Inter Milan oo gurigeeda lagu dubtay,Man Utd & Man City oo la hakiyey iyo Kooxaha Real Madrid & Fc Bayern Munchen oo guulo muhiim ah gaaray (Faaqidaada koobka Champions League) .
Waxaa weli si xiiso leh uga socda Garoomada kooxaha kubada cagta ee Qaarada Yurub tartanka koobka ugu daawashada badan Caalamka ee lagu magacaabo The Uefa Champions League.
Kooxaha ciyaaray ayaa qaar Guuldaro looga naxsaday halka qaar kale Bareejo lagu sagootiyey iyaga oo guryahooda ku ciyaaraya. Guruubka (A) Hadaanu ku hormarno waxaa guul muhiim ah gaartay kooxda Bayern Munchen oo xili ciyaareedka koobkaan Champions League Riyo balaaran ku jirta maadaama Ciyaarta Finaalka ah ee Uefa Champions League 2011/2012 lagu qaban doono garoonka eey ka taliyaan ee Allianz-Arena oo ku yaala magaalada Munchen/Munich ee dalka Germany.
Fc Bayer Munchen oo u safartay dalka Spain gaar ahaan Garoonka Estadio El Madrigal oo eey ka taliso kooxda Fc Villarreal wexeey Bayer ku soo badisay 0-2 waxaana labada gool u kala saxiixay Toni Kroos oo qaranka Germany dhexda uga ciyaara Daqiiqadii 7-aad iyo Xiddiga reer Brazil Rafinha oo goolka 2-aad raacsaday daqiiqadii 76-aad.Halkaan ka Daawo ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=RD7A0wFTBZk .
Isla Guruubkaan (A) waxaa wada ciyaaray kooxda Manchester City oo 1968 ka dib markii ugu horeeysay sanadkaan ka mid noqotay kooxaha ku jira tantanka Champions League 2011/2012 iyo kooxda Napoli oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay wacdaro ka soo dhigtay horyaalka Talyaaniga. Man City Vs Napoli wexeey kala qeeybsadeen Dhibcihii wexeeyna ku kala bexeen 1-1.
Napoli oo goolka ku hormartay waxaa u saxiixay Ciyaaryahan Ezequiel Lavezzi (daqiiqadii 18-aad) waxaana Man City goolka bareejada oo Bilision ahaa si caalami ah ciyaarta 1-1 uga dhigay xiddiga Qaranka Serbia Aleksandar Kolarov (daqiiqadii 74-aad).
Guruubka (B) waxaa iyada oo gurigeeda ku ciyaareeysa Dhibcihii laga Bililiqeeystay kooxda Inter Milan oo 0-1 lagu tumay. Inter Milan oo tabtay Weeraryahan Samuel Eto´o oo eey iska iibiyeen iyo Xiddigooda cusub Diego Forlan oo laga mabnuucay inuu ciyaaro koobka Champions League maadaama uu horay ugu soo saftay Ex-kooxdiisii hore ee Atl.Madrid (koobka Europa League).
Inter waxaa 0-1 ku dubatay kooxda Trabzonsport oo ka socotay Horyaalka Turkiga waxaana goolkaas agoonka ah u saxiixayTrabzonsport Ciyaaryahan Ondrej Celustka oo u safta Qaranka Czech.Rep. (Daqiiqadii 76-aad).
Mudo 3 maalmood ka hor ah waxaa sidoo kale horyaalka Talyaaniga guuldaro dhabarka loo soo saariyey kooxda Inter oo Palermo eey uga soo badisay 4-3. Inter oo daciiftay waxaa qarka u saaran in la buriyo macalinkooda cusub waa Mr.Gian Piero Gasperini.
Isla Guruubkaan (B) waxaa wada ciyaaray oo 2-2 ku kala baxay kooxda Lille oo heeysata horyaalka France iyo kooxda ZSKA Moscow oo ka socotay horyaalka Russia.
Guruubka (C) waxaa lagu guuray oo faro cidiyo leh iyo Nasiib ku baxsatay kooxda Manchester Utd oo ku ciyaareeysay Garoonka caanka ah ee Estadio do Sport Lisboa e Benfica. Man Utd oo Maaliyad ama Funaanad cusub oo Buluug ah garoonka la soo dhashay wexeey 1-1 isla dhaafi waayeen kooxda Benfica ee horyaalka Portugal.
Benfica oo goolka ku hormartay waxaa u saxiixay Oscar Cardozo (daqiiqadii 24-aad) halka Shayaadiinta cas cas Man Utd uu goolka Bareejada ah u dhaliyey Xiddiga ugu da´da weeyn koobka The Uefa Champions League 2011/2012 waa Ryan Giggs oo jira 37-sano iyo 289-maalmood. Ryan Giggs oo goolka dhaliyey daqiiqadii 42-aad waxa uu goolkaan u noqonayaa Taariikh ahaan kiisii 27-aad ee uu ka dhaliyo Championka.
Guruubkaan (C) waxaa sidoo kale wada Ciyaaray Fc Basel oo heeysata horyaalka Swetzerland iyo Club Otelul Galati oo iyana soo qaaday horyaalka dalka Romania. Kulankaan waxaa 2-1 ku badisay kooxda Fc Basel.
Guruubka (D) waxaa marti ku eheed goroonka Stadium Maksimir ee magaalada Zagreb kooxda Real Madrid oo garoonka la soo gashay Maaliyad ama Funaanad cusub oo midabkeedu gaduud ahaa. Real Madrid oo eey ka maqnaayeen xiddiga reer Brazil Laacib Recardo Kaka iyo Sami Khedira oo Qaranka Germany u safta wexeey 0-1 guri kale ah dhibcihii kaga soo tirsadeen kooxda Dinamo Zagreb oo ka dhisan Caasimada dalka Croatia ee Zagreb. Goolka Real Madrid waxaa u saxiixay Xiddiga qaranka Argentina Angel Di Maria (daqiiqadii 53-aad) Halkaan ka daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=CxcZXDzP9nU
Kulankii kale ee guruubkaan (D) waxaa bareejo 0-0 ah isla dhaafi waayey kooxaha Ajax Amsterdam iyo Olympique Lyon.