Maalqabeenka Man City Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan " Wexeey rabaan Darbiyada ha ku buufiyeen, Laacibiinta hada joogto kuwo ka sii badan ayaan soo wadaa, Wax yaabaha ceeynkaas ah Sportiga uma Joojiyo,, ,* Taageerayaasha Man Utd oo markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay is ceebeeyey,* Maxaad kala socotaa ceebta eey dhigeen ka dib Kulankii Man Utd Vs Man City 1-6 ? (Skysport oo soo bandhigay Qiso aan caadi aheeyn iyo Maalqabeenka Man City oo shaaciyey 10-ka Laacib ee uu soo xero gelin doono)
Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska waxaa ka taagan Qiso nuuceeda lagu sheegay Car & Wir balse bahda Ciyaaraha kubada cagta eey u fasirteen arin aad u xiiso badan oo mar hore loo baahnaa ineey timaado. Kooxda The Red Devils Man Utd wexeey in mudo ah madaxa kaga taagan Dariskeeda Man City xag dhaqaalo ahaan iyo xag awoodba.
Manchester United waa Naadi jecel mar kaste ineey ka taliyaan Maslaxa kubada cagta ee dalka Ingiriiska balse hada iska daa ineey Kubada England oo dhan ka Taliyaanee waxaa markii ugu horeeysay Biyo kulul ugu soo galeen Gurigii eey ku faani jireen ee magaalada Manchester gaar ahaan Garoonkii Taageerayaasha badnaa waa Old Trafford .
Jaraaidyada loogu jecel yahay dalka England ee kala ah SUN iyo Mirror Sports wexeey kulankii Man Utd Vs Man City (1-6) ka dib ciwaan uga dhigeen maqaaladii eey soo saareen sidan : (Sun " Man City in Old Trafford 1-6, Yaa is gaaray weli) Mirror ayaa isna Ciwaan uga dhigay maqaalkiisii xiisaha badnaa sidan " Midabka Red Devils oo Qatar ku jira iyo Midabka Cirka ah ee Man City oo soo caga dhigtay,,).
Taageerayaasha Shayaadiinta Cas Cas ManU oo lagu sheegay isir ahaan kuwo aad u neceb Guuldarada xad dhaafka ah ayaa wexeey sameeyeen kulankii Dhulka lagu jiiday ka dib Mucjiso aan horay looga baran wexeeyna ku Qamaameen kuna Ciil bexeen Maskiinka iska leh ama Maalgeliyey kooxda Man City waa Shaqsiga lagu magaaco Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan.
Gidaarada goobo Ganacsi oo aad u fara badan iyo Darbiyada Xafiisyo uu lahaa Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan wexeey Taageerayaasha Shayaadiinta Cas Cas ku buufiyeen Aflagaado iyo Caay aan nuuceeda horay looga baran. Sidaas kuma harin Wiilashii Careeysnaa ee Man Utd oo wexeey hadana u dhaqaanqeen dhanka Garoonka lagu magaaco The City of Manchester Stadium Etihad .
Goobahaas aanu soo sheegnay wexeey ku Buufiyeen Taageerayaasha Careeysan ee ManU Caay uu Skysport ku sheegay Jinsi faquuq waxaana ka mid ahaa qoraaladaan sidan : ( Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan Go home, Xayawaanada baahan ee Man City Abu Dhabi ula guur, Halkaan loogama baahna Calooshood u shaqeeysta-yaa IWM ) !! . Qaar ka mid ah Aflagaadadaan kuma soo ban dhigi karno Xiriiriye.com.
Skysport oo Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan wax ka weey diiyey sida uu u arko Aflagaada iyo ficilka xun oo eey kula keceen Taageerayaasha Man Utd wuxuu ku jawaabay Taajirkaan oo Happy iska dhigay balse hadal ku Bahdilay Taageerayaasha Shayaadiinta Cas Cas sidan :
Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan " Caay Darbi lagu buufiyo waxba uma aragno,Wax yaabaha ceeynkaas ah uma joojiyo Sportiga waxaana iga go´an oo Muhiimadeeyda eey tahay sidii aan kooxda ugu soo biirin lahaa xili Ciyaareedka soo socda Laacibiin fara badan oo kuwa hada jooga ka sii awood badan,,
Skysport oo ku qancay qaabka degan ee aan Xanaaqa laheeyn iyo hadalka Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa yiri wax ma nooga sheegi kartaa Laacibiinta Jadwalka kuugu jira ee aad is leedahay Man City ku soo biiri?
Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan " Dabcan haa , Lacag waan hayaa intii la doono laakiin kooxo waxaa jira ku dhegan Laacibiintooda oo aan rabin ineey iska iibiyaan Ciyaartooydooda balse 10-ka Xiddig ee aan jeclaan lahaa ineey Man City iska soo xaadiriyaan waa Cristiano Ronaldo, Wayne Rooney,Ricardo Kaka, David Villa, Philip Lahm, Mesut Özil, Andrea Iniesta, Thomas Müller, Rafael Van Der Vaart iyo Wesley Sneijder,,
Arinta ugu yaabka badan ee uu Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan Carabka ku dhuftay wexeey eheed markuu yiri kaliyah Cristiano Ronaldo hadii na loo ogolaado waxaan ogolahay in ka badan 180 Milyan oo Euro. (Yaaaab). Lacagtaas wexeey noqon doontaa Iskoor cusub iyo waali ka dhacday Maslaxa ciyaaraha kubada cagta balse kooxda Real Madrid oo aan Lacag baahi u qabin waxaa adag si eey Cristiano Ronaldo ku sii deeyso maxaa yeelay hadii eey Cristiano Ronaldo Mustaqbalka dhaw iska fasaxaan Lacag darteed waxaa dhici doonto maalin cad ineey Fc Barcelona Xasuuqdo Xiddigaha Real Madrid maadaama hubka eey hada iskaga dhiciyaan Barca iyo Leo Messi uu yahay Cristiano.Ronaldo.
Ugu dambeeyntii Hadalka Sarbeebta ah ee uu Maalqabeenka Manchester City ugu jawaabay Taageerayaasha Careeysan ee ManU ayaa waxa uu noqon doonaa AF CAAYTAMAY NINKIIS AYUU KU YAAL (Caay Darbiyo lagu qoro looma baahna ee wax qabad ayaa loo baahan yahay !!). >> Fiiro Gaar ah : Skysport waxa uu soo bandhigay Taajirka Man City inuu ka hadlaayo ama dhaqaalihiisa uu kor u dhaafay 5-Bilyan oo Lacagta Ingiriiska ah (Pfund) >> Yaa Dhintay Yaa Nool imisa koox ayuu iibsan karaa waa Yaabee?? <<
FILO GOOR DHAW QISO AMA DHACDO MUHIIM AH OO QABSATAY QOOYSKA REER BOATENG & JARMALKA OO CALAACAL BILAABAY !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha ee Dhalinyarada Soomaaliyeed) !!