Aartiiste Sawir Gacmeed ka sameeyey frank Ribery oo doonayey inuu Lacag helo & Laacib Ribery oo ugu Jawaabay in hadii uu Gurigiisa ku arko Dharbaaxyo & Laad la dhici doono+(Daawo Kulamadi xalay dhacay ee Is reeb reebka Euro 2012)
Warsidaha Sportiga ka faalooda ee Bild oo ka soo baxa dalka Germany ayaa maanta soo bandhigay arin ka qosol siisay dhamaan intii aqrisatay warkaas oo aad u xiiso badnaa.
Artiiste Caan ka ah dalka Jarmalka oo inta badan Sawir gacmeedyo ka sameeya Laacibiinta waa weeyn ee magaca ku leh Ciyaaraha kubada cagta ayaa waxa uu Sawir gacmeed ka sameeyey Laacibka Qaranka France iyo Kooxda Bayer München Frank Ribery.
Farshaxaniistahaan oo lagu magacaabo Markus Steiner (Promikatur) ayaa waxa uu horay sawir gacameedyo uga sameeyey Laacibiinta kala ah Philip Lahm, Oliver Kahn, karim Benzama, Lukas Podolski, Miro Klose, Michael Ballack,, Ruud Vaan Nislelrooy,Pavel Nedved iyo kuwo kale oo aad u badan.
Ciyaartooydaas aan soo sheegnay intooda badan ayuu Lacag hadiyad ahaan ah ka helay Aartiistahaan marka laga reebo Oliver kahn iyo Miro Klose oo aan ku qancin Sawirada uu ka sameeyey Farashaxaniistahaan wuxuuna klose ka sameeyey san dheer oo iskoobe camal ah halka Oliver Kahn uu ka dhigay nin qosolka iyo salaanta ka xanaaqa.
Intaas kuma harin Aartiistahaan ee Isbuucaan ayuu waxa uu Sawir Mucjiso ah ka sameeyey Laacib Frank Ribery oo uu soo bandhigay Qaabka ilkihiisa Lakabka ah iyo Wajiga oo gees dhaawac qaliin ah uga yaalo.
Jaraaidka Bild Sport oo wareeystay Frank Ribery ayaa weey diiyey bal in uu Sawir sameeyahaan wax lacag ah ugu deeqi lahaa maadaama Ribery uu Taajir ama Qani yahay??
Frank Ribery ayaa ku jawaabay sidan: Lacag aan siiyo iska dhaafee haduu Gurigeeyga aktiisa yimaado Kab, Laad, iyo Dharbaaxyo ayaan abaal-gud uga dhigi lahaa Ciyaal suuqa.
Akhristoow Frank Ribery ayaa bishii May dhamaadkeedii intii uusan furmin World Cup 2010 waxa uu 20-kun oo Euro ugu deeqay Aartiiste kale oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa soo bandhigay Sawir muujinaya Frank Ribery oo Xambaarsan Koobka Addunka isaga oo hoos eey uga dhegan yihiin Laacibiinta kala ah Kaka, Fernando Torres,Andres Pirlo iyo Weyne Rooney oo wada ooynaya.
Frank Ribery oo la weey diiyey bal in uu Sawir gacmeedka ka xanaaqay iyo in kale ayaa waxa uu ku jawaabay sidan: kama xanaaqin ee Ciyaal suuqiinta nuucaan camal ah ayaan diidayaa ineey igu soo caan baxaan. Ugu dambeentii Akhristoow waxaanu shaki ku jirin in Laacib Ribery uu ka xanaaqay Qaabka uu u sawiray Aartiistahaan.
Dhanka kale waxaanu halkaan idinkugu heeynaa Balan qaadkii aan horay idkugu sameenay ee ahaa Daawashadii kulamadii ugu adkaa ee is reeb reebka Koobka Euro 2012 & kuwii ugu goolasha badnaa.. waxaana la ciyaaray xalay kulankiisii 2-aad.
Filo Maanta oo Qamiis ah Barnaamishka ILA QOSOL SPORT oo aad u qosol badan, waxaana ugu tala galanay Maalmaha Ciida inaan Akhristayaasha si weeyn qosol iyo farxad uga keeno.