The Uefa Champions League oo ah Koobka ama Tartanka ugu xiisaha badan caalamka marka laga reebo labada koob ee World Cup & kan Qaramada Yurub ayaa waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsan oo aad u xiiso badan. Kooxda Ac Milan oo caalamka looga yaqaan Rossoneri ayaa waxaa gurigeeda ama garoonka weeyn ee Giuseppe-Meazza-Stadium oo eey soo xaadireen Taageerayaal kor u dhaafaya 70.000 oo qof ku Qararamsatay kooxda Tottenham oo ka soo haajirtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Ac Milan waxaa ka maqnaa Andrea Pirlo iyo Mark Van Bommel oo horay ugu soo ciyaaray kooxda Fc Bayern isla koobkaan Champions League taas oo suurto gal aheeyn hal xili ciyaareed oo Champions League ah in uu ciyaaryahan labo kooxood oo kala duwan u ciyaaro.
Goolhayaha kooxda Ac Milan Christian Abbiati ayaa waxaa garoonka looga saaray dhaawac xun oo ka soo gaaray Madaxa ka dib markii eey fooda is dareen xiddiga dhirirka badan ee qaranka Engalad & kooxda Tottenham Peter Crouch. Intii eey ciyaartaan socotay ayaa waxaa Garoonka Qalalaase iyo Dagaal daqiiqad kasta hadba dhinac ka bilaabanayey shaqo ka dhigtay Xamaaliga Ac Milan ee Caalamka ugu xanaaqa badan uguna dabeecada xun waa Gennaro Gattuso .
Saxaafada Sportiga ee Caalamka ayaa kulankaan wexeey Gennaro Gattuso ugu yeereen Kaptankii Waalnaa maadaama uu ciyaarta kooxda Milan kaptan u ahaa halka laga doonayey inuu wax kala celiyo isagii ayaaba dagaal iyo qarbudaad u horseeday Naadiga Ac Milan (Crazy captain ).
Gennaro Gattuso oo 2-Jalle uga maqnaan doona Wajiga is araga 2-aad ee kooxaha Tottenham Vs Milan ku dhex mari doona magaalada london 9-ka bisha Maarso ayaa waxaa kaloo looga fadhiyaa xiriirka kubada cagta ee Qaarada Yurub ineey u soo diraan ganaax adag maadama uu gacan ka hadal iyo Dharbaaxyo ula tagay Kalkaaliyaha Tabababaraha kooxda Tottenham weliba markii eey ciyaarta dhamaatay weeraray qaar badan oo ka tirsan Ciyaartooyda kooxda Tottenham.
Daqiiqadii 80-aad ee dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa goolkii guusha kooxda Tottenham u saxiixay Weeraryahan Peter Crouch oo Pass aad u qurux badan ka helay Laacib Lennon oo kubad ama qalad uu suubiyey Zlatan Ibrahimovic ka faaideeystay waana markii 4-aad oo isku xogto oo eey kooxda Ac Milan tumaan kooxaha ka socda dalka Ingiriiska.
Labada kooxood Ciyaartooydooda ayaa qaabkaan u kala saftay :
Milan: Abbiati (18./Amelia) - Abate, Nesta, Yepes, Antonini - Gattuso, Thiago Silva, Flamini - Seedorf (46./Pato) - Robinho, Ibrahimovic
Tottenham: Gomes - Corluka (59./Woodgate), Gallas, Dawson, Assou-Ekotto - Lennon, Palacios, Sandro, Pienaar (77./Kranjcar) - Van der Vaart (62./Modric) - Crouch. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=pETHKWYc1T8.
Dhanka waxaa iyana kulmay Kooxaha Valencia Vs Schalke wexeeyna ku kala baxeen 1-1 . Goolka oo eey Valencia ku hormartay ayaa waxaa daqiiqadii 17-aad u saxiixay ciyaaryahan Soldado balse waxaa Valencia bareejeeyey daqiiqadii 64-aad ciyaaryahan Raul. kooxaha Valencia Vs Schalke ayaa sidan isku arkay :
Valencia: Guaita - Miguel, Navarro, Ricardo Costa, Mathieu (79./Jordi Alba) - Topal - Ever (68./Vicente), Tino Costa - Domínguez (68./Joaquin) - Soldado, Aduriz
Schalke: Neuer - Uchida, Höwedes, Metzelder, Schmitz - Kluge, Matip - Farfan (79./Draxler), Jurado (83./Edu) - Raul, Huntelaar (90./Hao)
Halkaan ka Daawo ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=N6aVik8njSA.
Filo goor dhaw warar Sport oo Top News ah iyo Barnaamishka La Yaaab Sport oo maanta idiin haya War aad u xiiso badan .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com