Mid ka mid ah Mooryaantii ugu caansaneed magaalada Muqdisho oo ilaaheey uu soo Hanuuniyey ka dibna ku biiray Jameecada loo yaqaan Tabliiqa (Qiso Yaab badan) !!
" Waa ilaah mahadiis aad ayaana ugu Farxay markaan arkay Ciro oo la socda Jameeco Tabliiq ah weliba Dadka waaninaayo isaga oo Aqalada ku garaacaayo una sheegaayo in dadka looga baahan yahay sidii eey u soo camiri lahaayeen Masaajidada ayeey tiri Xabiibo Kaariye oo ka mid ah Hooyooyinka wax ku iibiya Xaafada African Vilage ee magaalada Muqdisho.
Ciro ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Sanadihii ugu dambeeyey Dhalinyarada Hubka qaadatay ee weliba dhaca ka dibna kala fur fura Gawaarida Shacabka ee iskaga kala goosha Magaalada Muqdisho.
Jameecada Tabliiqa oo si eey u waaniyaan dhoor jeer Gurigiisa ugu tagtay Ciro waxaa la sheegay inuu ugu hanjabi jiray cidii mar dambe soo garaacda irida gurugiisa inuu Xabad ugu jawaabi doono balse hadalkaas Jameecadii Tabliiqa eheed ma gelin wax Cabsi ah oo weey ku Jarmaadi jireen Ciro maalin kasta inta uu jiifo.
Horaa loo yiri Kheeyrka Ilaaheey ma dhamaado waxaana maanta sabab noqotay inuu Ciro waaniyo ragii la Mooryaameeyn jiray kuwaas oo qaarkood bilaabay ineey kala dhuuntaan markii eey arkaan Ciro oo ku soo socda weliba wata Qamiis iyo Cimaamada Tabliiqa.