|
Maxaad kala socotaa qaabkii eey Familka Fernando Torres uga raayeen Tv-ga caanka ah ee Sky Sport? * Kulankii Fc Chelsea Vs Fc Liverpool oo markii Chelsea la garaacaay Skysport u aqoonsatay Wareeysi Muhiim ahaa ! * + Chelsea oo Cesc Fabrigas 60 Milyan oo Euro u taagan. |
Telefishinka Sky Sports Latest Football News Qeeybtiisa England ayaa waxaa qabsatay qiso lama arag iyo lama maqal ah sida eey ka qoreen Jaraidyada Sportiga ee ka soo baxa dalka Ingiriiska gaar ahaan the Daily Mirror Newspaper & The sun sport.
Wariye ka tirsan Skysport ayaa waxa uu balan qaaday inuu si Live ah u soo deeyn doono Wareeysi eey la yeelan doonaan Familka Fernando Torres oo ku sugnaa magaalada London gaar ahaan Garoonka kooxda Chelsea Stamford Bridge oo xiligaas lagu waday ineey ka dhacdo ciyaartii dhex martay kooxaha waa weeyn ee Fc Chelsea Vs Fc Liverpool.
Familka Fernando Torres oo xiligaas ku soo wada labistay Funaanda Buluuga ah ee lagu yaqaan kooxda Fc Chelsea ayaa waxaa dhacday in Garoonka halkii eey ka fadhiyeen laga waayey ciyaarta oo 85-daqiiqo mareeyso wexeeyna taas La yaab ku noqotay Wariyihii Balan qaaday inuu soo deeyn doono muuqaalka Familka Fernando Torres oo ka koobnaa 10-Qofood.
Tv-ga Skysport ayaa xiligii uu balan qaaday ama soo deeyn lahaa Wareeysigaas waxa uu Jadwalkiisa ku badalay Falaqeeynta Horyaalka Spain maadaama eey meesha ka baxday balan qaadkii iyo wareeysigii la rabay in si Live ah loo saadaayo Familka Fernando Torres oo ka waramaya Taariiqda Wiilkooda iyo Sababta eey London u yimaadeen.
Waxaa iska cad hadii kooxda Chelsea badin leheed ama Fernando Torres goolal u dhalin lahaa kooxdiisa cusub eey bartooda Farxad la fadhin lahaayeen Familka Fernando Torres oo guuldaradii i lagu iftaxay wiilkooda Garoonka Stamford Bridge ku faaruqiyey ciyaarta oo 5-daqiiqo eey ka harsan tahay.
*** Dhanka kale Xiddiga Qaranka Spain iyo kooxda Fc Arsenal Francesc Faaregas Soler ayaa waxaa 60-Milyan oo Euro u taagan kooxda Fc Chelsea oo dooneeysa ineey ka barbar ciyaarsiiso Xiddiga Cusub ee weerarka uga ciyaara Qaranka Spain iyo kooxda Chelsea Fernando Torres.
ka bogo goor dhaw haduu alle idmo warar Sport oo Top News ah.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com