WORLD SPORT NEWS : Andrea Pirlo" Ac Milan hadaan Gool ka dhaliyo ma dhici doonto inaan Dabaal dego,, ,* Francesc Fabregas oo Muruq booday ka dibna laga dhex qaaday Xerada Tababarka ee Fc Barcelona,* Macalin Jose Morinho oo Fasaxay Weeraryahan Karim Benzema, Waa maxay sababta? (Halkaan ka Aqriso Warar Tarjuman)
*** Ciyaar suubiyaha ku wanaagsan dhanka gamista ama Tuurista Bilisiyoonka ee Qaranka Squadra Azzurra (Italy) ahna Xiddig ka tirsan kooxda Faca weeyn ee Juventus Andrea Pirlo ayaa sheegay kulanka Caawa Axad 2.10.2011 20:45 Juventus Vs Ac Milan hadii uu Milan gool ka dhaliyo inuusan Dabaal degi doonin sida looga bartay Ciyaartooyda Caalamka marka eey Goolal dhaliyaan.
Andrea Pirlo oo la hadlayey inta badan Telefishinada ugu caansan Caalamka waxa uu yiri sidan " Ac Milan hadaan Gool ka dhaliyo Never ma dhici doonto inaan Dabaal dego oo Farxad iyo orad aan Garoonka ku soo dhex maro mana ka dhaqaaqi doono barta aan taaganahay waana iga Respect arinkaas,,
Laacibiinta Caalamka ayaa ku kala duwan arinta uu Mr.Pirlo ka dhawaajiyey maxaa yeelay qaar ayaa markii eey kooxahoodii hore Goolal ka dhaliyaan Dabaal deg iska daayee wexeey ugu daraan Caay iyo Aflagaadeeyn.
Andrea Pirlo oo Horyaalka Talyaaniga looga yaqaan Markabkii Qadka dhexe waxa uu horay ugu soo ciyaaray kooxaha Brescia, Reggina, Inter Milan iyo Ac Milan. Sanadkii 2001-kii ayuu Pirlo ku soo biiray naadiga Ac Milan wuxuuna 284 kulan oo uu saftay u saxiixay Ac Milan 32-Gool.
Laacib Andrea Pirlo ayaa xili Ciyaareedkaan cusub 2011 wuxuu ku soo biiray kooxda Juventus oo boorka iska jaftay dibna isku soo abaabushay.
*** Xiddiga Qaranka Reer Spain iyo kooxda Fc Barcelona Cesc Fabregas ayaa waxaa laga dhex qaaday Xerada Tababarka kooxda Fc Barcelona ka dib markii uu booday Muruqa Lugta bidix. Fabregas oo Garoomada Caalamiga ah ka maqnaan doona ugu yaraan 3-Isbuuc waxaa sidaas ku seegi doona kulanka maanta oo Axad ah dhex mari doona kooxaha Sporting Gijon Vs Fc Barcelona wuxuuna sidoo kale Qaranka Spain ka maqnaan doonaa kulamada uu xulkaas la yeelan doono Isbuuca dambe Is reeb reeka koobka Qaramada Yurub Xulalka Czech Republic iyo Scotland.
Xiddigaha Caalamka ayaa inta badan wexeey Nolasha nacaan marka uu boodo Muruqa Bowdada maxaa yeelay ma jiraan wax ka xanuun badan oo waxaa adkaata si lagu Darbeeyo kubada halka Qaar Kubad eey Ciyaaraan iska daayee uu socodka dhibo.
Dhaawaca Laacib Francesc Fabregas marka laga soo tago waxaa sidoo kale Fc Barcelona Dhawac ahaan uga maqan Ciyaartooyda kala ah Andres Iniesta iyo Ibrahim Afellay. (Hoos kala soco War Bixintaan oo Tarjuman)
*** Macalinka Kooxda Real Madrid Mr.Jose Morinho waxa uu fasaxay ama Nasiino gaaban u diray weeraryahanka Qaranka reer France iyo kooxda Real Madrid Karim Benzema. Macalin Jose Morinho ma jeclo Ciyaartooyda inta badan qarsata Dhaawacyada yar yar wuxuuna ka jecel yahay inuu Fasax gaaban oo Nasiino ah u diro inta eey qabaan Dhaawacyadaas yar yar.
Tababare Jose Morinho horay wexeey iskugu dhaceen Ciyaaryahan Ricardo Kaka oo 2 sano ka hor isku dayey inuu qarsado ama ku Ciyaaro Dhaawac fudud. Weeraryahan Karim Benzema ayaa lagu wadaa inuu ka maqnaado kooxda Real Madrid kulanka maanta Espanyol Vs Real Madrid iyo kulanka dambe ee 15-ka Bisha Oktoobar Real Madrid Vs Betis Sevilla .
Karim Benzema ayaa sidoo kale Qarankiisa Reer France ka maqnaan doona kulamada Is reeb reebka koobka Qaramada Yurub oo lagu wado Xulka France ineey la kala yeeshaan 7 & 11-ka bisha Oktoobar dalkalka Albania iyo Bosnia.
Filo Goor Dhaw Faaqidaada horyaalada oo aad u xiiso badan ka dib markii Kooxo waa weeyn dhulka lagu jiiday iyaga oo Guryahooda ku Ciyaaraya halka qaar kale Guulo muhiim ah eey gaareen (Coming Soon)
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
# Der spanische Meister FC Barcelona muss drei Wochen auf Rückkehrer Cesc Fabregas verzichten. Der vor Saisonbeginn vom FC Arsenal aus London gekommene Mittelfeldspieler erlitt im Training am Samstag einen Muskelfaserriss im rechten Oberschenkel.
Fabregas fällt zunächst nicht nur in der Liga-Partie am Sonntag bei Sporting Gijón aus, sondern auch in den anstehenden Länderspielen von Weltmeister Spanien. Dem FC Barcelona fehlen bereits die verletzten Stars Andres Iniesta und Ibrahim Afellay.
# Frankreichs Teamspieler und Real-Stürmer Karim Benzema, muss mit einem Adduktoren-Riss eine rund zweiwöchige Zwangspause einlegen. Das erklärte Real-Trainer Jose Mourinho auf einer Pressekonferenz am Samstag.
Benzema werde das Spiel gegen Espanyol (Sonntag) und vielleicht auch jenes gegen Betis Sevilla (15. Oktober) verpassen, so der Portugiese. Für Frankreichs abschließende Partien in der EM-Qualifikation am 7. und 11. Oktober gegen Albanien bzw. den ersten Verfolger Bosnien-Herzegowina fällt der 23-Jährige jedenfalls aus.