2004-tii ka dib kooxda Real Madrid oo markii ugu horeeysay isa soo taagtay Wareega 8-kooxood ee The Uefa Champions league iyo kooxda Fc Chelsea oo tan iyo Sanadkii 2000 markii 7-aad taagan Wareega 8-kooxood ee ugu dambeeysa Koobka Horyaalada Yurub . Maxaad kala socotaa xiliga la isku aadin doono kooxaha isku soo haray iyo goorta la ciyaari doono kulamada dambe? (Halkaan ka Daawo kulamadii dhacay)
Koobka ugu xiisaha badan Caalamka marka laga soo tago koobka Addunka iyo kan Qaramada Yurub The Uefa Champions League ayaa la ciyaaray wajigiisii ugu dambeeyey ee is araga 16-ka kooxood. Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa markeedii ugu horeeysay soo caga dhigatay 8-da kooxood ee ugu dambeeysa koobka horyaalada Yurub .
Real Madrid oo mar kasta ku hari jirtay 16-ka kooxood ayaa mar eey soo gaarto meesha eey hada taagan tahay ee 8-da waxaa ugu dambeeysay sanadkii 2004-tii.
Kooxda Calaktikos Real Madrid ayaa 3-0 wexeey faraqa u gelisay kooxda Olympique Lyon oo mudooyinkii dambe Riyada Real Madrid daaqada kala bixi jirtay .
Goolasha Real Madrid ku badisay waxaa u saxiixay xiddiga Brazil Marcelo Vieira da Silva Daqiiqadii 37-aad waxaana u labeeyey Lyon Xiddigoodii hore Karim Benzema Daqiiqadii 66-aad waxaana goolka 3-aad sheekada ku soo xiray Laacibka Argentina Angel di Maria Daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta qeeybteeda 2-aad ka dib markii uu Mesut Ozil ka helay Paas aad u qurux badan oo Madax ah . Halkaan ka Daawo Goolasha iyo Jawigii Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=J5subvaEHSg&feature=player_embedded .
Goolhayaha Qaranka France iyo kooxda Lyon Hugo Lloris ayaa ciyaarta ka dib waxa uu Skysport u sheegay in uu la yaabay Ciyaartooyda kooxda Real madrid maadaama mashquul uusan waligiis arag ka dhigeen wuxuuna ula jeeday kubada oo dhankiisa imaaneeysay daqiiqad kasta. Waxaa sidoo kale Skysport u sheegay ineey Guushaas u qalmeen Laacibiinta Real Madrid Tababaraha kooxda Lyon Claude Puel oo sheegay inuu ka quustay rajada ciyaarta markii uu goolka 2-aad ka xareeyey Xiddigoodii hore Karim Benzema.
Tan iyo markii uu u yimid kooxda Real Madrid Macalin Jose Morinho ayaa waxaa la la´yahay koox Dhibco kala hoyata garoonka weeyn ee Bernabeu-Stadium oo eey kor ka maamusha Calaktikos Real Madrid. Ciyaartii Real Madrid Vs Lyon ayaa waxaa Garoonka Bernabeu-Stadium soo xaadiray Taageerayaal kor u dhaafay 70.000 oo qof.
Kooxaha Real Madrid Vs Lyon ayaa wexeey isku qaabileen qaabkaan :
Real Madrid: Casillas - Sergio Ramos, Pepe, Carvalho, Marcelo - Xabi Alonso, Khedira - Di Maria (78./Granero), Özil, Cristiano Ronaldo (74./Adebayor) - Benzema (84./Diarra).
Olympique Lyon: Lloris - Reveillere, Cris, Lovren, Cissokho - Gourcuff (69./Pied), Toulalan, Källström - Briand (46./Gomis), Cesar Delgado (80./Pjanic) - Lisandro Lopez.
Waxaa Jaalle af galis looga dhigay ciyaartooyda kala ah : Carvalho iyo Pepe oo Real ah , Cissokho iyo Gourcuff oo Lyon ah.
*** Dhanka Ciyaartii ka dhacday garoonka Buluuga ah ee Stamford Bridge oo eey maamusha kooxda Fc Chelsea ayaa waxaa lagu kala baxay 0-0.
Fc Chelsea ayaa is aragii hore oo ka dhacay garoonka kooxda FC Kopenhagen ee dalka Denmark wexeey ku soo badisay 2-0 wexeeyna ka dhigeeysay markii 7-aad oo kooxda Fc Chelsea u soo gudubto dhanka 8-kooxood ee koobka Horyaalada Yurub tan iyo sanadkii 2000-ka.
Kooxaha Fc Chelsea Vs Fc Kopenhagen ayaa wexeey isku qaabileen sidan :
Chelsea: Cech - Bosingwa, Ivanovic, Terry, Cole - Ramires, Mikel (84./Essien), Lampard, Schirkow (75./Malouda) - Anelka (68./Torres), Drogba.
Kopenhagen: Wiland - Wendt, Zanka, Antonsson, Bengtsson (61./Zohore) - Bolanos (90./Kristensen), Claudemir, Kvist, Vingaard (74./Santin) - N'Doye, Grönkjär.
Waxaa Jaalle lagu Aamusiyey Ciyaartooyda kala ah Didier Drogba Fc Chelsea iyo Bolanos, Claudemir oo ka socday Fc Kopenhagen.
Waxaa ilaa iyo hada isku soo haray Koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League Kooxaha kala ah Fc Barcelona & Real Madrid oo Qoomiyada Spain ka socda, Fc Chelsea, Man Utd iyo Tottenham oo Cariga England ka yimid, Fc Schalke oo Germany ma taleeysa, Inter oo ah kooxda Bad baadisay Magaca kubada cagta ee Talyaaniga iyo kooxda Schachtjor Donezk oo ka socota dalka Ukrain.
Isku aadka 8-da kooxood ee isku soo hartay ayaa waxaa qoorta la isku gelin doonaa beri oo Jimce ah waxaana la kala ciyaari doonaa marka la isku aadiyo 5 & 6 Bisha Abril ee soo socota iyo 12/13 isla bisha Abril oo fooda inagu soo heeysa .
Filo goor Dhaw warar Top Sport News ah iyo Barnaamishka La Yaab oo maanta xambaarsan Xiiso gooni ah .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com