+Faaqidaadada Uefa Champions league : Nicolas Anelka oo FC Kopenhagen ku raaxeeystay,Calaktikos Real Madrid oo sanadkaan reebi doonto Lyon iyo faalo Hordhac ah Kulamada Caawa Olympique Marseille Vs Man Utd & Inter Milan Vs Fc Bayern Munchen (Halkaan ka Daawo )
The UEFA Champions League News : Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa waxaa lagu wadaa ineey markii ugu horeeysay tan iyo 2004-tii u soo baxdo wareega sideeda kooxood ee Koobka Uefa Champions League. Kooxda Real Madrid ayaa bareejo 1-1 ah wexeey guri kale kula soo gashay kooxda eey sida weeyn uga cabsato ee Olympique Lyon .
Saxaafada Sportiga ee Caalamka ayaa ugu yeerto kooxda Lyon (Real-Killer) wexeeyna ula jeedaan kulamadii ugu dambeeyey ee labadaan kooxood isku arkaan ayaa waxaa la qararamsan jiray kooxda Real Madrid oo xiliyadaan dambe wax koob ah aan dhadhamin inkastoo Sanadkaan eey u soo carfayaan koobab badan sida Koobka dalka Spain oo eey Fiinaalaha isla taagan yihiin kooxda eey ifka iskugu neceb yihiin waa Fc Barcelona iyo Horyaalka La Liga oo eey sidoo kale Tafaha kula dhegan tahay kooxda Fc Barcelona.
Kooxda Real Madrid oo Sanadkaan uu Hogaamiye u yahay Rugcadaaga weeyn ee ku soo guuleeystay Koobkii ugu dambeeyey ee Champions League Mr Jose Morinho ayaa waxaa lagu wadaa wajiga 2-aad ee is araga labadaan kooxood in uu noqdo mid aad u adag maadaama eey kooxda Real Madrid ku ciyaari doonto Garoonkooda weeyn ee Santiago Bernabeu.
Kooxda Calaktikos Real Madrid oo Goolka ku hormartay ayaa waxaa u saxiixay Ex-Lyon Player Karim Benzema oo paasas aad u qurxoon ka helay C.Ronaldo iyo Mesut Ozil daqiiqadii 65-aad : Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=a4x6eryZ_0Q.
Goolka Bareejada ee kooxda Lyon ayaa waxaa daqiiqadii 83-aad u saxiixay Xiddiga cusub ee loogu yeero Emmanuel Adebayor-ka Cusub waa Ciyaaryahan Gomis.
Kooxaha Olympique Lyon Vs Calaktikos Real Madrid ayaa wexeey isku qaabileen sidan :
Lyon: Lloris - Reveillere, Cris, Lovren, Cissokho - Toulalan - Bastos (69./Briand), Gourcuff, Källström (77./Pjanic), Cesar Delgado (69./Pied) - Gomis.
Real: Casillas - Sergio Ramos, Pepe, Carvalho, Arbeloa - Di Maria, Xabi Alonso, Khedira (68./Diarra) - Özil (75./Marcelo), Cristiano Ronaldo - Adebayor (64./Benzema)
Labadaan kooxood ayaa wajiga labaad ee ka dhacaya magaalada Madrid ee dalka Spain wexeey fooda is dari doonaan haduu alle Idmo 16-ka Maarso 2011.
Kooxda Kubada cagta ee Fc Chelsea ayaa wexeey noqotay mida ugu rajada wanaagsan dhanka soo bixitaankeeda Koobka Champions League ka dib markii eey kooxda FC Kopenhagen oo ka socotay dalka Denmark 2-0 guri kale ugu soo dhiibeen. Halyeeygii Garoonka ayaa waxaa noqday Laacib Nicolas Anelka oo kooxda Fc Chelsea labada goolba u wada saxiixay. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=uy8_lfevSCM.
Ciyaartooyda Labadaan kooxood ayaa sidaan isku arkay :
Kopenhagen: Wiland - Pospech, Zanka, Antonsson, Wendt (75./Bengtsson) - Bolanos, Kvist, Claudemir, Grönkjär (87./Zohore) - Santin (46./Vingaard), N'Doye.
Chelsea: Cech - Bosingwa, Ivanovic, Terry, Cole - Ramires, Essien, Lampard, Malouda (85./Schirkow) - Anelka (73./Drogba), Torres (92./Kalou)
Labadaan kooxood ayaa kulanka 2-aad ee ka dhici doona magaalada London haduu alle raali ka noqdo wexeey is arki doonaan 16--ka Bisha Maarso 2011.
War Bixin Hordhac kulamada Caawa : Kulanka adag ee dhex mari doona kooxaha waa weeyn ee Inter Milan Vs Fc Bayern Munchen ayaa waxa uu noqday midka ugu hadal heeynta badan dhanka saxaafada Sportiga ee caalamka. Qabiirada Sport ayaa qaarkood wexeey qabaan in kooxda Inter eeysan u adkeen sidii hore oo Champions League kii ugu dambeeyey ee 2010/11 oo xiligaas kooxda Bayern Munchen ciyaartii Fiinaalaha ee ka dhacday Magaalada Madrid 2-0 looga badiyey.
Kooxda Bayern Munchen ayaa lagu wadaa ineey caawa u wada saftaan Laacibiinta kala ah Arjen Robben iyo Franky Ribery oo marka eey isla wada ciyaaraan ama garoonka isla mar la soo galiyo eey inta badan kooxda Bayern Munchen badiso. Ribery ayaa kooxda Bayern ka maqnaa Fiinaalihii hore wuxuuna xiligaas ku maqnaa Ganaax ka dib markii uu jilaafay Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Lyon Lisandro Lopez.
Kooxda Bayern Munchen ayaa lagu wadaa caawa inuu si toos ah uga maqnaado Weeraryahanka Qaranka Croatia Ivica Olic halka kooxda Inter Milan uu ka maqnaan doono Xiddigii Fiinaalihii Champion League 2-da gool ka xareeyey kooxda Fc Bayern Diego Alberto Milito.
Dhanka Kooxda Manchester Utd ayaa waxaa guri kale Gambar gaaban ugu fadhiso kooxda heeysata Horyaalka dalka Faransiiska ee uu hogaaminaayo Rugcadaagii weeynaa ee Qaranka France iyo kooxda Juventus Coach Didier Deschamps waa Olympique Marseille.
Olympique Marseille ayaa Koobka The Uefa Champions League waxaa ugu dambeeysay sanadkii 1993-dii , dhanka kooxda Man Utd ayaa lagu wadaa ineey dhaawac uga maqnaadaan Laacibiinta kala ah Ryan Giggs , Rio Ferdinand, Anderson, Michael Owen, Jonny Evans, Ji Sung Park iyo Antonio Valencia.
Macalinka kooxda United Alex Ferguson ayaa caawa Idaacadaha u sheegay in Ciyaarta eey aad u adkaan doonto maadaama kooxda Marseille gurigeeda aad ugu adag tahay.
Filo Goor dhaw Warar Sport oo Top News ah iyo Barnaamishkii Taxanaha ahaa ee La Yaab Sport
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com