DIGNIIN : Fadlan Sawirka Gudaha ha isku furin hadii aadan awoodin waa mid ka mid ah Wiilashii ay Shabaab waaleen oo Surka ka goŽay >> Allooow Al Shabaab naga qabo oo Dhalinta ay waaleen wadada toosan ku soo celi (Faalo Naxdin iyo murugo xambaarsan) !!
Waa wax laga naxo iyo Musiibo Adduun in kooxda Al Shabaab oo horay Cadaw ugu eheed Ciyaaraha kubada Cagta iyo Jiritaanka Shacabka Soomaaliyeed ineey markaan u soo jeestaan sidii ay u Waali lahaayeen Dhalinyarada Masaakiinta ah ee aan qabin Caqliga ku filan.
Shabaab Bilihii ugu dambeeyey markii magaalada Muqdisho laga shabiyey ama laga saaray wexeey ku dhawaaqeen in ay badaleen Kaartadii Dagaal ee ka dhanka eheed Ciidamada Dawlada iyo kuwa Amisom taas oo hada la ogaaday waxa eey kala jeedeen.
Shabaab wexeey hada sameeysteen Liis ay ku qoran yihiin Dhalinyaro badan oo Maskax ahaan aan caadi aheeyn kuwaas oo dhibaato kala duwan ay ka soo gaartay Dagaaladii Ahliga ahaa ee ka dhacay dalka Somalia.
Dhalinyaradaan waa kuwa ay u isticmaalaan Qaraxyada sida Farxaan Wehliye oo ah Wiilkii ugu dambeeyey ee isku qarxiyey Xerada Villa Baydhaba (Sawirka kore). Dhalinyarada Qaraxyada loo adeegsado DaŽdooda wexeey u dhaxeeysaa 14-jir ilaa 22 jir.
Akhristoow ma is tiri adoo maanta Ilaaheey Caafimaad buuxo ku siiyey hadii uu Qof BeniŽaadam ah ku yiraahdo is Qarxi Janno ayaa kaa horeeyso? Waa maxay sababta uusan isaga isku qarxineeyn oo uu adiga kuu leeyahay is Halaag? Xaguuse ku ogaaday in uu Janno galaayo Ruux Naftiisa haligay weliba sababsaday Nafsada dad aan waxba galabsan oo sidiisa oo kale Maqluul ilaaheey uu abuuray ah?.
Qarax iyo Qiyaano nuucaan ah miyaan naqaanay ?? >> Rabiyoow kuwa Dhalinyarada Masaakiinta ah Maskaxda ka Rogay barta ay joogaan ku Halaaji Aakhirana Cadaabta ay mudan yihiin marsii. Aaamiiin