Ceebta & Calool xumada maanta Soomaali heeysata wexeey kaliftay Qaar ka mid ah Dumarka Soomaaliyeed ineey Nimanka Ajaanibta ah wax weeyn moodaan Luuqadoodana ka Faanaan (Halkaan ka Daawo)
Dagaalada iyo Colaadaha looga soo cararay dalkeena Hooyo ee Somalia ayaa wexeey noqdeen kuwo Shacabka Soomaaliyeed dhan kasta Ibtilo iyo dhibaato eeysan horay u arag dhabarka u saaray.
Shacabka Gudaha Somalia ku sugan Xabad,Qarax iyo nidaam la´aan ayaa daris la noqday kuwii soo Qaxay ee Qurbaha ka soo raadsaday Nolo dhaanta dhibaatooyinkii eey ka soo carareen waxaa heeysato Fitno iyo Ubadkii oo la jaan qaaday Dhaqamo kale.
Badii waa Burcad Badeed,Gudaha waa Xabad iyo Dagaal aan dhamaad laheeyn,Dibadii ama Qurbihii waa Fitno iyo Dhaqan xumo Alloow amuuraha sahal Soomaali weeyna meeshii u wanaagsan iyo Kheeyrka tus.
Wadamada Qurbaha waxaa ku soo badanaya qaar ka mid ah Hablaha ama Gabdhaha Soomaaliyeed oo qarsan waayey ku faanida Nimanka Ajanabiga ah ,haba ku faaneene wexeey dhaqan xumadaas ku darsadeen ineey ka faanaan Luuqadooda Hooyo ee Soomaaliyeed kuna hadlaan ama dhexda ka galiyaan Luuqado kale oo looga hadlo dalalka eey ku nool yihiin.
Kuwa ugu liita Dumarka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool waa kuma markeey arkaan Gabdho Soomaaliyeed oo Niman Ajanabi ah la socda iyagiina dhankooda ka bilaaba ineey radiyaan ama waqti ku dhumiyaan soo xero gelinta Nin Ajanabi ah oo Aakhiritaanka sabab u noqon kara inuu Dumarka Soomaaliyeed Nolashooda dambe haligo.