Faalo England Premier League : Man City oo soo caga dhigatay, Mn Utd oo Hogaanka ku dhegtay, Dimitar Berbatov & Carlos Tevez oo Gooldhalinta isku dhegan iyo Natiijooyinkii kulamadii kale ee dhacay+11-ka Ciyaaryahan ee ugu horeeysa xaga Gooldhalinta.
Horyaalka England Premier League oo kulankiisii 17-aad la ciyaaray ayaa waxaa guulo muhiim ah gaaray kooxaha ka dhisan Magaalada Manchester ee kala ah United & City.
kooxda Man Utd ayaa 2-0 iskaga reebtay kooxda xiliyadaan dambe kacsan ee guriga Chelsea 0-3-da ku soo badisay waa Sunderland oo wadata Weeraryahanka sanadkaan Qatartiisa leh ee Darren Bent. Man Utd ayaa waxaa labada gool u wada dhaliyey Weeraryahanka Xulka Qaranka Bulgaria Dimitry Berbatov .
Kooxda kale ee iyna ka dhisan isla Magaalada Manchester ee lagu magacaabo Man City ayaa wax eey soo gar guurataba soo caga dhigatay afka hore ee kooxaha Tartanka ugu jira hanashada the England Premier League 2010/11 inkastoo eey safatay 19-kulan. Man City oo aan looga baran inta badan ineey ku soo badiso guryo kale ayaa Isbuucyadii ugu dambeeyey wexeey biloowday taktiko iyo guulo cusub oo xiriir ah. Man City ayaa kulankii maanta waxa eey 1-3 ku soo garaacday kooxda Newcastle Utd oo sanadkaan wadata labo weeraryahan oo qatar ah kuwaas oo lagu kala magacabo Andrew Carroll & Kevin Nolan.
Goolasha kooxda Man City ayaa waxaa u kala saxiixay Carlos Tevez iyo Barry oo boobsiiyey kooxda Newcastle Utd maadaama 5-tii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeysay uga naxsadeen 2-gool oo xiriir ah waxaana dhamaadkii ciyaarta goolka 3-aad Man City u dhaliyey oo Newcastle Utd cirib tiray Carlos Tevez halka goolka Newcastle Utd uu saxiixay Andrew Carroll .
Kooxda Tottenham wexeey guri kale ku soo garaacday 1-2 kooxda Aston Villa waxaana labada gool u wada dhaliyey Xiddiga Qaranka Holland Rafael Van Der Vaart halka uu rooso ka qaatay Defoe, goolka Aston Villa waxaa u saxiixay Albrighton. Kulamadii kale ee horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu kala baxay sidaan marka laga reebo labo kulan oo uu Baraf
& Jawiga Banaday :
| 26.12. |
13:00 |
FC Fulham |
1:3 |
West Ham United |
| 26.12. |
16:00 |
Wolverhampton |
1:2 |
Wigan Athletic |
| 26.12. |
16:00 |
Newcastle United |
1:3 |
Manchester City |
| 26.12. |
16:00 |
Manchester United |
2:0 |
AFC Sunderland |
| 26.12. |
16:00 |
FC Everton |
baqatay |
Birmingham City |
| 26.12. |
16:00 |
Bolton Wanderers |
2:0 |
West Bromwich |
| 26.12. |
16:00 |
FC Blackpool |
baqatay |
FC Liverpool |
| 26.12. |
16:00 |
Blackburn Rovers |
0:2 |
Stoke City |
| 26.12. |
18:30 |
Aston Villa |
1:2 |
Tottenham Hotspur |
Kulanka ugu adag ayaa habeen dambe waxa uu dhex mari doonaa kooxaha waa weeyn ee ka wada dhisan Caasimada London waa FC Arsenal Vs Fc Chelsea.
Arsenal oo waayihii hore ka adkaan jirtay kooxda Chelsea ayaa xiliyadii dambe wexeey Taariikhdaas hore noqotay mid Suuq Madoow ah oo Duug ama wax hore noqotay maadaama Chelsea mudooyinkii ugu dambeeyey eey Arsenal laf dhuun gashay ku noqotay weliba waxaa inta badan ku Baashaalo Ciyaaryahan Didier Drogba.
Xiddigii hore ee kooxda The Gunners (Arsenal) Ashley Cole oo dhanka Difaaca uga ciyaara kooxda Fc Chelsea ayaa caawa u sheegay Skysport in kooxdiisii hore ee Arsenal habeen dambe iska diyaarinaan 3-da dhibcood. Kala horeenta Horyaalka Ingiriiska ayaa sidaan xaq loogu kala yeeshay.
| 1 |
Manchester United |
17 |
10 |
7 |
0 |
38:16 |
22 |
37 |
| 2 |
Manchester City |
19 |
10 |
5 |
4 |
28:16 |
12 |
35 |
| 3 |
FC Arsenal |
17 |
10 |
2 |
5 |
34:19 |
15 |
32 |
| 4 |
FC Chelsea |
17 |
9 |
4 |
4 |
31:12 |
19 |
31 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
18 |
8 |
6 |
4 |
27:23 |
4 |
30 |
| 6 |
Bolton Wanderers |
19 |
7 |
8 |
4 |
32:25 |
7 |
29 |
| 7 |
AFC Sunderland |
19 |
6 |
9 |
4 |
21:20 |
1 |
27 |
| 8 |
Stoke City |
18 |
7 |
3 |
8 |
23:22 |
1 |
24 |
| 9 |
Newcastle United |
18 |
6 |
4 |
8 |
28:29 |
-1 |
22 |
| 10 |
FC Liverpool |
17 |
6 |
4 |
7 |
21:22 |
-1 |
22 |
| 11 |
FC Blackpool |
16 |
6 |
4 |
6 |
24:29 |
-5 |
22 |
| 12 |
West Bromwich |
18 |
6 |
4 |
8 |
24:31 |
-7 |
22 |
| 13 |
Blackburn Rovers |
19 |
6 |
4 |
9 |
23:30 |
-7 |
22 |
| 14 |
FC Everton |
18 |
4 |
9 |
5 |
20:21 |
-1 |
21 |
| 15 |
Aston Villa |
18 |
5 |
5 |
8 |
20:30 |
-10 |
20 |
| 16 |
Wigan Athletic |
18 |
4 |
7 |
7 |
15:29 |
-14 |
19 |
| 17 |
Birmingham City |
17 |
3 |
9 |
5 |
17:20 |
-3 |
18 |
| 18 |
FC Fulham |
18 |
2 |
10 |
6 |
17:23 |
-6 |
16 |
| 19 |
West Ham United |
19 |
3 |
7 |
9 |
19:32 |
-13 |
16 |
| 20 |
Wolverhampton |
18 |
4 |
3 |
11 |
19:32 |
-13 |
15 |
Dhanka Gooldhalinta The England Premier League ayaa waxaa isku Kooleeysan Ciyaartooyda kala ah Dimitry Berbatov & Carlos Tevez oo u kala ciyaara kooxaha Ifka iskugu neceb dhanka ciyaarta kubada cagta waa Man Utd & Man City.
1-Dimitry Berbatov waxa uu leeyahay 11-Gool.
2-Carlos Tevez waxa uu leeyahay 10-Gool.
3-Andrew Carroll Newcastle Utd 10-Gool
4-Johan Elmander Bolton, Didier Drogba Fc Chelsea, Samir Ben Nasri Fc Arsenal, Kevin Nolan Newcastle Utd iyo Tim Cahill Everton wexeey dhamaan ciyaartooydaan wada leeyihiin min 8-Gool. Waxaa iyana min 7-Gool wata oo Tartanka Gooldhalinta rajo weeyn ka leh Ciyaartooyda kala ah Florent Malouda Fc Chelsea, Darren Bent Sunderland iyo Marouane Chamakh Fc Arsenal.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com