La Yaab : Waxaad maqli jirtay Alabiitare ayaa gacan loo qaaday. Maanta waxaad Arkeeysaa Alabiitare Ciyaartooydii garaacaayo iyo Dagaal Sokeeye kii ebid ugu xumaa oo Ciyaartooy caan ah dhex maraayo( Daawo Video-Muuqaal ah oo Dagaal sokeeye ku bilaabmaayo kuna dhamaanyo isla Dagaal) Barnaamishka La Yaab oo inta badan aan idiin kugu soo bandhigno warar Xasaasi ah iyo Mucjisooyin kale oo kugu reeba Taariikh am fakar badan oo dhanka sportiga ah ayaa maanta waxaanu idiin heeynaa Muuqaal aad soo xasuusan doontaan xiliyadii Dagaalada Sokeeye ama Fowdada ka jirtay dalkeena hooyo. Akhristoow waxaa hubaal ah inaad maqli jirtay Alabiitare ayaa la caayey oo jalle ama rooso dhiibay. Laakiin maanta waxaad arkeysaa Alabiitare inta ciyaaryahan Jalle siyo ka dib ciyaaryahankii xanaaqo oo kubada ku darbeeyo dhanka Alabiitaraha balse Alabiitaraha ayaa weerar culus ku soo qaadaayo ciyaaryahanka ka dibna garaacaayo...Mucjisooyinka kale ee Muuqaalkaan ku jiro ayaa ah kooxo iyaga isla jiray oo dhexdooda ka dagaalamaayo, Calan wade la ceejinaayo La Yaab. Waxaad maqli jirtay Dagaal Sokeeye iyo Weero saf balaaran ah balse maanta waxaad arki doontaa Dagaal baaxad weyn oo dhex maraayo ciyaartooy badan oo caan ah . Ugu dambeentii Fadeexada eey garoomada la soo dhex galaan ciyaartooy badan oo Ciyaal suuqin ah ayaa waxaa mararka qaar sabab u noqotaa Dagaal kulul oo Garsooraha uusan waxba ka qaban karin marba hadeey isku duuleen 11 Vs 11, Yuu Jaale iyo Rosso siiyaa hadii dhamaan ciyaartooydii oo dhan eey dhulka isku jiidayaan . Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=B52SikPfvlM&feature=relate Filo wax yar ka dib Ciyaartooyda hogaanka u heeyso Gool dhalinta Horyaalada England, Italy, Spain & Germany + kooxaha eey u dheelaan oo hada shaqo eey ku socoto. !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )Xiriiriyaha Sportigahttp://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com