Bayern oo la Boobsiiyey, Morinho oo Real Madrid ka dhigay Real-tii la yaqaanay, Chelsea oo 5-kulan oo xiriir ah Champion-ka badisay,Milan oo soo baxday Eto'o oo Lacag Caqli ka fooq ah la ganaaxay, iyo Warar kale oo ku suubsan Ciyaaryahankii A New Horror loo baxshay (Halkaan ka Daawo Dracula, Xiddigan oo xaaladiisa Sport laga deeyriyey)
Kulamo adag oo ka tir The Uefa Champions League is aragii 5-aad ayaa kooxaha waa weeyn inta badan badiyeen halka qaar Isbaaro eeysan fileeynin loo dhigtay.
Guruub E
AS Roma - Bayern Munchen 3:2 (0:2)
Alabiitaha waxa uu ahaa Mallenco (ESP) Kooxda Fc Bayern Munchen oo goolasha ku hormatay ayaa aakhiru saacii ciyaarta waxaa gadaal ka soo noolaatay kooxda Roma oo dhawaaqa Taageerayaasheeda ee garoonka soo camiray u aragtay (Qosol Hiilo waa galaa)
Goolasha Roma ayaa waxaa kala saxiixay Borriello (49.), De Rossi (81.), iyo Kaptan kooda Totti oo Rigoore dhaliyey (84.) dhanka Bayern waxaa labada gool u wada dhaliyey xiddiga kacsan ayaantaan ee qaranka Germany u ciyaara Mario Gomez daqiiqadihii (34., 39.)
FC Basel - CFR Cluj 1:0 (1:0)
Alabiitaraha waxa uu ahaa Duhamel (FRA)
Goolka Basel waxaa saxiixay Almerares (15.)
Rooso waxaa la siiyey: Piccolo (87./Cluj)
Guruub F
Chelsea - MSK Zilina 2:1 (0:1)
London, Alabiitaraha Schörgenhofer (AUT) Fc 5-k
Goolasha Fc Chelsea waxaa u kala dhaliyey Sturridge (51.), Malouda (86.) Zilina waxaa iyana goolkooda u saxiixay Bello (19.)
Spartak Moskau - Olympique Marseille 0:3 (0:1)
Alabiitaraha waa Stark (GER)
Goolasha Marseille waxaa u kala saxiixay Valbuena (18.), Remy (54.), Brandao (68.)
Waxaa Rooso loo taagay: Welliton (64./Spartak)
Guruub G
Ajax Amsterdam - Real Madrid 0:4 (0:2)
Amsterdam, Alabiitaraha waxa uu ahaa (SCO)
Goolasha waxaa u kala saxiixay Real Madrid Benzema (36.), Arbeloa (44.), C. Ronaldo (70.), Ronaldo (84.Rigoore)
2-Jaale oo Rooso isku noqday waxaa qaatay Xiddiga Real Madrid: Xabi Alonso (86./Real Madrid), iyo Ramos (90./Real Madrid) waxaa xusid mudan in macalin Jose Morinho uu kooxda Real oo in mudo ah la iskaga baashaali jiray oo weliba kooxda eey is neceb yihiin ee Barcelona saan iyo saan u sii mari jirtay dhibcahana ka tirsan jirtay inkastoo Filimkaas hada uu dhamaaday meeshana waxaa yimid Rugcadaa sare Madaale Macalin Jose Morinho oo guuldara ka faano ama Jariiraco iyo Xasaasiyad ka qaado
AJ Auxerre - AC Milan 0:2 (0:0)
Alabiitaraha ayaa waxa uu ahaa Skomina (SLO) Milan weey soo baxday wexeeyna soo labeeysay kooxda Real Madrid
Goolasha waxaa Milan u kala saxiixay Ibrahimovic (65.), Ronaldinho , (90.)
Gurube H
Sporting Braga - Arsenal 2:0 (0:0)
Alabiitaraha waa Kassai (HUN)
Goolasha waxaa kooxda Arsenal ku gaaday oo xili dambe hurdada ka kiciyey ciyaaryahan Matheus (83., 90.) balse guruubkaan kooxda Arsenal tii soo baxdaa kor iyo hoosba maxaa yeelay halka kulan ee u haray waa kooxda Partizan oo meesha ugu daciifan ilaa iyo hadane aanan weli guul dhedhemin iyo Arsenal oo gurigeeda ku ciyaareeyso.
Partizan Belgrad - Schachtjor Donezk 0:3 (0:0)
Alabiitaraha waxa uu ahaa, De Bleeckere (BEL)
Goolasha waxaa u kala saxiixay Stepanenko (52.), Jadson (59.), Eduardo (68.)
Wararka The Uefa Champions League oo Video-Muqaal ah filo marka la wada ciyaaro haduu alle raali ka noqo.
WARARKII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN SIDAN:
Xiddiga Qaranka Cameroon iyo kooxda Inter oo aanu horay u soo bandhignay in uu Testo la mid ah tii Laacib Zidane ku qaaday Difaaca kooxda Chievo Verona Bostjan Cesar ayaa waxaa ganaax adag dul dhigay Gudiga Anshaxa ee horyaalka Talyaaniga.
Samuel Eto´o ayaa waxaa faraqa loo geliyey ganaax Lacag oo dhan 30 000 Euro iyo 3-kulan oo laga mamnuucay inuu ciyaaro.
Ciyaaryahan Samuel Eto´o oo filaayey in ugu yaraan bilo laga fadhiisiyo Horyaalka Talyaaniga ayaa waxa uu ku faraxsan yahay Lacagtaas la ganaaxay maadaama eeysan Lacag agtiisa wax ka aheeyn halka uu ka cararaayey ganaax dheer si eeysan farahiisa uga bixin Hogaanka Gooldhalinta horyaalka Talyaaniga oo uu ku hogaaminaayo 9-Gool wuxuuna sidoo kale ka maqnaan doonaa kulanka maanta Uefa Champions League ee kooxdiisa Inter la yeelandoonto kooxda heeysata Horyaalka Holland ee Twente Enschede.
Halkaan ka Daawo cidii eey horay u dhaaftay war bixinta Testadii Eto´o ku qaaday ciyaaryahan Bostjan Cesar: >> http://www.youtube.com/watch?v=C8sqSpQxbPM.
Dhanka kale Xiddiga Qaranka Uruguay iyo kooxda Ajax ayaa waxaa dunida oo dhan looga calaamadeey ama neenaas cusub looga dhigay sidan (Dracula) oo ah Horrror-ka iyo bahalka dadka dhiiga ka miirta maadaama uu si la yaab leh kulankii dhex maray kooxaha waa weeyn ee horyaalka Niederland Ajax Vs Psv Eindhofen uu garabka ka qaniinay ciyaaryahan Otman Bakkal oo u safta kooxda Psv isaga oo u maleenaayey inaan la arki doonin Qiyaanadiisa maadaama ciyaartooy badan meesha ku buuqsanaayeen iyagana eey dhexda ku jireen. Halkaan ka Daawo Sababta Luis Suarez Horrror iyo Dracula loogu yeeray ama loogu waqlalay waxaana uu xanaaq fara badan ka muteeystay dhamaan dunida iyo bahda ciyaaraha halka Wariyihii Carabiga ahaa ee ciyaarta soo tabinaayey uu ku sheegay ama ku tilmaamay Dawaco,Ximaar, Kalb iwm waxaana Xiddigaan in saas oo dhan loo caayo u sabab ah Xanaaqiisa faraha badan: Inta Ka Daawo >> http://www.youtube.com/watch?v=GNImJgSagNk
Halkaan ka Daawo Qiyaanadii uu World Cup 2010 ku reebay Qaranka Ghana oo goolkii eey ku soo bixi lahaayeen u dhigay gacantiisa isaga oo Boortiyeeri iska dhigay, markii Ghaana Rigoore loo dhigayna uu ka qasaariyey Laacibkooda Asamoh Gyan:.
Inta ka Daawo Qiyaanadaan ku soo biirtay ciyaaraha kubada cagta : >> http://www.youtube.com/watch?v=NUWZuioV_DY&feature=related.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com