La Yaab ! Sports : Tababaraha kooxda Celtic Neil Lennon oo Addareeska Poostadiisa Bambo loogu soo diray,* Fc Rangers oo Rabtay ineey Celtic Qarxiso ? , * Caalamka oo arinkaan la yaabay iyo Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
*** Xiddigii hore ee Kooxda Celtic Glasgow hadana ah Tababaraha kooxdaas Neil Lennon ayaa Addareeska Poostadiisa qaaska ah waxaa loogu soo diray Kartoon hoos looga soo rakibay Bambaanada Qatarta ah ee loogu tala galay ineey Dumiso Daaraha dhaadheer halka eey ku Qaraxdana ku leeyso wax alaale iyo wixii Nafleey ah.
Qolooyinkii u shaqeenayey Poostada oo aanan ka war heeyn waxa ku jiro Kartoonka ayaa wexeey Bambadii Xafiiskiisa ugu geeyeen Macalin Neil Lennon oo xiligaas Shaqo ku guda jiray. Tababare Neil Lennon oo aad u Nasiib badnaa ayaa intii uusan Kartoonka Bambada ku jirtay furin waxa uu ka shakiyey kuma qorneen cida soo dirtay waxaana ku qornaa oo kaliyah (Ku socoto) oo magaciisa Neil Lennon eheed .
Tababare Neil Lennon waxa uu horay ka wacay Ciidama Booliska waxaana meeshii ka dhacday Kabteey ma aragtay iyo kala carar markii la ogaaday ineey Bambo ku jirto Kartoonka Poostada.. Ciidamada Amniga ee ku Shuqul leh Qaraxyada & Bambaanooyinka ayaa intaas ka dib la wareegay Kartoonkii hoosta looga soo rakibay Bambada Qatarta ah.
Kiiskaan oo ka yaabsaday Dadkii Telefishinada arintaan ka daawanayey ayaa waxa uu noqonayaa midkii ugu horeeyey oo Neceeyb intaas la eg Tababare Xafiiskiisa loogu geeyo Kartoon Bambo ah oo hadii uu Qarxi lahaa Xitaa Hilibkiisa la waayi lahaa.
Ciidamada Amniga oo arintaan Naxdinta leh si deg deg ah Baaritaan ugu sameeyey ayaa wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya Kiiskaan wexeey sheegayaan in Bambadaan lagu tuhmaayo ineey ka timid dhanka kooxda Rangers oo Cadaawad xoogan eey kala dhaxeeyso Celtic maadaama eey ka wada dhisan yihiin hal maagaalo taas oo ah Glasgow (Scotland)
Sidoo kale wexeey Ciidamada Aminiga shaki ka qabaan ineey arintaan ka dambeeyeen Qolooyin Mucaarad ah oo neceb jiritaanka dadka ka yimaada Wadanka North Irland wuxuuna Shaqsi ahaan Tababare Neil Lennon ka soo jeedaa dalka North Irland.
Madaxweeynaha dalka Scotland ayaa arintaan waxa uu ku tilmaamay Fal wuxuushnimo ah oo aan horay uga dhicin dalka Scotland.
Tababare Neil Lennon oo la sheegay in uu arintaan Naxdin weeyn ka qaaday ayaa waxa uu kooxda Celtic u soo Ciyaaray Sanadkii 2000 ilaa Sanadkii 2007-kii.
Halkaan ka Daawo War bixinta Mucjisadaan : http://www.youtube.com/watch?v=iZc0B4ua2aM .
*** Qiimeeynta Kooxda ugu Lacagta badan ama Ciyaartooyda ugu Mushaar qaadashada badan ayaa waxaa Qiimeeynta iskugu soo haray 3-Koox oo ka kala dhisan Caalamka wexeeyna kooxaas kala yihiin sidan: Kooxda Fc Barcelona ayaa Qiimeeynta kaalinta 1-aad ka gashay. Kaalinta 2-aad waxaa gashay Team-ka Caalamka ugu lacagta badan marka Fc Barcelona laga soo tago kooxda Ciyaarta Baseball New York Yankees. Kaalinta 3-aad waxaa la wareegtay oo si Nabad ah ku degtay kooxda Real Madrid.
*** Kooxda Dortmund ee Horyaalka Germany ayaa lagu wadaa ineey galabta noqoto kooxdii ugu horeeysay ee Horyaalada dalalka waa weeyn ka dhisan oo u dabaal degto Horyaalka dalkeeda waa hadii eey soo garaacdo kooxda Gladbach ka dibna Liverkusen oo la ciyaareeysa Hoffenheim oo wadata Ex-Weeraryahankii Fc Liverpool Babel Bareejo lagu qabto. Dortmund Horyaalka Jarmalka wexeey ku hogaamineeysaa 69-Dhibcood. Liverkusen oo ku soo xigto ayaa wexeey leedahay 61-Dhibcood.
*** Macalinka Fc Barcelona Pep Guardiola iyo Xiddiga kooxdaas Leo Messi ayaa hawada u soo mariyey kooxda Real Madrid hadal u dhigmay Hanjabaad. Guardiola ayaa yiri Real waan ugu hambalyeenayaa koobkii eey qaaday Laakiin Champions League sidaas uma farxi doonaan. Leo Messi ayaa dhankiisa yiri Guuldaradii Koobka Hurdada ayeey naga kicisay waxaana darnaa leheed in Real Goolkii eey ku badisay ineey naga dhaliyaan Kulanka Champions League ee Isbuuca soo sicda dhici doona.
Filo Goor Dhaw warar Top News ah iyo Barnaamishka Ku biiri Aqoontaada Sport iyo kii Hal Xiraalaha oo shaqo eey ku socoto !!
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com