Sharaf daradii Kenya ka dhacday xiligii Hogaamiye Kooxeedyada xitaa ma dhicin, Maxaad kala socotaa Ceebta dhacday iyo Sharaf dhaca loo geeystay Qaranimada & Jiritaanka Calankeena Soomaaliyeed (Raisul Wasaaroow Xaal qaado ) !!
(Taariikh Madoow) Shirkii Kenya ka dhacay Soomaali Damiir Wadaninimo leh iska daayee Ajaanibtii xitaa Afka ayeey gacmaha saarteen ceeb iyo fadeexo darteed.Dadka intiisa badan wexeey is weey diinayeen taloow Shirka ma labo Daawlodoodbaa kulmaya mise Madaxdii Kenya oo kaliyah ayaa meesha ku balansan? Caalamka waxaa Caado ka ah labo Wasiir oo ka kala socda labo dawladood hadii eey kulmayaan in Madasha Shirka loogu sii diyaariyo Labada Calan ee kala quseeya labadaas Dawladood laakiin markaan waxaa dhacday Ceeb Taariikh madoow ah oo ku habsatay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Qaranimadooda iyo Jiritaankooda. Ra'isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas Fadeexada qabsatay Rabiyaa ogee xiligii Hogaamiye-kooxeedyada eey ku tar tami jireen aadista dalka Kenya ma dhicin maxaa yeelay iyaga oo Hogaamiye kooxeed loo qirsan yahay ayeey hadane Boorsooyinka ku sii qaadan jireen Calankeena Soomaaliyed. Goobtii uu ka qudbeeyey Ra'isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas waxaa laga waayey Calankeena Soomaaliyeed oo ka Tarjumi lahaa Qaranimada iyo Jiritaanka Shacbka Soomaaliyeed waxaana gadaashiisa Surnaa Calanka dalka Kenya oo kaliyah. Dhacdadaan wexeey shaki weeyn ku beertay dad fara badan oo durbadiiba Sawirtay ineey Dawlada Kenya dhab ahaantii aqoon saneeyn wax Qaranimo Soomaaliyeed la yiraahdo oo hada ka jira dalka. Fadeexada iyo Ceebta 2-aad wexeey ku habsatay Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo laga doonayey hadiiba Ra'isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas uu Calanka Somalia ka maarmay inuu surto, Safaaradu wexeey xaq u leheed ineey Sharaf dhacaas iyo bah dilkaas ka Gaashaamato soona saarto goobta uu Shirka ka socday Calanka Aqoonsiga Qaranimada Soomaaliyeed. Ugu dambeeyntii Safaarada Soomalida Kenya iyo Ra'isul Wasaare Cabdi Wali Maxamed Gaas mida eey dhigeen ayaa wexeey noqotay maalin Taariikh Madoow ah oo u soo hoyatay Shacbka Soomaaliyeed maadaama goobta eey soo Xaadireen Saxaafada Caalamka Calankii Soomaaliyeedna laga ag waayey Ra'isul Wasaarihii matalayey Umadda Soomaaliyeed (R/wasaaroow Xaal qaado)