxda Benfica bareejeeyey Weeraryahan Dimitar Berbatov Daqiiqadii 30-aad . Man Utd oo Guul u baahneed si eey u soo baxdo waxaa mar kale Gool u saxiixay Ciyaaryahan Darren Fletcher Daqiiqadii 59-aad balse 2 daqiiqo ka dib Benfica waxaa goolka Bareejada u dhaliyey Ciyaaryahan Bruno Cesar Daqiiqadii 61-aad .Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=Cik2V2PQrws Man Utd hadii laga badiyo kulanka ay ku balan siyihiin kooxda Fc Basel 7.12.2011 waxaa xaqiiqo ah ineey ka hari doonto koobka Champions League inkastoo Xitaa Bareejo eey ku soo bixi karaan . Isla guruubkaan waxaa Gurigeeda looga badiyey kooxda reer Romania ee Otelul Galati oo 2-3 ay ku soo garaacday Fc Basel oo haysata horyaalka dalka Swezerland. Guruub (C) Waxaa loo kala horeeyaa Sida tan :
| 1. |
Benfica Lisbon* |
5 |
2 |
3 |
0 |
7:4 |
9 |
| 2. |
Manchester United |
5 |
2 |
3 |
0 |
10:6 |
9 |
| 3. |
FC Basel |
5 |
2 |
2 |
1 |
9:9 |
8 |
| 4. |
Otelul Galati |
5 |
0 |
0 |
5 |
3:10 |
0 | *** Kooxda Real Madrid mudo 20 Daqiiqo gudahood ah wexeey 4-Gool ku boobsiiyeen kooxda heeysata Horyaalka dalka Croatia ee Dinamo Zagreb. Real Madrid oo ugu dambeeyntii Ciyaarta ku badisay 6-2 waxaa Goolashaas u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Karim Benzema oo labo gool kala dhaliyey Daqiiqadihii 2-aad iyo 66-aad waxaa isna 2-Gool raacsaday Ciyaaryahan Jose Callejon Daqiiqadihii 6-aad iyo 49-aad, Gonzalo Higuain Daqiiqadii 9-aad ayuu ku tuurtay , Mesut Özil sidoo kale Daqiiqadii 20-aad ayuu hal Gool raacsaday. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=7L6Gqxp5DVo . Fiiro Gaar ah : Weeraryahan Karim Benzema kulamadii ugu dambeeyey ee Horyaalka dalka Spain iyo koobka Champions League wuxuu Daris la noqday Shabaqa Goosha weeyna yar tahay Ciyaar uusan Goolal dhalin. Isla Guruubkaan (D) waxaa 0-0 ku kala baxay kooxaha kala ah Olympique Lyon Vs Ajax Amsterdam wexeeyna Guruub (D) u kala horeeyaan qaabkaan :
| 1. |
Real Madrid* |
5 |
5 |
0 |
0 |
16:2 |
15 |
| 2. |
Ajax Amsterdam |
5 |
2 |
2 |
1 |
6:3 |
8 |
| 3. |
Olympique Lyon |
5 |
1 |
2 |
2 |
2:6 |
5 |
| 4. |
Dinamo Zagreb |
5 |
0 |
0 |
5 |
2:15 |
0 | *** Ilaa hada kooxaha ka soo baxay Guruubyadooda wexeey kala yihiin Real Madrid, FC Barcelona, AC Milan, Bayern München, Inter Mailan iyo Benfica Lisbon. *** Caawa waxaa Fooda is dari doona kooxaha kala ah Bayer Leverkusen Vs Fc Chelsea, Valencia Vs Racing Genk, Fc Arsenal Vs Borussia Dortmund, Marseille Vs Olympiakos , Zenit St. Petersburg Vs APOEL Nicosia, Shakhtar Donetsk Vs Fc Porto, BATE Borisov Vs Viktoria Plzen iyo kulanka adag ee dhex mari doona kooxaha Ac Milan Vs Fc Barcelona inkastoo labadoodaba ay soo bexeen. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
|