Faalo : Isku Aadkii The Uefa Champions League oo la sameeyey iyo Kooxaha Qaar oo Cabsi iyo Farxad isku dhex wada,,Tababarayaasha oo Durbadiiba Hanjabaad hawada isku mariyey. (Halkaan ka daawo kulamadii ugu dambeeyey ee Kooxaha isku soo aaday Dhibcaha ku kala tirsadeen)
Isku aadka koobka The Uefa Champions League 2010/11 oo la sameeyey ayaa waxaa durba Cabsi iyo shaki kala qaaday qaar ka mid ah kooxaha isku dhacay oo inta badan horay isku soo arkay.
Isku aadkaan oo eey iskugu soo hareen 16-kooxood oo kaliyah ayaa waxa eey kooxaha iskugu dhaceen sidan: >> Fc Barcelona Vs Fc Arsenal, Real Madrid Vs Lyon, Ac Milan Vs Tottenham, Inter Milan Vs Bayern München, Fc Chelsea Vs Fc Kopenhagen, Man Utd Vs Marseille, Valencia Vs Schalke, iyo As Roma vs Shakhtar Donetsk.
Kooxahaan ayaa qaar waxa eey ka cabsanayaan in laga aarguto maadaama eey horay wax u soo silciyeen waxaana kooxaas ka mid ah Barcelona oo shaki ka qabta kulanka Arsenal, Lyon oo isku dhiibtay Real Madrid, Bayern München oo Inter xarash weeyn u heeyso iyo Man Utd oo aan jecleeyn ineey aado kooxaha dalka Faransiiska.
Tv-ga Skysport oo wareeysiyo kala duwan la yeeshy Madaxda iyo Macalimiinta kooxaha isku dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladii la is dhaafsaday sidan hoos ku qoran:
Macalinka kooxda Fc Barcelona pep Guardiola waxa uu yiri : >>> Arsenal ayaa nagu soo aaday mana ahan inan faraxno,ninkii u farxo ama yareesto wacdaraha Cesc Fabrigas, Samir Nasri, Marwan Chamach iyo Theo James Walcott waxa uu la mid yahay sidii Ri´ is nuugtay ! Halkaan ka Daawo kulankii ugu dambeeyey ee Barcelon Vs Arsenal >> http://www.youtube.com/watch?v=DE8Xy0LD2os.
Boss-ka kooxda Bayern Mmünchen Karl-Heinz Rummenigge iyo Tababaraha kooxdaas Luis VanGaal ayaa ku hanjabay ineey ka aarsan doonaan kooxda Inter oo eey ku sheegeen ineey Tacbaan noqotay xiligii eey ciyaartii ugu dambeeysay ee Fiinalaha Uefa champions League 2009/2010 ka qaadayna eey eheed nasiib iyo Taaktiko uu u dhigay Tabaarihii hore ee kooxda Inter Mr Jose Morinho. Halkaan ka Daawo Kulankii dhacay xiligaas iyo qaabkii uu ku dhamaaday >>http://www.youtube.com/watch?v=qB2On4YhLts&feature=related.
Boss-ka kooxda Oly.Lyon ninka lagu magacaabo Jean-Michel Aulas ayaa Canal Plus waxa uu u sheegay in Real Madrid sanadkaan tahay koox laga dhuunto maadama eey wataan Jose Morinho oo Halaag ah iyo Laacibiin aad u fara badan oo eeysan wadan jirin xiliyadii ugu dambeeyey ee dhibcaha ka xayuubsan jireen ama ka reebi jireen The Uefa Champions League. Halkaan ka Daawo kulamadii ugu dambeeyey ee Lyon Real Madrid Daaqada ka saari jirtay:>> http://www.youtube.com/watch?v=QdxHJFE66DI.
Macalinka Kooxda Fc SChalke Felix Magath iyo Xiddigiisa uu kala soo wareegay xili ciyaareedkaan kooxda AC Milan una ciyaara Qaranka Holland Klaas Jaan Hunterlaar ayaa waxa eey si wada jir ah Tv-ga ZDF ugu sheegeen in Valencia eey reebi doonaan uuna Goolasha ku badsan doono Raul Gonzalez oo Tartan xaga Gooldhalinta Rekoorka Champions League ah uu kala Dhexeeyo Xiddiga Ac Milan Pipo Inzaghi oo hada Dhaawac weeyn ku maqan.
Xiddiga eey ku dhaarato kooxda Shakhtar Donetsk ee dalka Ukrain Dario Srna ayaa sheegay in kooxda As Roma eeysan ka awood badneeyn Arsenal oo halkaan dhibco ka qaadi weeysay wuxuuna Roma oo eey isku soo aadeen hawada u soo mariyey in eey isku diyaariyaan Qaboow daran oo ka jiro garoonkooda weliba eey isbuuc walba ku dul ciyaaraan Baraf aad u badan oo eey nolashiisa la qabsadeen. Dario srna oo u ciyaara Qaranka Kroatia ayaa waxaa si weeyn u dooneeyso Kooxda Fc Chelsea ee Horyaalka England
FILO GOOW DHAW WARAR SPORT OO TOP NEWS AH IYO MUUQAALO KALA DUWAN.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com