|
277 Maalmood ka dib kooxda Fc Bayern Munchen oo ka Aarsatay Inter Milan iyo kooxaha Talyaaniga oo dhamaantood Dhibcaha Guryahooda looga tirsaday * Champions League 2010/2011 oo eey u badan tahay inuu Sanadkaan u gacan galo kooxaha ka dhisan dalka England ,Fc Barcelona ama Real Madrid oo midkood Final la imaan doona koox ka Socota Ingiriiska ? (+Faalo Olympique Marseille Vs Manchester United oo isku Ruux baxay ! ) |
277 Maalmood ka dib kooxda Fc Bayern Munchen oo ka Aarsatay Inter Milan iyo kooxaha Talyaaniga oo dhamaantood Dhibcaha Guryahooda looga tirsaday (Faalo)
Kooxda kubada cagta ee Fc Bayern Munchen oo marti u eheed kooxdii Dhulka la simtay Fiinaalihii ugu dambeeyey ee The Uefa Champions League 2010 ayaa 277-Maalmood ka dib wexeey si wanaagsan uga aarsatay Kooxda Inter Milan. Labadaan kooxood oo xarash weeyn isku hayey ayaa ilaa daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta isku ruux baxay.
Kooxda Inter Milan ayaa waxaa ka maqnaa Weeraryahanka Qaranka Argentina Diego Alberto Milito oo ah Xiddigii kooxda Fc Bayern Munchen jooga ka riday kana dhaliyey 2-gool oo xiriir ah ciyaartii Fiinaalihii koobkii Champions League ee ugu dambeeyey oo ka dhacay Magaalada Madrid ee dalka Spain.
Goolka Agoonka ah ee kooxda Bayern Munchen uga aarsatay Inter Milan 277-Maalmood ka dib ayaa waxaa daqiiqadii 90-aad u saxiixay Xiddigihii ka yimid Magaalada Munchen ee dalka Germany Ciyaaryahanka Weerarka uga ciyaara Qaranka Jarmalka Mario Gomez oo eey iska dhaleen Aabe iyo Hooyo ka soo kala jeeda dalalka Spain & Germany.
Kooxda Inter Milan ayaa Asturi weeysay Ceebta qabsatay sanadkaan 2011 kooxaha ka socday dalka Talyaaniga ee kala ah Ac Milan oo Gurigeeda eey ku dubatay Tottenham iyo As Roma oo iyana Garoonkeeda Olimpico-Stadium hilfaha ugu qaaday kooxda heeysata Horyaalka dalka Ukrain ee S.Donezk.
Kooxda Inter Milan ayaa waxaa si weeyn uga maqnaa ama looga dareemayey Dhameystirka kubada taas oo kooxda Bayern Munchen u noqotay Fursad weeyn oo Aakhiritaankii keenay in Gool laga xareeyo sadexda dhibcoodna looga xayuubsado Garoonkeeda weeyn ee Meazza-Stadion oo eey soo xaadireen Taageeryaal kor u dhaafay 80.000 oo qof.
Kooxahaan isku ciil qabay ee kala aarsaday ayaa wexeey isku Qaabileen sidan :
Inter: Julio Cesar - Maicon, Lucio, Ranocchia (73./Kharja), Chivu - Zanetti, Cambiasso, Thiago Motta - Stankovic, Sneijder - Eto'o.
Bayern: Kraft - Lahm, Timoschtschuk, Badstuber, Pranjic (38./Breno) - Luiz Gustavo, Schweinsteiger - Robben, Müller, Ribery - Gomez.
Kulanka 2-aad ee ee dhex mari doono labadaan kooxood ayaa lagu wadaa in uu 15-ka bisha Maarso ka dhaco Garoonka weeyn ee kooxda Bayern Munchen oo lagu magacaabo Allianz Arena .
Dhanka kale kulan adag oo isna ka tirsan isla koobka The Uefa Champions League ayaa waxa uu dhex maray Kooxda heeysata Horyaalka dalka Faransiiska waa Olympique Marseille iyo Xiddigaha Shayaadiinta cas cas ee Manchester United. Ciyaartaan ayaa waxaa lagu kala baxay 0-0 waxeeyna labada kooxood ku balan sanyihiin is araga 2-aad 15-ka bisha Maarso garoonka weeyn ee kooxda ManU waa Old Trafford.
Koobka Champions League ayaa waxaa sanadkaan Cusub ee 2011 si weeyn loogu saadaalinayaa inuu ka degi doono ama eey qaadi doonto koox ka socoto dalka England maadaama kooxihii ko socday Ingiriiska dhamaan Cel celis yihiin marka laga reebo Man Utd oo guri kale Bareejo ku soo gashay halka Arsenal eey Seefta qaad siisay Fc Barcelona (2-1) kooxda Tottenham ayaa iyana Milan Gurigeeda dharka uga soo dhigtay oo uga soo badisay (0-1) waxaana ugu dambeeyey kulankii shalay kooxda Fc Chelsea 2-0 ku soo suul daartay Naadiga Fc Kopenhagen oo ka dhisan dalka Denmark.
Fursadihii ugu wanaagsanaa ee kooxaha Marseille & ManU heleen ayaa waxaa kooxahooda ka qasaariyey Weeraryahanka Qaranka Bulgaria Dimitar Berbatow, Xiddiga Qaranka Ghana Andre Ayew & Laacibka Brazil Brandao oo Laf dhuun gashay ku noqday Goolhayaha Man Utd Edwin van der Sar iyo weliba Difaaca Koolada ah ee ManU Nemanja Vidic.
Kooxaha Olympique Marseille Vs Manchester United ayaa wexeey isku qaabileen sidan : >>
Marseille: Mandanda - Mbia, Fanni, Diawara, Heinze - Cisse (70./Cheyrou), Kabore - Remy (79./Valbuena), Lucho Gonzalez, Andre Ayew - Brandao.
Manchester United: Van der Sar - O'Shea, Smalling, Vidic, Evra - Carrick - Gibson (73./Scholes), Fletcher - Nani, Berbatow, Rooney.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com