Carlos Alberto Tévez oo Magaalada Manchester iska dhex lugeeya isaga oo Gaari & Mooto qaali ah leh. Maxaa u sabab ah?(Aqri qeeybtii 2-aad, Hoosna kala soco Qeeybtii 1-aad
Weeraryahanka Qaranka Argenitina iyo Kooxda Manchester City Carlos Alberto Tévez ayaa ka yaabsaday bahda kubada cagta ee dalka Ingiriiska gaar ahaan kuwooda ku nool Magaalada Manchester
Carlos Alberto Tévez ayaa sida aanu warbixintii kowaad ee Laacibkaas aanu ku soo qaadnay idiin soo bandhignay qaabka nuuca gaariga uu leeyahay iyo weliba mootada cusub ee dhawaantaan uu soo iibsaday. Akhristoow Qeeybtii 1-aad ee war bixintaan ayaan waxaan idinka balan qaadnay in aan idiin soo gud bin doono Sawir cadeenaya qaabka Carlos Tevez u dhex lugeeyo Magaalada Manchester isaga iyo Marwadiisa.
Carlos Tevez ayaa Isbuuc kasta ugu yaraan waxa uu 2-jeer gaadiid la´aan ku soo dhex maraa Magaalada Manchester waxaana taas xalay wax ka weeydiiyey Sky Sport oo Su´aalay sababta keentay in Ciyaartooyda Saaxiibadiisa ah ee kala dheela Kooxda Man City dhamaantood gawaari ku dhex maraan Magaalada Manchester halka Tevez uu ku lugeeyo inta badan Cabsi la´aan:
Tevez ayaa ku jawaabay sidan: Nin kastoo Sport ah waxaa u wanaagsan in danihiisa uu ku soo dhameytso lug maxaa yeelay ma aha meesha caasimad weeyn ee waa Magaalo.
Tevez mar la weey diiyey bal in uu mar mar dhibaato kala kulmo marka uu magaalada dhex lugeenayo ayaa waxa uu ku jawaabay : haa dabcan 2 dhibaato ayaan inta badan la kulmaa kuwaas oo kala ah Taageerayaal fara badan oo anoo waqtiga igu yar yahay feel soo gala si eey saxiix iiga helaan ,markaan inta badan saxiixa siyo hadana kuwo kale oo hor leh ayey u soo sheegayaan taas oo mararka qaar iga yaabisa sida eey Taageerayaasha isku ogyihiin..
Ugu dambeentii Carlos Alberto Tévez ayaa sheegay in dhibaatada ugu weeyn ee dhamaadka laheeyn ee shaqsi ahaan heeysata eey tahay Taageerayaasha Man Utd oo tuuryeeyo mararka qaar oo uusan Booliska ka ag dhaweeyn Laacib Teves halka uu marayo.
Tevez ayaa waxa uu ku jiraa Liiska ciyaartooyda Qaarada Yurub ugu xanaaqa iyo Jaalaha badan (Hoos ka aqriso War bixinta Qeybteedii Kowaad)
Qeeybtii 1-aad halkaan ka aqriso
Maxaad ka taqaan Laacib Mootada ugu Qaalisan Dunida soo iibsaday isaga oo Gaari leh, Muxuuse ka yiri? Ku biiri Aqoontaada Sport (Halkaan ka Daawo Goolashiisa)
Weeraryahanka Oradka badan ee Qaranka Argentina iyo Kooxda Manchester City Carlos Alberto Tevez ayaa waxa uu soo iibsaday Mootada ugu qaalisan Dunida isaga oo Gaari qaali ah leh.
Carlos Tevez ayaa soo iibsaday Mootadaan oo magaceeda lagu sheegay Harley Black Suzuki GSX-R 1000 waxaana Qiimaheedu uu yahay 650000 Euro.
Weeraryahan Carlos Tevez oo inta badan Soomalidu u taqaan 2-Magac oo kala ah Qaameey ama Qaleey oo eey ula jeedaan isaga oo shil uu horay u galay ka dhaawacmay Qanjirada ka dibna neenaas uga dhigeen Xiliyadii uu u Ciyaari jiray Kooxaha West Ham Utd & Manchester Utd.
Tevez oo la weeydiiyey sababta uu u soo gatay Mooto qaali ah isaga oo leh Gaari Raaxo ayaa waxa uu ku jawaabay sidan:
Gaari Raaxo iyo Baabuur casri ah oo la iskugu faano Yurub ayaan ugu imid balse aniga iyo Familkeeyga waligeen Mooto ayaan ku soo adeegan jirnay waana taas in aan soo xasuusto oo aanan iloobin dhaqankeeygii hore"
Waxaa kaloo Xusid mudan Akhristoow in Tevez marar badan lagu arkay Magaalada Manchester oo uu Degan yahay isaga oo xaaskiisa canug yar kula jiidaayo Baabuurta ilmaha lagu riixo taas oo dadka yaqaan ka yaabisay maadaama Carlos Alberto Tevez uu leeyahay Gaari & Mooto Qaali ah.
Wareeysigaan oo aad u dheeraa ayaa idiin soo gudbin doonaa haduu alle idmo Qeeybtiisa 2-aad.
Ogeeysiin Bahda ku xiran Xiriiriye: Waxaa goor dhaw soo socda Barnaamishka La Yaab: oo maanta aad u xiiso badan. La Yaab ayaanu ku soo qaadaneeynaa maanta Ciyaaryahan Dunida caan ka ah oo Bisha Ramadaan uusan Soonka dhaafin halka uu Salaadana Tukan iyo Wareysi uu arinkaas ka yiri.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
By: Omar Ali Omar
Xiriiriyaha sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com