Macalin Roberto Mancini oo Fashiliyey Sir ka dhaxeeysay isaga iyo Ciyaartooyda Manchester City,* Faankii iyo Baalaxooftadii Man City oo la iskaga daba yimid,* Man Utd oo Maalmaha soo socda la wareegi doonta Hogaanka Horyaalka Ingiriiska,* + Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News !!
*** Kooxda Manchester City waxaa ka dhex taagan isku dhex yaac cusub oo ugu dambeeyntii sababay inuu Sir muhiim ah fashiliyo Macalinka Man City Mr.Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga .
Macalin Mancini wuxuu sheegay inuu Laacibiintiisa kula taliyey ineey horay uun eegaan balse ay iska dhaafaan ku mashquulida cida gadaal ka soo bursaneeyso (Man Utd?). Macalin Roberto Mancini waxa uu aaminsan yahay qaldka jira inuu ka yimid Laacibiinta Man City oo noqotay waxa loo yaqaan (Nervos) wuxuuna sheegay Ciyaartooy Nervos ah ineeysan horyaal qaadi doonin.
Ex-Inter Milan Coach Mr.Roberto Mancini oo hada Darawal ka ah kooxda Man City wuxuu Carabka ku dhuftay oo yiri sidan >> (Ich bin enttäuscht. Zweimal innerhalb von 48 Stunden zu spielen, macht einen Unterschied", betonte der Italiener. ?Zwei Tage sind in diesem Moment nicht korrekt."<<.
" Waan ka xumahay qaabka ay u Ciyaarayaan Xiddigaha Man City, mana ka fileen awood dari nuucaan ah, waana la yaabay sida ay u sii xumaanayaan 48-daqiiqo oo kasta, sida ay wax u dhacayaan ma ahan wax sax ah,,
Hadaladaas Calaacalka ah iyo kuwo ka sii badanba waxaa Afkiisa laga hayaa Macalin Mancini balse Qabiirada Sportiga ku hor maray wexeey qabaan inuu Macalin Mancini hadaladaas ku qancinayey Maamulka Maalqabeenada Man City isaga oo eeda dhamaanteed dusha ka saaray Laacibiinta Man City oo uu ku edeeyey ineey Masuul ka yihiin soo laba kacleynta kooxda Shayaadiinta Cas Cas (ManU).
***Mudo 3 cisho ah Dabaaldeg balaaran ayaa waxa uu ka socdaa dhamaan goobaha ku dhegan ama lagu caweeyo ee Garoonka Old Trafford oo ay ka taliyaan kooxda Shayaadiinta Cas Cas (Manchester United). Waa maxay sababta?, Rugcadaaga United Sir Alex Ferguson ayaa Taageerayaal Jalbeeysan oo laga ag dhaqaajin waayey banaanka Garoonka Old Trafford wuxuu u kala diray Guryahadooda wuxuuna ku yiri sidan >> (Wir kommen immer besser in Form. Wenn wir zu Neujahr vorne sind oder gleichauf, bin ich zufrieden", erklärte United-Trainer Alex Ferguson, ) <<
" Mar kasta waanu soo wanaag sanaaneeynaa,Sanadka cusub hadaanu Hogaanka la wareegno ama Dhibcaha isku mid noqonay waa inoo Farxad iyo raali ahaansho ayuu yiri Rugcadaagan ku ag Duqoobay Man Utd,,
Arinta ugu yaabka badan ee laga soo daayey Skysport wexeey noqotay Taageerayaashii Jalbeeysanaa oo ku qancay hadalka Sir Alex Ferguson ka dibna u kala dareeray Guryahooda iyaga oo Sacbinaya weliba aad moodid ineey ku raaxeeysteen Hadalda uu Sir Alex Ferguson qabadsiiyey.
Skysport wuxuu yiri Naceeybka ay isku qabaan Kooxaha ManU iyo Man City ma ahan wax Sport ahaan halkaan lagu soo koobi karo wuxuuna soo bandhigay Boorar ay Taageerayaasha Man Utd soo qorteen kuwaas oo ku soo xusay sidan " Man City oo Horyaalka qaada waxaa dhaanta Wigan oo loo Caleemo saaro Premier League 2011/2012,, (Yaab xaqiraad badanaa 1!).
Bahda Xiriiriye.com wexeey qabaan biloowga Sanadka cusub ineey kooxda Shayaadiinta Cas Cas la wareegi doonaan hogaanka Horyaalka Premier League. Waa maxay Sababta?, Kooxda Man Utd kulamada ugu soo horeeya wexeey fooda is dari doonaan Blackburn oo Naf la caari noqotay iyo Newcastle oo ay ka taalo.
Xiddigaha Man City 1-da Janaayo wexeey aadi doonaan Sunderland waxaana 2 cisho ka dib Garoonkooda Etihad Stadium ugu imaan doonto The Reds Fc Liverpool. Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League wuxuu yeeshay xiiso gooni ah maxaa yeelay lama saadaalin karo cida la hoyan doonto waxaana dhamaaday hamigii hore ee ahaa Man City oo xili ciyaareedkaan looga dambeeyn doono.
***Premier League: Kulamadii ugu dambeeyey ee Harsanaa labo ka mid ah Bareejo ayaa lagu kala baxay waxaana ka mid ah kulamadaas Fc Arsenal 1 Wolverhampton 1, Swansea 1 Queens Park Rangers 1. Kooxda Tottenham iyo Macalin Harry Redknapp oo kacsan wexeey guri kale 0-2 ku soo Qararamsadeen Naadiga Norwich.
*** Wararkii ugu dambeeyey ee Xarunta Xiriiriye.com qeeybta Amsterdam Holland soo gaaray wexeey sheegayaan sidan : Xiriirka Kubada cagta ee dalka Holland KNVB ayaa Go´aan buuxa wexeey ka gaareen Ciyaartii buuqa badan dhalisay ee dhex martay kooxaha Ajax Amsterdam Vs Az Alkmaar (Koobka Holland).
Ciyaartaan oo dhacday 21 kii bishaan aanu ku jirno ee Dezembar ayaa xili ay mareeysay 1-0 oo ay ku hogaamineeysay kooxda Ajax waxaa Garoonka ku soo dhex fakaday Daqiiqadii 35-aad oo qanaday Ciyaartii Taageere Ciyaal suuq ah oo horay Garoonka looga mabnuucay (Ajax Hooligan).
Xiriirka Niederland KNVB wexeey hada go´aamiyeen in dib la iskugu celiyo kooxaha Ajax Amsterdam Vs Az Alkmaar Taariikhdu markeey tahay 19-ka bisha Janaayo Sanadka 2012-ka. Holland KNVB wexeey sidoo kale kale ganaax faraqa u galisay kooxda Ajax oo lagu ganaaxay Taageere la´aan ineey kulankaan ku dheeli doonaan (Garoon faaruuq ah) iyo Lacag lagu sheegay 10.000 oo Euro.
Xiriirka Niederland KNVB wexeey dib ula laabteen Roosadii la siiyey Goolhayaha kooxda Alkmaar & Qaranka Coasta Rica Esteban Alvarado ka dib markii uu Dhulka ku garaacay Haraantina la dhacay Ciyaal suuqii Garoonka ku soo dhex fakaday kaas oo uu kaga shakiyey ineey Midi u qarsooneed . Halkaan ka Daawo Dhibka dhacay >>> http://www.youtube.com/watch?v=EKsfF9QM4Ps .
Ciyaalsuuqaan oo mudo 3 sano ah ka hor laga mabnuucay inuu soo galo Garoonka kooxda Ajax Amsterdam ayaa waxa uu suu biiyey Kaarto yaab badan ka dib markii uu iska soo dhigay Cuuryaan ku socda Gawaarida jiisaska kaas oo u sahashay inuu Waardiyaasha Garoonka ku dhaafo si sahlan.
Wiilkaan oo 19 jir ah hada Xabsiga ayuu ku jiraa waxaana loo jaray ganaax 30 sano ah inuusan Never soo xaadiri karin Garoonka kooxda Ajax Amsterdam oo uu u soo jiiday inkaar iyo Ganaax aysan weligood arag.(Garoon maran iyo kulankii oo isku celis noqday+Ganaax Lacag & Buuq fara badan) !