Nin lagu magacaabo Aizimujiang Aimeiti oo 115 jir ah ayaa waxaa uu Guursaday oo Aroos wacan u dhigtay Haweeneey lagu magacaabo Uigurin Arzuguli oo 52-jir ah. Lamaanahaan oo Mudo dheer Jaceeyl isla soo jilay ayaa waxaa lagu sheegay da´da ama Farqiga u dhexeeya inuu yahay 63-sano.
Lamaanahaan oo ku nool Dalka Shiinaha ayaa hadane wexeey Asal ahaan ka soo jeedaan dalka Turkiga waana Dad Muslimiin ah oo xiga dhanka Xuduudaha dalka Turkiga. Aizimujiang Aimeiti wuxuu dhashay sida war bixinta ku cad 2. Oktoober 1895.
Aizimujiang Aimeiti Xaaskiisii hore oo lagu magacaabi jiray Uguhan waxa uu guursaday 1928 wexeeyna u dhashay 15 Caruur ah oo 8 ka mid ah eey ahaayeen Gabdho weeyna ka geeriyootay Xaaskaas xili aad u fog (1972).
Mucaashaqaan lagu magacaabo Aizimujiang Aimeiti waxa uu ka taliyaa ama Caan ka yahay mid ka mid ah Gobolada ugu wax soo saarka iyo Dhaqaalaha badan dalka Shiinaha (Xinjiang).
Wadanka Shiinaha waxaa ku nool Dadka Dunida ugu Cimriga dheer wexeeyna Daraasadii ugu dambeeysay ee dalkaas laga soo saaray sheegtay in dalka Shiinaha eey ku nool yihiin 20-Milyan oo da´da 80-Jirka ka weeyn