Man City oo Seedaha la jaray iyo Qabiir Alan Shearer oo Skysport ka Yaabsaday !! " Arsenal been been ayeey ku Fakatay laakiin Balantu wexeey eheed in la marsiiyo halkii ay mareen Fc Chelsea , Man Utd iyo Man City,, (Alan Shearer Qabiir aan caadi aheeyn oo loo daayey Saadaasha Premier League)
" Taageerayaasha kooxda Manchester City kuwooda aan aadin dhanka Garoonka Sunderland ee ku sugan gudaha dalka Ingiriiska wexeey Ciyaarta inta aysan bilaaban sii iibsadeen Daangada baakadeeysan ee laga cuno dalka Ingiriiska wexeeyna Niyada ku dhisanayeen ineey 3-Dhibcood oo Nadiif ah ay ka hor mari doonaan Cadawgooda Man Utd ama ugu yaraan Bareejo ay kaga soo laaban doonaan Garoonka Sunderland,,
Taasi ma dhicin oo hamigaas meel qar ah ayuu ka dhacay ka dib markii Man City Dharka looga soo dhigay 1-0,, Waxaa hadaladaas iyo kuwo ka sii badanba qoray Saxaafada dalka Ingiriiska.
Kooxda Manchester City oo ka faaideeysan weeysay Fursadihii soo maray ayaa waxaa Goolkii Guusha kaga naxsaday Xiddiga Qaranka South Korea Ji Dong-won oo Goolka dhaliyey Daqiiqadii 93-aad ee dhamaadkii Ciyaarta (Xiliga loo yaqaan kala guurka).
Manchester City waxaa Fursad qaali ah ka qasaariyey Laacib Richards oo Daqiiqadii 88-aad Birta Goosha Sunderland Kubada ku dhuftay .Kooxda Man City oo iska qasaarisay Fursad ay kaga hor mari kartay Man Utd ayaa hada wexeey leedahay 45-Dhibcood wexeeyna isku dhibco yihiin The Red Devils ManU. Kulankii kale ee harsanaa kooxda West Bromwich waxaa Gurigeeda 0-1 kaga soo badisay kooxda Fc Everton oo ka dhisan magaalada Liverpool.
*** Dhanka kale Qabiirkii hore ee Qaranka England iyo kooxda Newcastle Utd Alan Shearer ayaa waxa uu ka yaabsaday Tv-ga caanka ah ee Skysport gaar ahaan qeeybtiisa dalka Ingiriiska.
Alan Shearer oo ka qeeyb qaatay Barnaamish dood Sport ah waxa uu kulamadii dhacay ka hor sheegay in la garaaci doono kooxaha waa weeyn ee kala ah Man Utd, Fc Chelsea,Man City iyo Fc Arsenal.
Saadaashaan oo dadka intiisa badan horay ugu Qosleen ayaa wexeey gadaal ka noqotay mid sax ah marka laga reebo Fc Arsenal oo badisay. Alan Shearer ayaa sheegay Guuladarada ku habsatay kooxaha waa weeyn ee Horyaalka Premier League ineey ugu wacan tahay Laacibiinta oo ku mashquulsan Familkooda weliba Maskaxda ku haya u dabaaldegida Sanadka cusub iyo Xiddigahaan oo Fasax loo diiday halka Xiddigaha ka Ciyaara Horyaalada Spain,Talyaaniga, France,Germany iyo Holland dhamaantood loo wada diray Fasax gaaban oo dhoor Isbuuc ah.
Alan Shearer mar la weeydiiyey inuu ka been sheegay kulankii Fc Arsenal oo aan laga badin waxa uu yiri isaga oo qoslaya sidan " Arsenal been been iyo Nasiib ayeey ku badisay 1-0 Ciyaar ku dhamaatay waxaa muhiim ah qof kaste inuu cabirto xaaladeeda,,
Alan Shearer waa Weeraryahan qatar ah oo soo maray Qaranka Ingiriiska iyo kooxaha kala ah Southampton,Blackburn Rovers iyo Newcastle Utd wuxuuna ilaa iminka heeystaa Taariikhda dhanka Gooldhalinta Horyaalka Ingiriiska oo uu Iskoor ku heeysto 260-Gool.