Koobka Champions League oo diiday koox kasta oo heeysato ineey mar kale Difaacato, Inter oo Gurigeeda lagu Meyd garaacay & Real Madrid oo Tottenham ka Talaabsatay (Halkaan ka Daawo Kulamadii dhacay iyo Hees cusub oo ka yaabsatay Bahda Garoomada Kubada cagta)
Ciyaar aad u xiiso badan oo dhex martay kooxda Inter Milan oo ah tan Difaacaneeysa koobka Horyaalada Yurub ee The Uefa Champions League iyo Kooxda Fc Schalke oo ka socota Horyaalka Dalka Germany balse Sanadkaan wax eey soo gur guurataba soo gaartay 8-kooxood ee ugu dambeeysa Champions League ayaa Dharka ka dhigtay kooxda Inter oo ku ciyaareeysay Gurigeeda.
Kooxda Inter Milan oo Wadnaha farta ku heeysay tan iyo markii uu biloowday xili ciyaareedka Champions League 2010/2011 Cabsi eey ka qabto Taariikhda Madoow ee Koobka Champions League oo diiday ineey si Sharaf leh ku Difaacato koox horay u heeysatay ayaa Cabsidaas iyo Taariikhdaas Madoow wexeey noqotay mid Banaanka ku soo dhacday Ciyaartii Caawa.
Maxaad kala socotaa Akhristoow Taariikhda Madoow iyo Rafaadka uu ku haayo Koobka Champions League Kooxaha mudooyinkii ama Sanadihii ugu dambeeyey isku dayey ineey Difaacdaan balse uu Champions League Gaashaanka u daruuray doonistaas?
Inta Taariikhda la ogyahay laga soo bilaabo Sanadkii 1989-kii iyo 1990-kii ma jirto koox inteey Qaaday Koobka Horyaalada Yurub ee The UEFA Champions League hadana ku darsatay Sanadkii 2-aad iyada oo ka dhigan ineey dfaacaneeyso.
Hadaba Taariikhdaas lagu sheegay Maalin Bahal galeen ah ineey ku soo socoto kooxda Inter mar eey ahaataba ayaa sidii saadasha eheed wexeey kooxda Inter caawa ku qabsatay Garoonkeeda Giuseppe-Meazza-Stadium oo eey soo xaadireen 72.770 Taagere.
Inter waxaa Gurigeeda Giuseppe-Meazza-Stadium 2-5 ku tuntay Kooxda Fc Schalke oo markii la sameeyey isku aadka Champions League durbadiiba Saxaafada Sportiga ugu yeereen kooxda Schalka ineey Godkeeda biyo soo galeen lagana reebi doono Koobka Champions League maadaama Inter si Layaab leh eey ku soo reebtay kooxda Fc Bayern Munchen oo dhan kasta ka awood badan mark la fiiriyo Fc Schalke oo eey isku dal ka wada socdaan (Bundesligaha Jarmalka) .
Ciyaarta caawa ayaa kooxda Inter waxaa Difaaceeda iyo Dhexda ka muuqday kala furnaan iyo Daal fara badan taas ayaana keentay in Inter oo Ciyaarta qeeybteedii hore hadba Goolal ku hormareeysay isla markiiba laga soo aaraayey iskaba daa Ciyaarta qeeybteedii 2-aad oo kooxda Inter hawada si weeyn looga qariyey.
Kooxda Fc Schalke oo Sanadkii 1997 Garoonka San Siro isla kooxdaan Inter kaga qaaday koobkii Uefa Cup-ka ayaa guushaan wexeey u noqoneeysa midii 2-aad oo Taariikhi ah maadaama eey adag tahay in Kooxda Inter Garoonka Veltins-Arena oo ah guriga Fc Schalke ku soo badiso 0-4 Natiijadaan wixii ka yarna kooxda Inter Champions League 2010/2011 Daaqada ayeey ka bixi doontaa.
Kooxda Fc Schalke ayaa Daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore waxaa Goolkii Sanadka ama waxa loo yaqaan The Dream-Goal ka xareeyey Xiddiga Qaranka Serbia ahna Xamaaliga Qadka dhexda ee kooxda Inter Dejan Stankovic oo Kubad uu ka soo gamay meel 50-Mitir goosha u jirto ku hubsaday Shabaqa kooxda Fc Schalke oo Goolhaye uu ka ahaa Boortaha Qaranka Germany Emanuel Neuer oo xili ciyaareedkaan kooxda Man Utd si aad ah u dooneyso.
Goolasha la iskugu jawaabay oo marka la isku daro 7-gool ahaa ayaa ciyartooyda wexeey u kala saxiixeen sidan:
1:0 Stankovic (1.)
1:1 Matip (17.)
2:1 Milito (34.)
2:2 Edu (40.)
2:3 Raul (53.)
2:4 Ranocchia (57./kooxdiisa ayuu goolka ka dhaliyey.
2:5 Edu (75.)
Qaar ka mid ah Telefishinada Ciyaarta soo tabinaayey sida SAT 1 oo laga leeyahay dalka Germany ayaa sheegay in kooxda Schalke eey u aartay kooxda Bayern Munchen oo gurigeenda Inter labo cad uga soo dhigtay. Tv-ga ayaa sheegay in Difaacyada kooxda Inter gadaal u taagaan oo lagu naaneeyso (4-Rakete) Gantaaladii 4-ta ahaa oo isku badalay Moos, wexeeyna kala jeedeen Ivan Cordobo, Christian Chivu, Daglos Maicon & Ranocchia. Kooxda Inter oo Sabtidii kooxda Ac Milan ku soo dubatay 3-0 ayaa ciyaarta caawa oo 5-gool laga xareeyey wexeey isku dar ka dhigeeysaa 8-gool oo mudo 4-cisho gudahood ah laga dhaliyey.
Dhanka kale difaaca Qaranka Romania Christian Chivu oo Qalaa halis ah noqday ayaa Iskoor cusub jabiyey ka dib markii uu Ciyaartii kulankii Darbiga ahaa ee Ac Milan Vs Inter Rooso soo qaatay Ciyaartii caawana ku darsaday Rooso kale.
kooxaha Inter Milan Vs Schalke ayaa Ciyaartooydooda wexeey isku arkeen ama isku qaabileen sidan :
Inter Milan: Julio Cesar - Maicon, Ranocchia, Chivu, Zanetti - Stankovic (24./Kharja, 63./Cordoba), Thiago Motta (76./Nagatomo), Cambiasso - Sneijder - Eto'o, Milito.
Schalke: Neuer - Uchida, Höwedes, Matip, Sarpei - Papadopoulos, Jurado (83./Draxler) - Farfan, Baumjohann (76./Schmitz) - Raul (87./Karimi), Edu
Waxaa Jaalle qaatay Ciyaartooyda kala ah : : Stankovic Inter. Farfan, Papadopoulos, Raul, Sarpei dhamaan Schalke.
Garoonka waxaa ugu wanaagsanaa oo cel celis ahaa Ciyaartooyda kala ah : Inter >Milito & Cambiasso. Schalke > Jurado, Edu, & Farfan. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Inter Vs Schalke >>> http://www.youtube.com/watch?v=cJ23Fo_tC3Y
*** Dhanka kale kulankii kale ee dhacay oo isna aad u xiiso badnaa wexeey kooxda Real Madrid 4-0 ku qaarajisay Naadiga Tottenham Hotspur oo ka dhisan Horyaalka dalka Ingiriiska. Tottenham waxaa biloowgii ciyaarta Rooso afgelis looga dhigay oo garoonka laga saaray weeraryahanka dhirirka badan Mr Peter Crouch oo inta jaalle la siiyey bilowgii ciyaarta hadane daqiiqadii 15-aad Rooso lagu Aqseeyey. Goolasha eey ku badisay kooxda Real Madrid waxaa u kala saxiixay Laaacibiinta kala ah ,
1:0 Emmanuel Adebayor (5.)
2:0 Emmanuel Adebayor (57.)
3:0 Angel Di Maria (72.)
4:0 Cristiano Ronaldo (87.)
Fiiro Gaar ah : Emmanuel Adebayor kooxda ifka uu ugu Jecel yahay ee uu xili kasta garaaco ama Nasiib wanaag goolal ka dhaliyo waa kooxda Tottenham oo uu caawa 2-gool ka xareeyey. Horyaalka England xiligii uu Arsenal & Man City u ciyaaraayey 9-Gool ayuu ka soo dhaliyey Kooxda Tottenham.
Garoonka Bernabeu-Stadium waxaa soo xaadirtay ciyaarta 80.000 oo Taageerayaal ah .
Ciyaartooyda Kooxaha Real Madrid Vs Tottenham ayaa sidaan isku qaabilay iskuna badalay:
Real Madrid : Casillas - Ramos, Pepe, Carvalho, Marcelo - Xabi Alonso, Khedira (61./Diarra) - Di Maria (77./Kaka), Özil, Ronaldo - Adebayor (75./Higuain)
Tottenham: Gomes - Corluka (80./Bassong), Gallas, Dawson, Assou-Ekotto - Lennon, Sandro, Modric, Bale - Van der Vaart (46./Defoe) - Crouch.
Halkaan ka Daawo Real Madrid Vs Tottenham >>> http://www.youtube.com/watch?v=gaQz7lSym3k.
Mucjisada ka yaabsatay Bahda kubada cagta ee Caalamka ayaa mar kaliyah noqotay Hees Cusub oo uu qaado Fanaan Toio Cruz lagu magacaabo ayaa xiligii Nasashada Haaf Temkii kooxaha Real Madrid Vs Tottenham iyo Inter Vs Schalke Garoomadooda laga shiday iyaga oo aan is ogeeyn. Heesta oo Telefishinada ciyaarta soo tabinaayo oo Nasiino ku jiro dhawaaqeeda aad looga maqlaayey ayaa wexeey noqotay Hees dadka Taageerayaasha lagu dajiyo inta eey Ciyaartooyda 15-daqiiqo Nasiino ama Talo soo qaadosho garoonka uga maqan yihiin.. Halkaan ka Daawo heestaan oo aan ayaantaan Dhawaqeeda Garoomada caalamiga ah laga weeyn : >>> http://www.youtube.com/watch?v=KRBS5WZMdik&feature=related
Is araga 2-aad wexeey kooxahan is arki doonaan Isbuuca dambe haduu alle idmo 12 & 13-ka Apriil ayaa la kala ciyaari doonaa.
Maanta waxaa kulamo adag eey dhex mari doonaan kooxaha Chelsea Vs Manchester United iyo Barcelona Vs Schachtjor Donezk.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
|
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii ) Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka http://www.xiriiriye.com/ omarinnho@hotmail.com
| | | | |